Maxamed Cali Faarax: ‘Haddii aysan aniga aheyn, waa kuma?’
Maxamed Cali Faarax waxa uu u qareemaa xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliya ku nool-waxa uuna u go’ay in uu u dagaalamo raadinta xuquuqdooda isaga oo aas-aasay urur aan dowli aheyn (NGO) si uu ugu guuleysto hadafka uu hiigsanayo. Waxa uu la yimi farsamooyin naadir ah oo dadka baahiyaha gaarka ah qaba lagu caawinayo.
“Markii aan jiray sadex sano, waxaa igu dhacay cudurka dabeysha oo iga saameeyey labadeyda lugood,” ayuu yiri Maxamed oo hadda 35-sano jir ah, waxa uu intaas ku sii daray in meesha uu manta joogo uusan sahal ku soo gaarin.
Waxa uu ku dhashay magaalaada Baladweyne oo ku taalla gobollada dhexe ee dalka sanadkii 1984, waxa uuna ku soo barbaaray magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka.
Carruurnimaadiisii waxa uu garowsanaa in naafanimadiisu ay saameyn ku yeelan karto horumarkiisa iyo fulinta damaciisa.
Waxa uu iskuul ku bilaabay da’da 14-jirka, halka walaalihiis ay waxbarashada bilaabeen iyaga oo todobo sano jira. Waxa ay taasi dareensiisay Maxamed in ay tahay aragti dad badani ay aaminsanyihiin -waxa uuna la wadaagay waalidkii iyo dad kalaba in carruurta naafada ah lagu takooro goobaha waxbarasha ama xitaa ay dhinac u buusaan ardayda fasalada la dhigata, taas oo keentay in carruurta naafada ah ay ka daahaan waxbarashada ama aan iskuul la geyn gabi ahaan.
Si kastaba, waxbarashadii uu ka daahay ma niyad jabin, waxa ayna waxbarashadiisu gaartay in uu shaqaadada heerka labaad ka qaato jaamacadda Kampala International University ee dalka Yugaandha, isagoo ka diyaariyey cilmiga Xuquuqda Aadanaha iyo Horumarinta.
Intii uu waxbarashada ku jiray khibradii uu helay qof ahaan isaga oo la nool naafanimo waxa ay ku sii dhiiragelisay in uu qaban karo waxa faciis ay qabtaan.
Inta uusan ku biirin Jaamacadda, waxa uu aas-aasay shabakad awoodsiisa dadka naafada ah ee Soomaaliyeed oo magaceeda loo soo baabiyo (SODEN), shaqabakadaas oo ka shaqeyneysay caawinta dadka naafada ah iyadoo ka taageereysa helista nolol wanaagsan, isdhexgal bulsho,u qareemidooda, horumarin dhanka xirfadda ah iyo matalaad macno leh.
SODEN, waxa ay qeyb ka aheyd Shabakadda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Pan Afrika , oo ah shabakad ay ku jiraan shan urur goboleed, kuwaas oo xoogga saara ilaalinta difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee Qaaradda Afrika, iyadoo ilaalinta xuquuqada dadka naafada ahna iyo in ay bulshada ku dhex yeeshaan xuquuq la siman dadka kale ay qeyb weyn ka aheyd shaqadooda.
“Waxaan aas-aasay SODEN bishii Maarso 2011, waxaana igu dhaliyey duruufta adag ay ku noolyihiin dadka naafada ah ee Soomaaliyeed- oo aan anigu ka midka ahay,” ayuu yiri Maxamed Faarax. “Khibrad badan Ayaan ka helay sida qof naafanimo la nool uu dareemayo.”
“Aniga ayaa isweydiiyey: haddii aysan aniga aheyn waa kuma?” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Caqabado badan
Dadka Soomaaliyeed ee naafanimada la nool waxa ay wajahayaan caqabado aad u badan, waxaa ka mid ah faquuq iyo in laga xannibay ka qeybgalka howlaha bulsho.
“Dhinac ayaa naloo riixay, wax go’aan ah oo aan ku leenahay siyaasadda iyo dhaqaalaha dalkana ma jiraan. Waxaan garwaaqsanahay in dalku uu ka soo kabanayo colaad wakhti dheer qaadatay, taasna macnaheeda maahan in dowladdu dadka baahiyaha gaarka qaba aysan wax ahmiyad ah siinin xuquuqdooda. Waa in aan helnaa fursad la mid ah tan dadka kale,” ayuu Mudane Faarax yiri, oo sidoo kale noqday Madaxa Fulinta ee SODEN.
