Xoghayaha-Guud ee QM ayaa umagacaabay George Conway oo u dhashay dalka Canada ku-simaha Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

28 Mar 2019

Xoghayaha-Guud ee QM ayaa umagacaabay George Conway oo u dhashay dalka Canada ku-simaha Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

New York - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta ku dhawaaqay magacaabista George Conway oo udhashay dalka Canada inuu yahay Ku-simaha Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ahna Iskuduwaha Qaramada Midoobay ee arrimaha bani'aadamnimada.

Mr. Conway waxa uu baddelayaa Peter de Clercq oo udhashay dalka Netherlands, kaas oo Xoghayaha Guud ee QM uu ugu mahadcelinayo dadaalkiisa nafhurka ahaa iyo waxqabadkiisa muuqday ee uu ka qabtay Soomaaliya.

Maadaama uu ahaa Wakiilka Ha'yadda  UNDP Uqaabilsan Arrimaha Deegaanka ee Soomaaliya, Mr. Conway waxa uu khibrad iyo waaya-aragnimo heersare ah kusoo kordhinayaa geeddi-socodka hawlaha QM.

Sannado badan ayuu ku dhex jiray oo uu ka shaqeynayay hay'adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, isagoo soo noqday Lataliyaha Istiraatiijiyadda ee Xafiis Goboleedka UNDP ee Afrika, Uqeybsanaha UNDP ee Dalka Koonfurta Suudaan iyo Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska, sidoo kale waxa uu noqday Madaxa Barnaamijyada UNDP ee dalka Koonfurta Suudaan.

Mr. Conway waxa uu dhashay sannadkii 1970, waxa uu heystaa laba shahaado oo Master of Arts ah, oo uu ka kala qaatay Jaamacadda Carleton iyo Jaamacadda Western Ontario, iyo sidoo kale Bachelor of Arts oo uu ka qaatay jaamacada Winnipeg, kuwaas oo dhamaantood ku yaalla dalka Canada.