Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud Michael Keating oo si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho

26 Jul 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud Michael Keating oo si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho

 

WAR-SAXAAFADEED 19/2016

 

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sida ugu adag u cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee maanta ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho kuna dhinteen ugu yaraan hal darsan ama laba iyo toban qof.

 

Ismiidaamiyaal ayaa saaka laba baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ku qarxiyay meel u dhow derbiga xayndaabka garoonka diyaaradaha. Ma jirto cid ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ku jira dadka la xaquujiyay inay dhinteen.

 

Al-Shabaab waxay mar kale qaadeen weerar arxan darra ah oo ay ku dhinteen ugu yaraan hal darsan ama laba iyo toban qof oo Soomaali ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Aqlabiyada ugu badan ee dadka Soomaaliyeed way diideen xeeladahaas argagaxiso iyo in colaad iyo xoog loo adeegsado in lagu gaaro ujeeddo siyaasadeed. Dhacdadan naxdinta leh waxay tusaale cusub u tahay isku dayga nafalacaariga ah ee kooxaha argagaxisada ay ku doonayaan inay ku joojiyaan horumarka siyaasadda. Hay’adaha Dowladda Soomaaliyeed iyo Qaramada Midoobay midna lagama weecin doono inay hor u socdaan.”  Waxaa loo ballansanyahy in dabayaaqada sannadkan la qabto doorashooyin ka qaybgalkoodu koobanyahay.

 

Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan tacsi tiiraanyo u dirayaa qoysaska iyo saaxiibada dadkii dhintay, waxaana dadka dhaawaca ah u rajeynayaa inay si degdeg ah uga soo kabtaan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.