Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating ayaa ugu baaqay dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay dhowraan heshiiskii xabad-joojinta Gaalkacyo

24 Dec 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating ayaa ugu baaqay dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay dhowraan heshiiskii xabad-joojinta Gaalkacyo

 

WAR-SAXAAFADEED 32/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa walaac daran ka muujiyay colaadda ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacyo 23kii Diseembar taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan saddex qof iyo dhaawacyada dad kale oo badan. Wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay xurmeeyaan heshiiska xabbad-joojinta.

Tan iyo markii ciidamada la kala qaaday 18kii bishii Nofembar, Guddiga Wadajirka ah ee hay’adaha maxalliga ah iyo odeyaasha ka socda Puntland iyo Galmudug wuxuu dadaal ku bixiyay sidii loo joogtayn lahaa xabbad-joojinta iyadoo loo marayo wadahadal. Kasokow dadaalkooda amaanta mudan, ismariwaaga ka taagan wadaxaajoodyada ku saabsan qaadista jidgooyooyinka ay dhigeen Puntland iyo Galmudug labadooduba, iyo furidda waddooyinka, ayaa khatar culus gelinaysa xabbad-joojinta.

Waa in Puntland iyo Galmudug ay khilaafaadkooda ku xalliyaan si aan colaad lahayn, degdegna iskula meel dhigaan tallaabooyinkii lagu burburin lahaa jidgooyooyinka, dib loogu furi lahaa waddooyinka, ciidamadana dib ugu guran lahaayeen iyadoo aan lahayn dib u dhac dambe. Waa in baaritaan lagu sameeyaa carqalad kasta oo ka dhan ah nabadda iyo xasiloonida.

Waa in hoosta laga xarriiqaa in xaaladda magaalada Gaalkacyo ka jirta ay dhalisay walaac bani'aadanimo oo daran. Waddooyinka oo weli xiran darteed, ayaa saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa dhanka woqooyi ee Gaalkacyo ku go'doonsanaa gawaarida xamuulka ee raashinka gargaarka bani'aadanimo u sidday dadka ay abaartu saameysay iyo dadka u baahan gargaarka. Xaaladdan ayaa timid iyadoo ay jirto cunno yari sii kordheysa oo ka jirta goobaha ay sida caadiga ah gaaraan gargaarka bani'aadanimo iyo sahayda ganacsi ee loo marsiiyo Gaalkacyo. Horay uma dhicin in mid ka mid ah labada dhinac ay sahayda gargaarka bani'aadanimo u diido inuu gudbo, xitaa iyadoo ay dagaallo socdaan, ayaa labada dhinac ogolaadeen inuu gudbo gargaarka bani'aadanimo, iyagoo u hogaansamaya sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaallada.

Colaadaha sii socda waxay soo dedejin karaan barakac kale oo baahsan oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo. Dad lagu qiyaasay 90,000 ayaa ku barakacay dagaalladii bishii Oktoobar 2016, ku dhowaad 30,000 oo ah dadkii barakacay kuma soo noqon guryohoodii iyagoo ka cabsi qaba dagaal soo cusboonaada. Iyadoo hay'adaha gargaarka bani'aadanimo ay sii wadaan u gurmadka baahida barakacayaasha iyo bulshada marti gelisay, ayaa loo baahanyahay in dhammaan dhinacyada arrintu khusayso ay dadaal kasta u sameeyaan sidii looga fogaan lahaa barakac kale oo sii murjin kara dhibaatada bani'aadanimo.

Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta Galmudug iyo Puntland inay muujiyaan dadaalkooda joogtada ah iyo hogaankooda ay ku baadi goobayaan xal nabadgelyo oo laga gaaro colaadda iyo in si degdeg ah xal loogu helo go'doominta si loo damaanad qaado bed-qabka iyo isusocodka xorta ah ee shaqaalaha gargaarka iyo sahayda si ay awood ugu yeeshaan inay gaaraan dadka u baahan gargaar bani'aadanimo oo degdeg ah.