Haweenka Soomaaliya oo ka guuleystay la dagaalanka Xadgudubka Galmada ee Wadanka

Haweenka Soomaaliya oo ka guuleystay la dagaalanka Xadgudubka Galmada ee Wadanka

19 Jun 2016

Haweenka Soomaaliya oo ka guuleystay la dagaalanka Xadgudubka Galmada ee Wadanka

Khadiijo Maadey (magaceeda runta ah maaha), 28 jir ah, ayaa jidh ahaan iyo maskaxba u dhibaateysan ka dib markii si waxashinimo ah loogu kufsaday xerada barakacayaasha gudaha (IDP), 13 kiiloomitir u jirta magaalada Muqdisho.

kufsi wadareedka naxariis darada ah iyo ku xadgudubka jirka waa uun dhawr ka mid ah dhibaatooyinka dhibanayaasha faraxumaynta galmada xiliyada colaada. Sanadkii la soo dhaafay ee Soomaaliya, 94% oo ka mid ah xaaladaha xadgudubka galmada waxay ahaayeen dumar,  boqolkiiba 74% ka mid ah waxay ka soo jeedeen xerooyinka barakacayaasha gudaha.

Labo sanno ka hor, Maadey ayaa magangalyo ka doonatay xerada Bisiqley, ka dib markii ay ka soo carartay gurigeeda ku yaalay Qoryooley, 120 km u jirta Muqdisho, intii uu socday dagaal culus oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada wadajirka ah ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo kuwa Qaranka Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, wax yar ayay ka ogeyd waxa ku dhici doona bishii February ee sanadkan ay sababi doonto astaan joogto ku ah nolosheeda: laba nin oo hubaysan ayaa weeraray iyadoo daashkeeda ku jirta wayna kufsadeen caruurteeda hortooda

"Iyagoo bastoolada iyo mindi ku hubeysan ayay soo galeen gurigeyga oo albaab laan ah. Labadaba way I kufsadeen. Wiilkeyga 10 jirka ah wuu qayliyay balse afka ayay ka xireen. Waxay ugu janjabeen inay dilayaan haduusan aamusin,” ayay tiri iyadoo ilmeynaysa.

Iyadoo niyad jabsan ayan Maadey ugu dambeyntii geesinimo iska raadisay oo ay caawimaad ka raadsatay hey’ad maxali ah oo la yiraahdo HINNA oo ay taageerto Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), oo haweenka nugul ka caawisa siday uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinka. Maadey waxay u mahadcelinaysaa HINNA oo u fidiyay caawimaad iyagoo geeyay isbitaal si loo daaweeyo waxayna bixiyeen qarashka isbitaalka.

28-sano jirkaan ayaa ku adkaysatay inay sameysay go’aan adag markii ay la xiriirtay HINNA ka hor intaysan booliska wargalin. “Marna ma ogeyn kuwa isoo weeraray sidaas daraadeed waxay ahayd micno daro inan wargaliyo booliska,” Maadey, oo ku nool shaqooyin aan rasmi ahayn, ayaa faahfaahisay.

On 19-kii June, Maadey ayaa ku biirtay muwaadiniinta walaalaheeda, ee magaalada Muqdisho, lsi ay u xusaan Maalinta ugu horeysay ee Caalamiga ah ee ciribtirka Xadgububyada Jinsiga iyo Colaadda oo lagu qabtay xarunta HINNA.

"In kastoo xanuunka ugu danbeyntii iga suulay, fikirrada habeenkaas laga baqdo wali kama bixin maskaxdayda. Mararka qaar waxaan dareemaa inan ahay qof laga adkaaday oo rajo la'aan ah. Waxaan isku dayay inan ka gudbo dhacdada laakiin fikirka ayaa igu soo laab laabta.. Waa in aan si joogto ah ula dagaallannaa dembigan, "ayay tiri.

Maadey dhibka soo gaaray kaliya umaysan adkeysan, waxaa kaloo soo wajahay faquuqid dhanka bulshada ah kadib markii la kufsaday. “Waxaa jirta arinta ceebta iyo canbaareynta iyo faquuqidda. Waa inaan la tacaalaa inta ka dhiman nolosheyda,” ayay tiri Maadey, iyadoo raacisay in wali ku nooshahay nolol cabsi ah iyadoo ka cabsanaysa in hadana la soo weeraro.

Baahida loo qabo in la soo afjaro xadgudubyada galmada aad ayay u weyn tahay, waxaa kaloo jira dadaallo wadajir ah oo ay sameynayaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay, hay'adaha aan dawliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah iyo bulshada caalamka. Dadaallada wadajirka ah ayaa keenay guulo la taaban karo iyada oo loo marayo fulinta Qorshe Howleedka Qaran ee ciribtirka Xadgububyada Jinsiga iyo Colaadda ee Soomaaliya, iyadoo la aasaasay Guddiga Joogtada ah, oo ay wada shir guddoomiyaan Wasaaradda Haweenka, Xuquuqda Aadanaha iyo Horumarka iyo UNSOM. HINNA sidoo kale waa qayb ka mid ah ururada guddiga oo door muhiim ah ka ciyaara Hirgelinta Qorshe Howleedka Qaran oo lagu baabi’nayo Xadgudubka Galmada xiliyada colaadda.