Ergeyga gaarka ah ee Xogyaha Guud Michael Keating oo soo dhoweeyay dib u eegista barlamaaanka ee Xeerka Saxaafadda 2016

25 Sep 2017

Ergeyga gaarka ah ee Xogyaha Guud Michael Keating oo soo dhoweeyay dib u eegista barlamaaanka ee Xeerka Saxaafadda 2016

WARSAXAAFADEED 17/2017

Ergeyga gaarka ah ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa garwaaqsaday xeerka dhowaan loo soo bandhigay Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya oo wax lagaga badalayo xeerka saxaafadda dalka ee 2016.

Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ansixiyay xermo wax ka badallo ah oo lagu sameeyay xeerka saxaafadda bishii Luulyo taasoo fulisay ballanqaadyadii uu u qaaday ururrada ugu horreeya saxaafadda Soomaaliya toddobaadyo gudahood markii uu xafiiska la wareegay. Wax ka badalladaasi waxay keeneen dhalleecayn kaga timid ururradaas saxaafadda iyo qaar ka mid ah ururrada calaamiga ee xuquuqul insaanka, iyagoo ku dhalleecaynaya inay koobantahay baaxadda xeerka iyo xanibaadyo cusub oo lagu soo rogay xoriyadihii saxaafadeed ee jiray.

Baarlamaanka Fedaraalka ayaa toddobaadyada soo socda wax ka qaban doona isbedallada la soo jeediyay in lagu sameeyo xeerka saxaafadda.  Qaramada Midoobay waxay sharcidejiyyeaasha ku boornaysaa inay tixgeliyaan walaaca ay muujiyeen xubnaha muuqda ee saxaafadda Soomaaliya ee ku aaddan xeerka hadda jira iyo wax ka badallada la soo jeediyay ee ay ansixiyeen golaha wasiirada  Dawladda Dederaalka.

“Saxaafad xor ah oo madaxbanaan oo waxay laf dhabar u tahay isla xisaabtanka iyo dimuqraadiyadda,” ayuu yidhi Ergeyga Gaarka ah ee Xogyaha Guud, Michael Keating. “Qaar ka mid ah qodobada xeerka saxaafadda ee hadda jira ayaan u muuqan inay la jaanqaadayaan halbeegyada caalamiga ah ee sharciga iyo xeernidaamiyaha saxaafadda. Dib u eegis taxadar leh oo dhammeystiran oo lagu sameeyo sharciga iyo wax ka badallada la soo jeediyay ayaa u saamixi doonta dhammaan daneeyeyaasha muhiimka ah ee ay arrintu khuseyso inay soo jeediyaan fikirkooda. Waxaan rajaynayaa natiijada ka soo baxda hanaankan sharcidejin inay horseedi doonto jawi wacan oo ay suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu hawlgalaan xirfaddooda iyadoon cabsi jirin.”