Sida xubnaha kale ee bulshada rayidka ah, ayuu Maxamed soo dhaweeyey saxiixistii Dowladda Fadaraalka ah ee Xeerka Xuquuqda Dadka Naafada ah (CRPD) kaas oo la saxiixay bishii Janaayo ee sanadkan.
Sharciga ay dowladdu saxiixday ayaa ah heshiis caalamia ah oo ilaalinaya xuquuqda dadka naafada ah, taas oo ka dhalatay sanado badan oo Qaramada Midoobay ay ka shaqeyneysay horumarinta aragtiyada lagu taageerayo dadka naafada ah. Gaar ahaana dalalka qeybta ka ah heshiiskan waxa ay horumarinyaan, ilaalinayaan oo ay xaqiijinayaan in si siman oo dhammeystiran ay u dhowraan xuquuqda asaasiga ah ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Maxamed ayaa sidoo kale Soo dhaweeyey ansixinta sharciga ee labada aqal ee baarlamaanka, kaas oo lagu aas-aasayo Hey’adda Qaran ee Naafada, taas oo uu madaxweynuhu saxiixay bishii Diseembar ee 2018.
“Marka wakaalad la sameeyo, waxa ay hormarin doonta xaaladda ay ku suganyihiin dadka la nool naafanimada,” ayuu yiri.
“Waxa ay aheyd dhaqaaq fiican oo lagu ilaalinayo xuquuqda dadka naafada ah. Dowladda iyo beesha caalamka waa in ay ahmiyad xoogle siiyaan sida CRPD loo dhaqan galin karo, iyadoo ay muhiim tahay in dareen gaar ah la siiyo sida faqriga iyo takoorka dadka naafada ahi ay qabaan wax looga qaban karo.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Taageero badan ayaa loo baahanyahay
Isaga oo soo dhaweeyey tillaabooyinka horay loo qaaday ee lagu hagaajinayo nolasha iyo mutaqbalka dadka naafada ah, ayuu Maxamed ku baaqay in Dowladda iyo Qaramada Midoobay iyo guud ahaan ururada caalamiga ah ay adkeeyaan taageerada niyadeed iyo tan safsi ahaan ee la siinayo dadka naafada ah.
“Waxaan ku dhiiragelinayaa dowladda iyo ururada caalamiga ah in ay wax badan iska kaashadaan siinta taageero dhaqaale ururada u dooda xuquuqda dadka la nool naafanimada- haddii taas la sameeyana waxa ay wax badan ka tari doontaa baahiyaha dadka naafada ah,” ayuu yiri. “Waxaa aad u muhiim ah xuquuqdooda ka qeybgalka siyaasadeed iyo tan bulsho, waana in la helaa lana xushmeeyaa.”
Tan iyo 1992, Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah ayaa loo xusaa si sanadle ah 3 Diseembar, xusidda maalintaana ujeedka laga leeyahay waxa uu yahay in la taageero, lana fahmo xaaladdaha ay ku suganyihiin dadka naafada ah, waxaana la muujiyaa teegeerada loo hayo ilaalinta xuquuqdooda iyo badqabka dadka la nool naafanimda. Waxaa sidoo kale la kordhiyaa wacyigelinta xuquuqaadka ay leeyihiin oo ah in ay matalaad ku yeeshaan inaha siyaasadda, bulshada, dhaqaalaha iyo dhaqankaba.
Sanadkan waxaa Maalintan xoogga lagu saarayaa awoodsiinta dadka naafada ah in ay ka qeyb qaataan, kuna jiraan u sinnaanta ajendaha horumarka waara ee 2030.
Cinwaanka sanadkan ayaa ah ‘Dalacsiinta ka qeybgalka dadka naafada ah iyo hoggaankooda: ka howlgalida ahdaafta horumarineed ee 2030’ - ajandaha 2030 waxa uu balanqaaday ‘In aan cidna laga tagin’ lana aqoonsado dadka naafada ah iyadoo la fulinayo 17 hadaf ee horumarka waara.
*****