Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay agagaarka dekedda Muqdisho

11 Dec 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay agagaarka dekedda Muqdisho

 

WAR-SAXAAFADEED 31/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sida ugu kulul ee suurtagal ah u cambaareeyay weerarki argagixiso ee saaka ka dhacay banaanka hore ee dekedda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Dhibanayaasha intooda badan waxay ahaayeen dad rayid ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarixii ismiidaaminta ahaa ee loo adeegsaday gaari xamuul ah, kaas oo ka dhacay agagaarka xafiiska canshuur ururinta ee booliska. Afhayeen u hadlay kooxda xagjirka ah ayaa warbaahinta u sheegay in al-Shabaab ay beegsatay ciidamo amaan oo u xilsaarnaa ilaalinta dhismaha dekedda iyagoo sabab uga dhigay “in loo tababaray inay sugaan amaanka waxa loogu yeero doorashooyin.”

“Falkan ugu dambeeyay ee waxashnimada ah ee maleeshiyaadka Al-Shabaab, ee dhacay maalin munaasabad diimeed ah, wuxuu markhaati cad u yahay tixgelin la’aanta ay u hayaan nolosha iyo yididiilada muwaadiniinta Soomaaliyeed" ayuu yiri Mudane Keating. “Qaraxa waxaa dhici karta in loola dan lahaa in Al-Shab aab ay ku muujiyaan diidmadooda geedi-socodka doorashada 2016. Haddii ay sidaas tahay, waa qaab dhiig badan ku daadanayo oo aan lagu gaareynin ujeedadaas iyo natiijada ay rabaan. Argagixisnimadu ma joojin doonto xawaaraha hawsha".

Codeynta Aqalka Hoose inteeda badan waa la soo dhammeystiray, iyadoo hadda la doortay 226 oo ka mid ah 275ka kursi, waxaana la filayaa in ku dhowaad dhammaan kuraasta harsan la buuxiyo toddobaadka soo socda. Toddobaadkii la soo dhaafay, Madasha Hogaanka Qaran waxay go’aamisay in doorashada Madaxweynaha ay qabsoonto dabayaaqada bishan Disembar.

Ergeyga Gaarka ah wuxuu amaanay dowrka asaasiga ah ee ciidamada amaanka Soomaaliyeed iyo kuwa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay ka qaateen ilaalinta goobaha doorashada ee dalka oo dhan, iyadoo la qirayo in amniga magaalada Muqdisho, oo ah caasimad ballaaran oo ay ku noolyihiin dad malaayiin ah, ay weli tahay caqabadda ugu weyn.

Ergeyga Gaarka ah wuxuu tacsi u diray qoysaskii iyo asaxaabtii dadkii ku geeriyooday, wuxuuna u rajeeyay intii ku dhaawacantay inay si degdeg ah oo buuxda uga bogsoodaan.