Ergeyga QM oo Soomaalida u rajeeyay Ramadaan nabad ah oo farxad leh

16 May 2018

Ergeyga QM oo Soomaalida u rajeeyay Ramadaan nabad ah oo farxad leh

WARSAXAAFADEED 06/2018

Ergeyga Qaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa salaan diiran u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed iyadoo ay bilanayso bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo adduuka dacalladiisa u rajeynayaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo nabad ah,” ayuu yiri Md. Keating. “Kani waa waqti muhim ah ee sannadka markaasoo ay qoysaska iyo bulshadu ay isu yimaadaan, ka fikiraan waxa dhab ahaantii macna u leh nolosha, u duceeyaan taageerana siiyaan kuwa danyarta ah. Sidoo kale waa waqti la heshiiyo la isna cafiyo.

“Soomaaliya ha hesho farxad, nicmo iyo raynrayn bishan barakeysan ee Ramadaan – Ramadaan kareen, Ramadaan wanaagsan.”