QM oo diraysa hambalyo diiran oo ku aaddan bilashada Bisha Ramadan

24 Apr 2020

QM oo diraysa hambalyo diiran oo ku aaddan bilashada Bisha Ramadan

Muqdisho – Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed u dirtay hambalyadeeda ugu qiimaha badan ee ku aaddan munaasabadda bilashada bisha barakeysan ee Ramadan.

“Bisha barakaysan ee Ramadan waa waqti gaar u ah isku-duubni iyo isku-naxariisasho; dib-u-milicsiga wixii tegay iyo u-diraargarowga waxa soo socda. Iyadoo ay billaabanayso bisha Ramadan ee 2020, waxaan si buuxda ula soconaa in Soomaaliya – iyo dunida dhamaanteed – ay wajahayso caqabado aan lasoo koobi karin oo ka dhashay la-tacaalidda cudurka COVID-19 ee saf-mareenka ah. Inta lagu guda jiro waqtigan adag, ayaa qiyamka ay leedahay munaasabaddan – oo udub-dhexaad ay u yihiin nabad, isu-dhimrin iyo soo afjaridda dhibaatooyinka – ayaa arrimahaasi noqonayaan kuwo aad uga muhiimad badan waqtiyadii hore,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. 

Iyadoo dadka Soomaaliyeed ay billaabayaan soonka bisha Soonfur ee Ramadan oo ay la qaadanayaan eheladooda ay jecelyihiin, ayna jiraan caqabado uu keenay cudurkan hadda jira, ayaa bahda QM ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay kala qaybqaadanaysaa dib-u-milicsiga qiyamkaas salka adag leh, waxayna si buuxda ula garab taagantahay isku-duubni iyo taageero. 

Ramadan Mubarak, Ramadan wanaagsan!