Sarkaalka Qaramada Midoobey ee booqanaya dalka ayaa ku baaqay in la dhowro xuquuqul insaanka gudashada howlgalada ciidanka

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ay garab joogaan Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ee Soomaaliya Michael Keating, (2-aad dhanka midig), Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya Safiir Francisco Caetano Madeira (bidix), iyo Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha oo shir jaraaid ku qabtay Kismaayo, Soomaaliya, 12 Febraayo 2017. QM Sawir. 

12 Feb 2017

Sarkaalka Qaramada Midoobey ee booqanaya dalka ayaa ku baaqay in la dhowro xuquuqul insaanka gudashada howlgalada ciidanka

Caawiyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobey ee xuquuqul insaanka, Andrew Gilmor oo hadda booqanaya Soomaaliya ayaa ku booriyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya in la taagero ilaalinta xuquuqda aadanaha marka ay ciidanka ku guda jiraan howlgalka wada jirka ah ee lagu qaadayo kooxda maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Mudane Gilmour ayaa hadalkan ka jeediyay booqasho uu ku tagay caasimada maamul goboleedka Jubbaland ee Kismaayo waxana ku wehliyay booqashadaas ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey arimaha Soomaaliya Michaeil Keating, ergayga gaarka ah ee gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, iyo agaasimaha xafiiska taageerida Soomaaliya ee Qaramada Midoobey, Amadu Kamara.

“Waxan ka wada hadalnay dadaalka ay sameeyeen maamulada Soomaaliyeed ee lagu soo celinaayo nabadgalyada iyo muhiimada ay leedahay in loo hogaansanaado heerarka xuquuqda aadanah iyo waliba in muhiimada kowaad laga dhigo ka fogaanshiyaha khasaaraha soo gaaro rayidka,” Sidaa waxa yiri Mudane Gilmour kadib kulan albaabada u xiranyihiin oo uu la yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe. 

Ergayga ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Madoobe ogolaanshaha in xafiiska QM ee xuquuqal aadanaha laga furo maamul goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Madoobe ayaa uga mahadnaqay Mudane Gilmour booqashada uu ku yimid Jubbaland isagoo ku sheegay wada hadalada uu la yeeshay kuwa ay ku dheehneed daacadnimo iyo saaxibtinimo.

“Waxaan ka wada hadalnay arimo fara badan oo khuseeya xuquuqal insaanka, howlgalada ciidanka ee AMISOM, dib u bilaabida howlgalka sifeynta wadooyinka Jubba iyo arimaha hormarinta bulshada. Dhamaan wixii aan ka wada hadalnay waan isku afgaranaya,” Sidaa waxa yiri Madaxweyne Madoobe.

Ergayga ayaa dhankiisa sheegay inuu rajeynayo doorashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo in ay xoojin doonto dadaalada wax looga qabanayo  qeybo ka mid ah arimaha uu dalku wajahayo hadda sida amaanka, dhibaatada abaaraha soo noq noqday iyo baahida loo qabo joojinta hey,adaha dowlada.

“Sidoo kale waxan ka wada hadalnay  iskaashiga u dhaxeeya Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo maamulka Jubbaland iyo sidoo kale waxyaabo aan rabno inaan ka guul gaarno bilaha soo socda si wada jir ah madaxweynaha cusub ee Muqdishu jooga. Sidoo kale waxaan isla eegnay sidii aan uga wada shaqeyn laheyn ka hortaga khatarta ay Al-Shabaab ku heyso Jubbaland,” Sidaa waxa yiri Keating.

Danjira Madeira oo sii joojinayay hadalkii Mudane Keating, ayaa sheegay in kulanka looga hadlay arimo xasaasi ah kuwasoo u baahan wax qabad deg deg ah, iyadoo xooga la saarayo amaanka.

“Waxa jira waxyaabo fara badan oo ay tahay in wax laga qabto dalka khaasatan Jubbaland, laakin waxan isla garanay in amaanka yahay mudnaanta kowaad. Marka labaad baahida loo qabo in la helo hey,adaha qaranka oo leh awood ay ugu jawaabayaan rabitaanka iyo hiigsiga shacabka. Marka saddexaad, waa inaan xaqiijinaa helida jawaab deg deg ah oo wax looga qabanayo xaaladaha deg dega ah, xaaladaha deg dega ah oo hadda socda waxa ka mid ah abaarta hadda ka jirta dalka oo laga yaabo iney isku bedasho xaalad macluul,” ayuu yiri mudane Madeira.

Olalihii doorashada Madaxweyne Farmaajo ayuu  balan qaaday la shaqeynta dhamaan bahwadaagta si loo hagaajiyo amaanka iyo xoojinta nabad iyo xasilooni.