Ergeyga QM Soomaaliya oo Baydhabo ku tagey booqasho ku taageerayo hanaanka sameynta maamul-goboledka

10 Sep 2014

Ergeyga QM Soomaaliya oo Baydhabo ku tagey booqasho ku taageerayo hanaanka sameynta maamul-goboledka

Baydhabo – 8 Sebtembar 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta booqday magaalada Baydhabo si uu u taageero dadaalka ay Dowladda Federaalka iyo dadka degaanka ugu jiraan inay dhisaan maamul cusub oo ku-meelgaar ah oo laga hirgeliyo gobollada koonfur galbeed Soomaaliya oo ka kooban Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. []