Ergeyga QM ee Soomaaliya oo bidhaamiyey ahmiyadda wada-shaqeynta xilli uu booqasho ku tagay Koonfur Galbeed

18 Jul 2019

Ergeyga QM ee Soomaaliya oo bidhaamiyey ahmiyadda wada-shaqeynta xilli uu booqasho ku tagay Koonfur Galbeed

Baidoa –  Xilli uu sii wado booqashooyinkiisii ugu horreeyey ee uu ku tagayey xarumaha gobolada kaddib markii uu dhawaan dalka yimi, Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, waxa uu booqday Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed maanta, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Cabdicasiis Xassan Maxamed “Lagtagareen”.

Intii uu ku sugnaa xarunta KMG ah ee Dowlad Gobolleedka, Baydhabo, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya waxa uu kala hadlay Madaxweyne Laftagareen qodobo kala duwan kuwaas oo ay hay’adda aduunka iyo mas’uuliyiinta Maamulka kawada shaqeeyaan si ay saameyn togan ugu yeelato nolosha dadka ku dhaqan maamulka.

 “Waxaan aad uga mahadcelinayaa Madaxweyne Laftagareen martigalinta uu Baydhabo iigu sameeyey maanta, halkaas oo aan u imi sidii aan u xoojin lahayn iskaashigeena la xiriira dhinaca siyaasadda, dhisidda karaanka iyo arrimaha dhaq dhaqaaqa bani’aadannimo,” waxaa sidaas yiri Mudane Swan, “Waxaan sidoo kale rabnaa in aan u xaqiinno bulshada Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed in qoyska QM ay ku dadaaladaan in ay ka jawaabaan baahiyehooda si ay saameyn togan ugu yeelato wax ka qabashada caqabadaha badan ee uu dowlad gobolleedka wajahayo, si aan wadajir ugu dhisno hay’adaha ay u qalmaan.”

Wakiilka QM oo sidoo kale ah hormuudka Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxa uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay dhaq dhaqaaqyada tageerada isku mid ah ee ay wada sameeyaan mas’uuliyiinta Dowlad Gobolleedka iyo xafiisyada QM, hay’adaha iyo barnaamijyada iyo Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Iyada oo loo marayo xafiiska deegaanka ka dhisan,kaas oo ah kan ugu weyn dalka marka laga yimaado midka Muqdisho, UNSOM waxa ay ka taageertaa Konnfur Galbeed tiro mashaariic waa weyn. Kuwaas Waxaa ka mid ah dhisidda xarun lagu dhaqan celiyo xubnihii hore uga tirsanaa kooxaha argagixisada ah, in dib u dejin loo sameeyo dadka barakacayaasha ah, iyo in la furo marinda lafdhabarta ah iyo wadooyinka ganacsiga maro ee u dhexeeya Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaas la filayo in ay waxtar ku yeeshaan in ay banaanka soo dhigaan awoodda dhaqaale ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.

Ka taageeridda maamulka baahihiisa ay sababtay dadka gudaha ku barakacay, iyo taageeridda AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya si loo horumariyo amniga gobolka.

Booqashooyinkii uu ku tagayey gobolada – Waa kii afraad ee Ergeyga kaas oo daba socday kuwo uu ku tagay Puntland, Jubaland iyo Hirshabeelle, Ergeygga QM waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay sida xiriir wanaagsan oo dhexmara Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka iyo Dowladda Federalka uu muhiim ugu yahay xoojinta Federaaleynta, waa haddii lagu saleeyo aaska aaska hay’ado xoogan iyo qadarinta sarreynta sharciga iyo haddii labada lakab ee dowladeed ay wadaan aragti iyo qiyam isku mid ah si ay uga faa’iidaan Soomaalida.

 “Waxaan rejeyneynaa in xiriir wanaagsan oo dhexmara Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay waxtar u yeelan doonto in nidaamka Federalka uu sidan si ka wanaagsan u shaqeeyo,” waxaa sidaas yiri Mudane Swan.

Sida booqashooyinkii hore oo kale, Ergeyga Gaarka ah waxaa weheliyey saraakiil sare oo ka socday  Xafiiska Hay’adda QM ee Qaxootiga (UNHCR), Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo Hay’adda Adeegga Miina Baarista QM (UNMAS) Takeshi Moriyama, Dyane Epstein iyo  Qurat-Ul-Ain Sadozai sida ay isugu xigaan.