Golaha Ammaanka ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyay sharciyadda Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, go'aan aqlabiyad ahna ku ansixiyay qaraarka 2461 (2019)

28 Mar 2019

Golaha Ammaanka ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyay sharciyadda Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, go'aan aqlabiyad ahna ku ansixiyay qaraarka 2461 (2019)

Golaha Ammaanku waxa uu maanta go'aansaday in la kordhiyo ilaa 31 Maarso, sannadka 2020 howlgalka Howlgalka Kaalmo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), sida horey loogu sheegay qaraarka 2158 (2014), waxayna ka codsadeen in la joogteeyp Howlgalka, lana xoojiyo guud ahaan dalka, maaddaama xaaladda amaan ay saamaxeyso.

Si deg deg ah u qaadashada qaraarka 2461 (2019), Goluhu waxa uu ku boorriyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka in ay dardargeliyaan heshiis siyaasadeed oo loo wada dhan yahay, waxayna ka codsadeen UNSOM in ay sii waddo taageeridda dadaalladaas, iyada oo lala kaashanayo dowladaha ay wada shaqeyntu kala dhexeyso Soomaaliya.

Iyada oo laga tixraacayo qoraalka, waxa ay ku boorrisay Dowladda Federaalka iyo Baarlamanka in ay dhammeystiraan oo ay meel mariyaan sharciga doorashada bartamaha 2019, ayna hubiyaan in doorashooyinka soo socda ee Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka loo qabto si waafaqsan waajibaadka iyo ballanqaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Qaraarka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda taageerada UNSOM ee dhinacyada siyaasada, farsamada, howlgalka iyo saadka, iyada oo lala kaashanayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS),  iyada oo Dowladda la gaarsiinayo hab loo dhan yahay, nabad ah, xor iyo xalaal ah,  iyo doorasho hal cod iyo hal qof ah. Waxa ay sidoo kale, ku boorrisay Dowladda iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka in ay kordhiyaan metalaadda iyo ka-qaybgalka haweenka iyo dhallinyarada dhammaan heerarka go'aan qaadashada.

Arrimaha amniga, Goluhu waxa uu ku boorriyay Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka in ay dardargeliyaan hirgelinta isbeddellada amniga oo muhiim ah, iyaga oo taageero ka helaya UNSOM, UNSOS iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Waxa ay sidoo kale, ku boorrisay Dowladda Federaalka in ay dib u bilowdo hirgelinta qorshaha kala-guurka - oo leh taariikho bartilmaamoodu yahay - oo amniga looga wareejinayo AMISOM, loona wareejinayo hay'adaha iyo ciidanka xoogga ee Soomaaliya.

Goluhu waxa u si adag u cambaareeyay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka ee ay geysteen kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab, waxayna ku dhiirigeliyeen Qaramada Midoobay in ay sii joogteyso la shaqeynta Dowladda

Federaalka iyo AMISOM si loo xoojiyo amniga xarunta Ururka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo weerar 1dii Janaayo lagu dhaawacay saddex ka tirsan Qaramada Midoobay, shaqaalaha iyo qandaraasleyaal.

Goluhu waxa uu walaac ka muujiyey dhammaan xadgudubyada lagu sameeyay sharciga bani'aadamnimada iyo xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan Al-Shabaab iyo kuwa ku xiran dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam (ISIL / Da'esh), Goluhu wuxuu ugu yeeray dhammaan dhinacyada in ay u hoggaansamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah, ayna ka taxaddaraan dhammaan ilaalinta dadka, lana yareeyo dhimashada iyo dhaawaca soo gaaraya dadka rayidka ah.

Intaa waxaa dheer, Goluhu wuxuu ka codsaday Qaramada Midoobay, Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka in ay tixgeliyaan saameynta xun ee isbeddelka cimilada iyo masiibooyinka dabiiciga, iyo arrimo kale, markii ay fulinayaan barnaamijyadooda Soomaaliya. Waxay sidoo kale, ka codsatay Xoghayaha Guud in uu siiyo macluumaad ku saabsan arrintaas warbixinnadiisa mustaqbalka.

Isagoo ka hadlaya korsashada kadib, wakiilka Mareykanka, wuxuu sheegay in sadarka 15-ka faqraddiisa iyo qodobka 21-aad ee howlgalku ay tahay in ay diiradda saaraan maareynta halista la xiriirta abaaraha, xaalufka iyo cunto yarida, beddelkeed inta laga helo sababo kale sida isbedelka cimilada.

Wakiilka Soomaaliya oo soo dhoweeyay aqbalida qoraalka, wakiilka Soomaaliya wuxuu sheegay in ay siinayaan dowladda Federaalka caawinaad muhiim ah oo loogu talogalay dhinacyada maamulka, horumarinta dhaqaalaha iyo amniga.

Waxa uu u mahadceliyey Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay, wuxuuna u xaqiijiyey in ay Soomaaliya si buuxda ula shaqeyn doonto nidaamka Qaramada Midoobay.

Isaga oo carabka ku adkeeyay in shaqada Qaramada Midoobay ay ku saleysan tahay ixtiraam iyo iskaashi dhexmara hay'adda iyo wadamada martida loo yahay, wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in Golaha, Beesha Caalamka iyo dhammaan la-hawlgalayaasha kaleba ay isku raacsan yihiin in dhibaatooyinka Soomaaliya ay u baahan yihiin xal ka yimaada Soomaalida iyo kordhinta lahaanshaha maxaliga ah ee arrimaha ka taagan dalka.

In ka badan sidii hore, dadka Soomaaliyeed waxa ay rabaan in dalkooda qaato kaalinta saxda ah  sida ummadaha kale, ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in Dowladdiisu ay si adag u aaminsan tahay in sharci ahaanshaheeda iyo saameynta go'aannadeedu ku xiran yihiin rabitaanka iyo danaha dadkiisa.