Hogaamiyeyaal Soomaaliyeed oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Sharmaarke iyo xubno ka socda beesha caalamka ayaa ka qaybgalay wadahadalo looga arrinsanayay colaadda iyo xabadjoojinta Gaalkacyo iyo in lagu heshiiyo sidii horay loogu sii wadi lahaa wadahadala

13 Nov 2016

Hogaamiyeyaal Soomaaliyeed oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Sharmaarke iyo xubno ka socda beesha caalamka ayaa ka qaybgalay wadahadalo looga arrinsanayay colaadda iyo xabadjoojinta Gaalkacyo iyo in lagu heshiiyo sidii horay loogu sii wadi lahaa wadahadala

 

WAR-SAXAAFADEED 28/2016

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ee Puntland iyo Madaxweyne Cabdikarim Xuseen Guuleed ee Galmudug ayaa shalay ku kulmay magaalada Gaalkacyo si ay mar kale u ballan-qaadaan xabadjoojin laga gaaro magaalada lagu muransanyahay, iyadoo wadahadaladaasi uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa horkacay wafdi beesha caalamka ah oo ay ka mid ahaayeen Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Veronique Lorenzo, Janaraal Gebre oo matalayay Urur-Goboleedka IGAD, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Lydia Wanyoto.

Dagaalkii ka dhacay gudaha iyo hareeraha magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhashay ugu yaraan 45 dhimasho ah lixdii toddobaad ee ugu dambeeysay. Dad lagu qiyaasay 90,000 ayaa ku barakacay dagaallada. Heshiiskii la saxiixay 2dii Disembar oo ay ka mid ahaayeen xabadjoojin iyo tallaabooyin lagu qaboojinayo colaadda ayaan la fulin. Ballanqaadkii dib loo soo cusbooneysiiyay ee lagu gaaray magaalada Abu Dhabi 1dii bishan Nofembar si xabadda loo joojiyo loona taageero soo laabashada dadkii barakacay, loona dhiso guddi xal u hela colaadda, ayaan la ixtiraamin.

Ujeedada shirkii shalay waxay ahayd in carrabka lagu sii adkeeyo ballan-qaadkii madaxda maamul goboleedyada ay ku ballan-qaadeen xabadjoojinta, in laga wada hadlo qaban-qaabo degdeg ah oo loo sameeyo sidii lagu hirgelin lahaa, ayna ka midtahay in degdeg loo dhiso guddi qaabilsan la socodka xabadjoojinta, lana isla meeldhigo geedi-socod lagu xallinayo arrimaha dhaliya colaadda. Ka-qaybgalayaashu waxay ku heshiiyeen inay iskugu tagaan magaalada Kismaayo si loo qiimeeyo horumarka laga gaaro xabadjoojinta loona sameeyo qaban-qaabo dhab ah oo ku aaddan sidii horay loogu socon lahaa, xal waarana looga gaari lahaa colaadda. Dhammaan dhinacyadu waxay qireen dowrka muhiimka ah ee looga baahanyahay in arrinta Gaalkacyo ay ka cayaaraan odayaal dhaqameedyada, hogaamiyeyaasha ganacsiga iyo xubnaha ururada bulshada, waxaa kale oo ay qireen baahida loo qabo in la taageero dowrkooda ku aaddan wax ka-qabashada dhibaatooyinka iyo xaqiijinta nabadda.

“Kulani wuxuu ahaa mid aad muhim u ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating. “Qaramada Midoobay iyo saaxiibada beesha caalamku waxay taageeri doonaan heshiis iyo tallaabooyin dhab ah oo dagaalka si degdeg ah loogu joojiyo, waxayna xaqiijin doonaan in wadahadalka horey loo sii wado, waxayna gacan ku siin doonaan bulshada deegaanka iyo weliba Puntland iyo Galmudug si ay u xalliyaan khilaafaadkooda, waxayna xoojin doonaan in si degdeg ah loo fuliyo. Kooxaha xagjirka iyo kuwa kale ee nabad diidka ah ayaa dan ugu jirta in nabadda wiiqaan. Waa inaan la ogolaanin inay taasi dhacdo. Waxaa dhiirigelin leh sida ay labada madaxweyne shakhsi ahaan uga go’antahay nabadda, laakiin waa in taasi ay la socoto in heshiisyada si buuxda loo hirgeliyo. In heshiiska lagu xadgudbo lama aqbali karo, kuwa taa ka mas’uul ahna waa lala xisaabtami doonaa.”