Ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey horumarka xalka siyasadeed ee Koonfur galbeed Soomaaliya

21 May 2014

Ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey horumarka xalka siyasadeed ee Koonfur galbeed Soomaaliya

Muqdisho – 20 Maajo 2014 - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa la kulmey wafdi ka socda koofur galbeed Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madoobe Nuunow, wuxuuna ugu baaqey dhammaan dhinacyada (ay arintu khuseyso) in ay arimaha Baydhaba ka gaaraan heshiis loo wada dhan yahay kaas oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.