Qaramada Midoobay oo ku baaqaysa in si deg deg ah loo soo af-jaro dagaalka iyo in la wada hadlo ka dib isku-dhacyo ciidamada ‘Somaliland’ iyo Puntland ku dhexmaray Tukaraq

15 May 2018

Qaramada Midoobay oo ku baaqaysa in si deg deg ah loo soo af-jaro dagaalka iyo in la wada hadlo ka dib isku-dhacyo ciidamada ‘Somaliland’ iyo Puntland ku dhexmaray Tukaraq

WARSAXAAFADEED 05/2018

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa codkiisa ku biiriyay hadalkii Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi “Farmajo” oo ku baaqay in si dhakhso ah loo joojiyo colaadaha u dhexeeya ciidamada ‘Somaliland’ iyo Puntland ka dib dagaal dhowaan ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Qaramada Midoobay waxay labada dhinac ku boorinaysaa inay ka wada hadlaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen xabbad-joojin iyo heshiis siyaasadeed.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay ku nuuxnuuxsanaysaa khatarta weyn ee uu dagaalku keenayo. Khatarahaas waxay isugu jiraan barakaca suurto-galka ah ee tobaneeyo kun oo dad ah – way ay baahida bani’aadanimo ka sare martay dhaqaalaha la heli karo – iyo sii hurinta amni darrada iyo khilaafka, kuwaas oo taageero u noqonaya ujeedooyinka kooxaha xagjirka ah ee shaqaaqada wada.

Ergeyga Gaarka ah wuxuu ku dhiiri-gelinayaa madaxda ‘Somaliland’ iyo Puntland inay si deg deg ah xal nabadeed ugu raadiyaan khilaafaadkooda.