Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo ka hadlay xil ka tagidda Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

2 Dec 2013

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo ka hadlay xil ka tagidda Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta ammaan u soo jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee jagada ka degaya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, wuxuuna tilmaamay kaalinta mas’uulnimada leh ee Baarlamaanka Federaalka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ay u maareeyeen mooshinka “kalsooni ka qaadidda”.

“Waxaa muhim ahayd in hawshan baarlamaaniga ah ee aan hore loo arag loo maareeyo si waafaqsan dastuurka ku meelgaarka ah iyo nidaamka iyo xeer-hoosaadka u degsan Baarlamaanka”, ayuu yiri.

“Hay’adaha Dowladda Soomaaliya waxay gaarayaan bisayl. Qaramada Midoobayna waxay halkan u joogtaa inay taageerto horumarkooda, waxayna ku hanweyntahay inay si wax ku ool ah ula shaqeyso hay’adaha cusub. Ra’iisal Wasaaraha jegada ka degaya, Shirdoon, shaqo adag ayuu ka qabtay siduu u horumarin lahaa kobaca iyo horumarka, wuxuuna qayb muhim ah ka cayaaray sameynta Heshiiskii Hiigsiga Cusub ee dhexmaray bulshada caalamka iyo Soomaaliya.”

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in degdeg loo magacaabo Ra’iisal Wasaare cusub sida ugu dhaqsiyaha badan si loo sii wado horumarka laga gaaray siyaasadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. “Waxaan rajeynayaa in Madaxweynuhu uu yeelan doono wadtashi buuxda ka hor intuusan soo xulanin Ra’iisal Wasaaraha cusub. Waxaa dhammaanteena dani noogu jirtaa in Ra’iisal Wasaaraha iyo dowladda cusub ah ahaadaan kuwo ballaaran oo loo wada dhanyahay, oo dalka mideyn kara, awoodna u leh inay Soomaalida u keenaan waxay u baahanyihiin – oo ah nabad, sharci iyo kala dambeyn, kobac dhaqaale iyo adeegyo guud oo wanaagsan.”

Wuxuu sidoo kale ku guubaabiyay Baarlamaanka Federaalka inuu dadaal weyn bixiyo isagoo eegaya danta guud oo horumar ka sameeyo sharci-dejinta iyo hawlaha kale ee dastuuriga ah ee dalku degdega ugu baahanyahay.

“Sanadaha soo socda, waxaa muhim ah in Baarlamaank, Xukuumadda iyo Madaxtooyadu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah u wada shaqeeyaan iyagoo si buuxda u dhowraya Dastuurka Federaalka ee Ku Meelgaarka ah, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.