Xassan Aadan oo quus ka taagan nolasha xilli abaarta socota aad u saameysay

5 Apr 2017

Xassan Aadan oo quus ka taagan nolasha xilli abaarta socota aad u saameysay

Xassan Buule Aadan waa 40 jir dhawaan soo gaaray xerada Al-Cadaala ee dadka barakacayaash deganyihiin isagoo raadinaya gurmad deg deg ah oo uu ka helo dowlada iyo bulshada caalamka si ay uga taageeran yareynta abaartan ba,an.

Aadan wuxuu kasoo barakacay tuulada Dacaraale oo hoos tagta magaalada Qoryooley, gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo yimid xero ku meel gaar ah oo ku taal kiilomitir 13 magaalada Muqdishu 15 Maarso, isagoo kasoo tagay labadiisa xaas iyo sagaal caruur ah, meel uu ku sheegay iney tahay amaan, si uu ugu sii gogol xaaro imaatinkooda ka hor.

“Sahra (maamulaha xerada) ayaa naga soo kaxeysay wadada markii aan imaanay. Iyadaa na keentay hoolkan aan iminka fadhino waxayna na siisay cunto. Aadban u gaajeysneyn markii aan imaaneynay halkan,” ayuu yiri. Aadan iyo barakacayaal kale waxay soo lugeynayeen 12 maalmood intii aysan imaanin magaalada Muqdishu.

Inkastoo xaalada xerada ka fiicantahay Dacaraale, Xassan wuxuu aaminsanyah in  gurmadka dowlada Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka u baahanyahay in la sii kordhiyo si loo badbaadiyo qoysaskii laga soo tagay, ma ahan kaliya maamulka Koonfur Galbeed sidoo kale qeybaha degmooyinka Soomaaliya.

Hadda, waxay ku badbaadeen deeqo laga helay dad muxsiniin ah tasoo aan ku filneyn iney quudiso 1000-ka qof iyo siyaadada barakacayaasha ah ee xerada joogta.

“Markii aan imid halkan waxan ahaa daciif aan socon Karin. Hadda dadkeyga ayaan ka mid ahay, waxa la I siiyay dhar. Waxa sidoo kale la I siiyaa quraac, qado iyo casho. Allaha ayaa ku mahadsan waxan rajeynaa gargaar kale,” ayuu yiri iyadoo markaa loo qeybinayay rooti qaleyl ah.

Aadan wuxuu ka mid yahay 295 qoys oo dhawaan kusoo biiray xerada, iyagoo ku biiraya 1,114 qoys oo horay u sii joogay xerada waxana sii adkaanaya quudinta dadka dhiban sida ay qabaan maamulayaasha xerada.

Gaajada darteed, Aadan ayaa sheegay in qaar ka tirsan qoyskiisa ku adkaatay iney u soo raacaan Muqdishu, wuxuu yiri labadeyda wiil ee waaweyn, oo jira 22 sano, iyo midka ugu yar, oo hadda sanad jirsaday ayaa dhamaantood aad ugu baahan gargaar bani,aadnimo.

Tuulada Dacaraale oo ay ku noolyihiin 1500 qoys ayaa ah meelaha ugu daran ee abaarta socota aadka u saameysay waxaana cabsi laga qabaa in mid kasii xun timaado.

 “Dacaraale waxa ka jiray biyo la,aan baahsan, abaarta ayaa saameysay iyadoo burburisay dalagii iyo xoolihii. Dadka qaar ayaa ka tagay qaarna meesha ayay ku xanibanyihiin. Waa ay cabanayaan waxaan ku boorinayaa in gurmad bani,aadnimo la gaarsiyo si looga jawaabo codsigooda,” sidaa waxa yiri Aadan

Abaarta ka hor wuxuu ahaa qofka kaliya ee quudiya qoyskiisa balaaran maadama dalagiisa iyo xoolihiisa u fiicnaayeen laakin hadda arintaa ma jirto.

“Waxan laheyn lo, ari iyo dhul beereed. Ma helin roob nagu filan saddexdii sano ee la soo dhaafay. Xoolaheenii waa dhinteen sidoo kalena dalageenina waa qalalay. Waxaan kasoo cararnay gaajada iyo haraadka,” ayuu ka sheekeyay.

Culeyska iyo muga dhibaatada, Aadan wuxuu yiri lix qof oo ka mid ahaa dadkii kasoo cararay Dacaraale ayaa u dhintay gaajo iyo haraad intii wadada lagu jiray. Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Aadan ka barakaco magaalo xiliyada dhibaatada. Intii lagu jiray dhibaatadii abaartii 2011, wuxuu u soo barakacay magaalada Muqdishu laakin dib ayuu u laabtay si uu u dhiso nolashiisa kadib markii xaalada soo hagaagtay.

Biyo la,aanta iyo cows yarida baahsan ayaa dadka ku qasabtay iney ka barakacaan si ay u raadiyaan cunto iyo biyo si xoolaha u isticmaalan. Intii u dhaxeysay Nofeembar 2016 iyo dhamaadkii bishii Maarso 2017, in ka badan 400,000 qof ayaa barakacay abaarta darteed, Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobey ee Arimaha Qaxootiga. Inta badan dadka soo barakacaya waxay tagayaan magaaloyinka iyagoo ku biiraya deeganada ama deegaano horey u jiray, halka kuwa kalena ay u talaabeen dalalka dariska ah.