Somalia oo xarigga ka jartay dhisme xabsi iyo maxkamad cusub

23 Feb 2019

Somalia oo xarigga ka jartay dhisme xabsi iyo maxkamad cusub

Muqdisho – Hannaanka Cadaaladda iyo Xabsiyada Somalia ayaa helay tas’hiilaad cusub kaddib markii Muqdisho laga furay dhisme cusub oo ka kooban xabsi iyo maxkamad (MPCC) iyadoo la qabtay munaasabad ay kasoo qayb galeen madax sare oo ka tirsan DF Somalia iyo dalalka jaalka horumarineed la ah.

Dhismahani wuxuu garsoorka siinayaa kaabayaasha daruuriga ah si ay meel amaan ah oo sugan ugu fuliyaan dacwadaha, eedaysanayaasha dembiyada iyo shaqaalaha xabsiguna u helaan meel hubban.

“Waxaan rajaynayaa in xaruntani ay u adeegi doonto dadka la lumiyey isla markaana ay howsha u fududayn doonto saraakiisha garsoorka iyo shaqaalaha xabsiyada,” ayuu yiri RW Xasan Cali Khayrre, oo hadlayey intii ay socotey munaasabadda lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa munaasabadda sidoo kale kasoo qayb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac, Danjiraha Denmark ee Somalia, Mette Knudsen; Agaasimaha Sharciga iyo Hay’aadka Amaanka ugu qaybsan Xafiiska UNSOM ee Somalia, Marco Carmignani, Wakiil-goboleedka QM ee Dembiyada iyo Daroogada (UNODC), Amado De Andres, iyo Madaxda Xafiiska Mashaariicda QM ee Somalia (UNOPS), Sayed Farooqui.

Dhismahan ayaa la dhisayey tan iyo Diseembar 2015, wuxuuna qayb ka yahay mashruuc wayn oo 3 weji ah oo ay isla fulinayaan UNODC oo taageero ka heleysa UNOPS. Waxaa wada maalgeliyey Dowladaha Denmark, Netherlands iyo UK.

Wejiga koowaad ee mashruuca ayaa la dhamaystiray wuxuuna ka kooban yahay qol maxkamadeed, qayb maxaabiistu seexato oo qaadda 250-sariirood oo amaankeeda aad loo ilaaliyo, qaybta garsoorayaasha, dacwad oogayaasha iyo qarreenadu degi karaan inta lagu jiro geeddi socodka dacwadda.

Waxaa durba soconaya wejiga 2-aad, kaasoo ay ka mid tahay dhismaha qaybo kale oo jiif ah iyo qol 2-aad oo maxkamadeed.

Mr. De Andres ayaa sheegay in mashruucani uu qayb ka yahay hindisaha ay DF Somalia kula dagaallamayso argagixisada iyo dembiyada abaabulan, isla markaana ay dalka gacan ka siinayso in lasii hagaajiyo nabadda, xasilloonida iyo xukun wanaagga.

“Nabad, xasillooni, xisaabtan, nidaam hufan oo daah-furan iyo hay’aad wax ku ool ah oo sharci kala dambayn wax ku xukuma la’aantood, ma fili karno horumar waara oo guud,” ayuu yiri.

Waxaa intaa dheer in dhismahani uu waafaqsan yahay Heerka QM ee Sharciga u degsan La Dhaqanka Maxaabiista, UNODC waxay sidoo kale bixin doontaa kaalmo farsamo iyo tababar ay siinayso shaqaalaha garsoorka si hubaal looga dhigo in dacwooyinku ay cadaalad yihiin isla markaana hufan yihiin.

Danjire Knudsen waxay hoosta ka xarriiqday in xabsiga MPCC uu sidoo kale Somalia siinayo fursad wanaagsan oo sharciga lagu oogo dembiyadana lagula dagaallamo.

“Waxaan rumaysan nahay in MPCC ay Somalia wax ka bedeli karaan marka ay timaado sharciga iyo kala dambaynta iyo kahortaggga argagixisada iyo xag-jirninada gacan ka hadalka ku dhisan,” ayay tiri.

Danjiruhu waxay sheegtay in dhismuhu uu heer cusub u dhigi doono tixgelinta xuquuqda aadanaha ee xabsiyada Soomaalida iyadoo rejo ka muujisay in MPCC ay sahli doonaan in eedaysanayaasha waawayn laga soo wareejiyo maxkamadaha ciidamada oo halkan la keeno.

Xafladdii fuiryaanku waxay sidoo kale kusoo beegantay sanad-guuradii 49aad ee asaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.