Hadalkii Ergayga QM ee ku aadan saxiixa Ximan & Xeeb ee heshiiska maamul u sameynta gobollada dhexe

10 Aug 2014

Hadalkii Ergayga QM ee ku aadan saxiixa Ximan & Xeeb ee heshiiska maamul u sameynta gobollada dhexe

Muqdisho – Mudane Ku Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Railsal Wasaare, iyo dhammaan barootakoollada oo aan dhowrayo. Waxaan sidaa u leeyahay waxaan ogahay in waqtigu uu gaabanyahay. Waxaan taaganahay meel khatar ah – waxaan u dhexeeyaa idinka iyo qadada oo aan idinka hortaaganay!

Qaramada Midoobay iyo guud ahaan beesha caalamka waxay halkan Soomaaliya u joogaan inay idin kaalmeeyaan idinkuna taageeraan dadaalka dowlad-dhisidda iyo nabadaynta. Maanta waa maalin taariikhi ah, waxaana aad ugu faraxsanahay inaan goobjoog ka ahaado xafladdan uu dhinicii saddexaad uu ku saxiixayo heshiiska maamul loogu sameynayo gobollada dhexe ee Soomaaliya. I waxaan rabaa inaan aad ugu hambalyeeyo hogaamiyaha Ximan & Xeeb, Cabdullaahi Maxamed Baarleex – waxaad ku mahadsantahay inaad saxiixday maanta.

Waxaan idiin hayaa farriin aan jecelahay inaan u jeediyo hogaamiyeyaasha Ximan & Xeeb, Galmudug iyo Ahlu Sunna wal Jamaaca, saddexda dhinac ee heshiiskan saxiixay. Waxaan jecelahay inaan aad idinku dhiirigeliyo idinkuna booriyo inaad heshiisaan si aad u tagtaan shirka idinkoo dibuheshiisiin dhab ah sameeyay, diiraddana saaraya kalsooni dhisid ka dhex dhacda dhexdiina.

Markaad ku jirto wadaxaajoog, waa inaad ku talagashaa inaan waxna bixiso waxna hesho. Marka lagu jiro wadaxaajood, waxaa fudud in la yiraahdo ‘Maya’, waxaase adag in la yiraahdo ‘Haa’, waana calaamadda lagu garto hogaamiyaha dhabta ah.

Waxaan idinku boorinayaa inaad mar kasta danta qaran ee Soomaaliya ka hormarisaan danta gaarka ah ee qofka ama kooxda.

Waxaan si dhab ah u rumeysanahay, Qaramada Midoobayna rumeysantahay, in dhisidda Soomaaliya oo federaal ah ay ku jirto danta dalkiina. Taasi waxay dhelinaysaa Soomaaliya oo intan ka xoog badan, nabad ah, oo midaysan.

Qaramada Midoobay iyo goobjoogayaasha kale ee markhaatiga ka ah heshiiskan – oo kala ah Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika – waxay si dhab ah u taageeri doonaan hirgelinta heshiiskan; waxaan qayb ka mid ah kharashka ku baxaya la wadaagi doonaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada Soomaaliyeed ee kale. Waxaan bixin doonaa talo iyo waano marka loo baahdo, mar kastana waan idin dhiirigelin doonaa.

Annaga, oo ah beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay, nabad kama dhelin karno Soomaaliya, ma dhisi karno dowlad cusub oo federaal ah oo Soomaaliya ka dhalata. Idinka keliya ayaa taa sameyn kara, laakiin annagu waan idin dhiirigelin doonaa, waana idin kala shaqeyn doonaa tallaabo kasta oo aad qaaddaan ilaa aad hawsha dhammeystirtaan.

Ugu dambeyntii, waxaan maamulka ku meelgaarka ah ee ka dhismaya gobollada dhexe u rajeynayaa guul, waxaana mar kale idinku bogaadinayaa tallaabadan aadka u muhiimsan.

Mahadsanidiin