Fariinta Xoghayaha-Guud ee shilkii diyaaradda Ethiopian Airlines ee burburtay

11 Mar 2019

Fariinta Xoghayaha-Guud ee shilkii diyaaradda Ethiopian Airlines ee burburtay

Maanta waa maalin murugo weyn uleh Qaramada Midoobay. Sidaad ogtihiinba, shilkii naxdinta lahaa ee maanta (Axad, 10 Maarso) ka dhacay dalka Itoobiya waxaa ku geeriyooday dad badan, oo ay ku jiraan qaar kamid ah saaxiibbadeena QM oo ka kala tirsanaa dhowr hay'adood iyo ururo hoos taga QM.

Waxaan ku guda jirnaa inaan wargelinno qoysaska saaxiibbadii naga baxay iyo uruurinta macluumaad dheeri ah. Waaxyaha ay quseyso arrintaan waxay la xiriireen dhiggooda dowladda Itoobiya iyo xafiisyada QM ee ku yaalla halkaas, waxayna la talin siinayaan islamarkaana ay caawimaad ufidinayaan qoysaska dhibbanayaasha, iyaga oo abaabulaya wixii kale oo taageero ah oo lama huraan u ah in lagula tacaalo xaaladdan iyo waqtigan adag. Calammada suran xafiisyada QM ayaa hoos loo dhigi doonaa berri (Isniin, 11-ka Maarso) si loogu sharfo.

Waan ogahay inaad igula soo biiri doonto baroor-diiqda iyo qaddarinta saaxiibbadeena geeriyooday annaga oo ku sharfeyna waxqabadkoodii iyo adeeggoodii hufnaa.

Mahadsanidiin,

António Guterres