Xarunta cusub ee booliska waxa uu hadafkeedu yahay in lagu xoojiyo amniga Jubaland

10 Oct 2017

Xarunta cusub ee booliska waxa uu hadafkeedu yahay in lagu xoojiyo amniga Jubaland

Kismaayo – Iyada ooTaageero laga helayo Qaramada Midoobay iyo la-saaxiibada caalamiga ah, xarun cusub oo bilays iyo gaari ayaa lagu wareejiyay ciidamada booliska ee dowlad-goboleedka Jubbaland ee ku sugan magaalada Kismaayo, iyada oo ujeeda laga leeyahay ay tahay in kor loo qaado amniga dowlad-goboleedka dhaca galbeedka Soomaaliya.

Taliyaha Booliska Jubbaland, Axmednasir Guuleed Xasan oo ka hadlay xafladda wareejinta, ayaa ku bogaadiyey Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) taageerada ay u fidiyeen dowlad gobolleedka, isaga oo tusaale u soo qaatay, sida ay saraakiishu si weyn uga faa'iideysteen fursadihii tababarka ay bixiyeen labada hay’adood.

"Waxaan leenahay xiriir wada shaqeyn oo wanaagsan waana uga mahadcelineynaa taageeradooda," waxaa sidaas yiri Xassan.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland, C / qaadir Xaaji Maxamuud “Luga Dheere” ayaa dhaniciisa ka codsaday beesha caalamka in ay ka caawiyaan Soomaaliya sidii ay u gaari lahayd riyadeeda ah in ay hesho nabad iyo amaan.

“Waxaan nahay dad iyo dal dagaal sokeeye ku jiray 30 sano, sidaa darteed waxaan idinka codsaneynaa in aad nagu taageertaan si aan u gaarno halka aan u socono oo ah Soomaaliya oo horumartay oo cagaheeda isku taagi karta oo iskuna filan”, waxaa sidaas xusay Madaxweyne ku xigeenka.

Mashruuca saldhigga booliska waxaa hirgelisay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS), iyadoo ay taageero ka heleysa Waaxda Horumarinta Caalamiga ee Boqortooyada Ingiriiska (DFID).

Sidoo kale xafladda, Nazrul Kabir, Maareeyaha Mashruuca Kaabayaasha UNOPS, ayaa sheegay in saldhigga cusub ee booliska uu gacan ka geysan doono sare u qaadista amniga Soomaaliya, gaar ahaanna Jubbaland.

“Tani waa xarun cajiib ah oo la siiyay ciidanka booliska; runti waxay ka caawin doontaa maamulka Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya in ay nabad galyo, ammaan iyo xasillooni ku soo dabaasho gobolka. Waxaan rajeynayaa in xaruntani ay waxtar u yeelan doonto dadka ku nool Jubbaland iyo Soomaaliya,”ayuu yiri Kabir.

Xarunta booliska ee Kismaayo waa xarunta afraad oo shaqadeeda looga faa’iideystay  taageerada DFID. Kuwa kale waxay ku yaalaan Baydhabo, Beled Weyne iyo Hargeysa. Shaqooyinka dhismaha iyo dayactirka, oo bilaabmay sanadkii hore, waxay qaadatay 12 bilood in lagu dhammeeyo.

Munaasabada xil wareejinta waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay taliye ku xigeenka booliska AMISOM, Christine Alalo, wakiilo ka socday UN iyo saraakiil sare oo ka tirsan booliska Jubbaland.