Xafiiska UNSOM wuxuu soo dhoweynayaa ballan-qaadka ay Madaxweynayaasha Gaas iyo Guuleed mar kale ballan-qaadeen nabadda iyo kalsooni abuurka Gaalkacyo

2 Jan 2017

Xafiiska UNSOM wuxuu soo dhoweynayaa ballan-qaadka ay Madaxweynayaasha Gaas iyo Guuleed mar kale ballan-qaadeen nabadda iyo kalsooni abuurka Gaalkacyo

WAR-SAXAAFADEED 01/2017

Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu soo dhoweynayaa ballan-qaadyada ay maanta mar kale wada gaareen Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ee Puntland iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed ee dowlad goboleedka Galmudug, ballan-qaadyadaas oo ku aaddan nabadaynta iyo kalsooni kusoo celinta Gaalkacyo. Shirka oo lagu qabtay Villa Somalia ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ee Guuleed iyo Gaas waxay ku heshiiyeen saddex qodob oo muhiim u ah joojinta colaaddaha Gaalkacyo iyo kalsooni ka dhex dhalata maamulada labada dowlad-goboleed: 1) kalafogeynta ciidamada iyadoo laga saarayo magaalada lagu muransanyahay, dibna loogu daad-gureynayo goobohoodii hore; 2) qaadista jidgooyooyinka ay dhigeen Puntland iyo Galmudug labaduba, iyo furidda waddooyinka si loo fasoxo isusocodka xorta ah ee dadka iyo badeecada; iyo 3) hirgelinta tababar wadajir ah [oo loo fidiyo] booliska labada dhinac, Woqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo, si loo xoojiyo amniga, labada maamulna looga dhex abuuro kalsooni iyo wadashaqayn. 

Madaxweynayaasha labada Maamul Goboleed waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay ku kulmaan Gaalkacyo dabayaaqada bishan si ay gacan uga geystaan fulita ballan-qaadyadan.

“Ballan-qaadkan dib loo soo cusbooneysiiyay ee ku aaddan nabadda iyo kalsooni abuurka Gaalkacyo waa tallaab aad muhiim u ah  oo lagu ogolaanayo geedi-socod loo galo  xal u helidda arrimaha ka dambeeya ee sababata u ah colaadda, iyo in la helo nabad waarta,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.