Howlgalka Midowga Afrika oo dib ugu wareejiyay dowladda Soomaaliya Jaamacadda Umadda

12 Jul 2017

Howlgalka Midowga Afrika oo dib ugu wareejiyay dowladda Soomaaliya Jaamacadda Umadda

Muqdisho, - Dhismaha machadka tacliinta sare ee Soomaaliya - Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed - ayay shalay dib Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya wareejisay dowladda federaalka ah kaddib toban sanooo loo isticmaalayay dhismaha jaamacadda xarun militari. 
Xafladda wareejinta ee magaalada Muqdisho ka dhacday oo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Tacliinta Sare ee dowladda federaalka ah, Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, waxaa ay ka turjumaysa wajiga cusub ee machadkan waxbarashada ee ugu da’da weyn.
"Waxaan ka gudbayna xilli Jaamacadda Soomaaliya fariisin milatari ahayd waxaana mar kale ka dhigaynaa machad tacliin sare," ayuu yiri Danjire Francisco Caetano Madeira, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa ku tilmaamay wareejinta “ waa astaan kale muujineysa oo dib loogu noqonaya noolasha caadiga  ah iyo in la kala saaro dowrka ciidamada ammaanka iyo dowrka hay’adaha rayidka”. 
Ciidamada Midowga Afrika ee Burundi ayaa jaamacadda galay 2007, oo u isticmaalay dhismaha jaamacadda saldhig yar ee howgallada laga fuliyo, taasi oo markii dambe noqotay xarunta dhexe ee guuto dhan.
Wareejinta kaddib, ciidamada ayaa u guuray magaalada Jowhar. "Waxaan halkaan u joognaa seddax shay in aan u dabbaaldegno. Mid ka mid ah waa in aan xusno dowrka AMISOM, si gaar ahaanna ciidamada Burundi, si guud ahaanna AMISOM oo dhan, oo kala shaqaynayey ciidamada ammaanka ee Soomaaliya nabadeynta halkan iyo meela aad u badan ee dalka Soomaaliya ka mid ah tobankii sano ee adkaa ee ugu dambeeyay, anigana waxaan si aad u aad u boogaadinayaa wax qabadkaasi," ayuu ka yiri Mudane Keating xafladda wareejinta.
Jaamacadda ayaa la filayaa in ay bilowdo diiwaangelinta mar haddii ay dowladda u oggolaato.  
"Waxaan mudnaanta siinnay ammaanka, horumarinta dhaqaalaha iyo waxa ugu muhiimsan oo ah, waxbarashada. Waxaan aaminsannahay in waxbarashadu saldhig u tahay horumarka waara," ayuu Mudane Cusmaan ku yiri dadka goobjoog ka ahaa xafladda oo ay ka mid ahaayeen madax sare ee ka socota dowladda iyo asxaabta caalamiga ah ee Soomaaliya. 
Maxamed Axmed Jimcaale oo ah shaqsiga u qaabilsan arrimaha diinta ee Jaamacadda Ummadda ayaa asna sheegay in dib u howlgelinta jaamacadda in ay “muujineyso soo laabashada nabadda, amniga iyo xasilloonida” ee Soomaaliya. 
Jaamacaddan ee la aasaasay 1954 waxaa burbur xooggan ka soo gaaray dagaallada sokeeyey ee qarxay 1991, taas oo keentay in ugu dambeyn albaabada la isugu dhufto. Hase yeeshee, bisha Agosto 2014, jaamacadda ayaa dib loo furay waxaana ay bilowday in ay bixiso tababar gaar ah.