Farriinta Ku-xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya oo ku aaddan Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada

12 Aug 2014

Farriinta Ku-xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya oo ku aaddan Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada

Muqdisho – Halkudhiga sanadkan "Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada" waa "Caafimaad dhalinyaranimo iyo mid maskaxeed". Waxaa jira dalal kooban oo caafimaadka maskaxeed uu ka yahay arrrin ahmiyad leh sida Soomaaliya uu uga yahay. Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed waxay ku koreen dal ay si joogto ah uga dhacaan xadgudubka iyo fal-dembiyeedka. Qaar badan oo kamid ah waxaa lagu khasbay in ay ku biiraan kooxaha hubeysan ama si iskood ah ayey (dhalinyaradu) ugu biireen kooxahaas maadama aanay helin wado kale oo ay kasab/lacag ku helaan. Qaar kale waxay ku koreen jidadka amaba waxay waalidkood ku waayeen colaada.