War-saxaafadeed - Shir jaraa’id oo ay wada-qabteen DF Somalia & QM

30 Jan 2019

War-saxaafadeed - Shir jaraa’id oo ay wada-qabteen DF Somalia & QM

Muqdisho – MW Mohamed Abdullahi Mohamed iyo RW Hassan Ali Khaire ayaa maanta Muqdisho soo dhoweeyey Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Nabad Dhisidda iyo Siyaasadda DiCarlo.

Waxay sidoo kale la yeesheen kulan wada hadal furan, diirran isla markaana saraaxi ah, xilli ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka DF Somalia (FGS) iyo QM.

Madaxwaynaha, Raysal Wasaaraha iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ayaa ka hadlay tillaabooyinka waaqiciga ah ee DF Somalia iyo QM si ay si dhow uga wada shaqeeyaan faa’iidada dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada dhismaha dowlad dhisidda Somalia iyo muhiimadaha nabad dhalinta.

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM waxay sidoo kale wada hadallo wax dhisaya la yeelatay Wasiirrada DF Somalia oo ay kala hadashay sidii loo kordhin lahaa iskaashiga u dhexeeya Golaha Wasiirrada DF iyo QM. Waxay boorrisey ajendaha isbeddeldoonka ah ee ballaaran iyadoo taageero xooggan u muujisay hirgelinta higsiga QM u dejisey dhabbe-howleedka ay DF ku hirgelinayso siyaasad loo dhan yahay, amaan, cadaalad, soo kabasho dhaqaale iyo horumarin bulsho.

Raysal Wasaaraha, ayaa dhankiisa, wuxuu hoosta ka xarriiqay tixgelinta saree e ay DF Somalia u hayso shaqada QM ay ka fulisey Somalia oo ah xubin taa ku faanaysa, isagoo carrabka ku adkeeyey sida ay Somalia uga go’an tahay fulinta waajibaadka caalamiga ah iyo midka xubinnimadeeda. Raysal Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ka hadlay doorka muhimka ah ee QM ee Somalia isagoo QM uga mahadceliyey gacanta ay ka gaysatey inay Somalia kasoo weecato jidkii colaadaha oo qaaddo midka xasilloonida iyo koritaanka. Waxay hoggaanka Somalia muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin QM ugana damqanayaan weerarkii lagu qaaday dhismaha QM 1-dii Jannaayo 2019-kii. Waxayna ku celceliyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta amaanka iyo badbaadada shaqaalaha QM.

DF Somalia iyo QM waxay dhararayaan inay ballaariyaan xiriirkooda muddada dheer si ay Somalia awood ugu yeelato sii wadista horumarka laga sameeynayo dhinaca mustaqbal nabdoon oo baraare ah.