Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud wuxuu dadka Soomaaliyeed u rajaynayaa ‘Ramadaan Kariim’

6 Jun 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud wuxuu dadka Soomaaliyeed u rajaynayaa ‘Ramadaan Kariim’

 

 

WAR-SAXAAFADEED 13/2016

 

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u Qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed u diray fariin nabadeed iyo hambalyo ku aaddan bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, fadlan iga gudooma hambalyadeena ku aaddan bil Ramadaan oo nabdoon” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Waan ogahay in bisha Ramadaan ay qiimo idiin leedahay, ayna tahay waqti qoysaska iyo bulshaduba isku imaan karaan, kana fekeraan waxyaabaha sida dhabta ah ula xiriira nolosha, taageero siiyaan una duceeyaan dadka danyarta ah. Iyadoo dad aad u badan ay dhibanayaal u noqdeen colaadaha, ayaa waqtigan wuxuu yahay waqtigi laga bogsoon lahaa la isna cafin lahaa.

 

“Waxaan u rajaynayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed bil barakaysan oo barwaaqo ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Ramadan kariim. Ramadan wanaagsan.”