Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka awgeed, Qaramada Midoobay waxay ku baaqaysaa maal-gelin ku aaddan ka-qaybgalka iyo matalaadda haweenka Soomaaliyeed

8 Mar 2024

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka awgeed, Qaramada Midoobay waxay ku baaqaysaa maal-gelin ku aaddan ka-qaybgalka iyo matalaadda haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka awgeed, Qaramada Midoobay waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay dadaallo ballaaran ku bixiyaan xaqiijinta ka mid noqoshada haweenka ee siyaasadda iyo inay ka dhabeeyaan qoondada ugu yar ee boqolkiiba 30 ee matalaadda haweenku ku leeyihiin baarlamaanka.

"Qoondada ugu yar boqolkiiba 30 waxay wax ka taraysaa oo ay gacan ka geysanaysaa kobcinta sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka ee Soomaaliya. Inkastoo ay jiraan caqabado badan, haweenka Soomaaliyeed waxay sii wadaan inay si mug leh  gacan uga geystaan nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta – tani waxay ku timid adeeg ay bixiyaan iyagoo ah Xubno Baarlamaan, iyagoo qayb ka ah ururrada bulshada rayidka ah iyo ururrada dhallinyarada, taasina waa marka wax yar laga tilmaamo dadaalladooda – laakiin waxaa loo baahanyahay in la helo maalgelin iyo dhaqaale intaas kasii badan oo lagu sii ambaqaado horumarkan maadaama maalgelinta haweenka ay udub dhexaad u tahay dhisidda bulshooyin loo wada dhanyahay, " ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

"Haweenka Soomaaliyeed waxay sii wadaan inay xasuusiyaan saamileeyda [siyaasadeed] in xaqiijinta xeer baarlamaan oo lagusoo saaro u-wada-dhamaanshaha iyo qoondada 30 boqolkiiba ay tahay codsi la fulin karo marka la tix-raaco ballan-qaadyadii ay horey u sameeyeen hoggaanka Soomaaliyeed," ayay raacisay.

Hoggaamiyeyaasha haweenka Soomaaliyeed waxay ku hawlanaayeen la-shaqaynta  saamilleyda [siyaasadeed] – oo ay ku jiraan Golaha Wadatashiga Qaran, hoggaamiyayaasha diinta iyo kuwa dhaqanka, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u- eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddiga La-socodka – iyagoo kala hadlayay baahida loo qabo xeer baarlamaani ah iyo hannaan lagu hirgeliyo oo lagu xaqiijiyo qoondada haweenka.

Soomaaliya gudaheeda, QM waxay Dowladda Federaalka ka taageertaa dadaallada lagu kordhinayo ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda iyo in la hirgeliyo xeerar xoojinaya ilaalinta haweenka iyo gabdhaha, xeerarkaas oo ku qotoma waajibaadka xuquuqda aadanaha ka saaran Soomaaliya si loola jaan-qaaado halbeegyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. QM waxay sidoo kale bah-wadaag la tahay Dowladda Federaalka ah iyo bulshada rayidka ah oo ay kala shaqaysaa sidii loo cirib-tiri lahaa dhaqamada waxyeellada leh sida gudniinka gabdhaha.

Halkudhegga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa ah 'Maalgeli Haweenka: oo Dardargeli Horumarka.’ Munaasabaddan ayaa adduunka laga xusayay tan iyo sanadkii 1875 si loogu dabbaal-dego guulaha ay haweenku ka gaareen arrimaha bulshada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo siyaasadda, iyo sidoo kale in la xuso baaqa ku aaddan in wax laga qabto dardar-gelinta sinnaanta jinsiga.