Qaramada Midoobey ayaa ka furtay xarunta iskuduwida howlaha abaarta magaalada Baydhabo

Vincent Lelei, the Deputy Humanitarian Coordinator for Somalia, speaks at a ceremony to open a Drought Operations Coordination Center in Baidoa, Somalia, on 19  March, 2017. UN Photo.

19 Mar 2017

Qaramada Midoobey ayaa ka furtay xarunta iskuduwida howlaha abaarta magaalada Baydhabo

Qaramda Midoobey ayaa ka furtay xarunta iskuduwida howlaha abaarta magaalada Baydhabo, caasimada maamulka Koofur Galbeed, si kor loogu qaado bixinta gargaarada bani,aadnimada waqtiyeysan ee gobolka.

Ku xigeenka iskuduwaha arimaha bani,aadnimada Soomaaliya Vincenta Lelei ayaa si rasmi ah u furay xarunta, tasoo noqon doona mid muhiim u ah iskuduwida dadaalada bani,aadnimo ee gobolka kasoo si xun ugu dhufatay abaarta dalka ka dhacday.

Xaruntan ayaa la furay kadib saddex isbuuc markii mid la mid ah laga furay magaalada Muqdishu.

“Dhibaatooyinka bani,aadnimo ee maamulka Koonfur galbeed waxay noqotay mida ugu daran guud ahaan dalka, khaasatan gobolada Baay iyo Bakool iyo Shabeelada Hoose,” ayuu yiri Mr Lelei.

Wuxuu sheegay in xarunta looga gol leeyahay in lagu mideeyo dadaalada gargaarada bani,aadnimada si loo gaaro dadka caawimaada u baahan.

“Muhiimada labaad waa inaan la shaqeynaa saraakisha gobolka iyo kuwa heer deegan si loo hubiyo in waxtarkeena yahay midka ugu fiican loona xaqiijiyo dhaman dadka u baahan caawimaada sida biyaha, fayadhowrka, caafimaadka, cuntada iyo nafaqeynta la gaaro sida ugu dhaqsiyaha badan,” sidaa waxa yiri Mudane Lelei

Wuxuu qiyaasay in ku dhawaad 2,000 dad ku nool maamulka Koonfur Golbeed iney la ildaranyihiin cudurka daacuunka maanta.

“Waxan ognahay in caruur fara badan nafaqo daro heyso, waxan u baahanahay inaan si dhaqso ah u gaarno,” ayuu sii raaciyay hadalkisa

Maxamed Xassan Fiqi, ku simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa muujiyay rajada in xaruntan kor u qaadi doonto heerka gurmada abaarta ee gobolka iyo yareynta tirada dadka u dhimanaya gaajada iyo cudurada ay keentay abaarta.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay maanta in wadahadaladii aan la yeelanay iskuduwaha arimaha bani,aadnimada Soomaaliya Peter de Clercq, ku xigeenkiisa Vincent Lelei, jilayaasha bani,aadnimada iyo mutadawiciinta, iyo kooxda QM ee Baydhabo ay dhashay furitaanka xaruntan tasoo wax ka qaban doonta baahiyaha bani,aadnimo ee dadka ku dhaqan maamulka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Mudane Fiqi.

Ku simaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay faa,iidada hirgalinta xaruntan howlgalka abaaraha oo ah meesha ugu daran dhibaatada bani,aadnimada guud ahaan dalka.

”Waa talaabo muhiim u ah xaqiijinta dib u dhac ka imaan kara iskuduwida howlgalada iyadoo meesha laga saarayo wixi laga sugi jiray magaaloyinka Nayroobi ama Muqdishu,” ayuu ku daray.

Tirikoobkii ugu danbeeyay ayaa muujinaya in ugu yaraan 6.2 Milyan dad ah – ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed – ay u baahanyihiin gargaar bani,aadnimo iyadoo ku dhawaad 3 milyan ay soo wajahday dhibaato iyo xaalad deg dega oo cunta la,aan ah.