Farxiya Maxamud Xasan: Waxay wax u qortaa si ay gacan uga gaysato bedelidda sheekada Soomaaliya
Muqdisho – Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ugu da’da yar adduunka, tiiyoo ay 75% dadkeedu ka yar yihiin 30 jirka.
Jeer dhallinyaradu ay ka dhigan yihiin inta badan bulshada Soomaaliyeed, qalalaasaha sii socda, khilaafka, ka baxsanaanta dhaqan-dhaqaale iyo tan siyaasadeed ayaa caqabad ku noqotay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay awoodaan inay si buuxda uga qaybqaataan dib u dhiska iyo horumarka dalkooda.
Xogta la helayo ayaa sheegaysa in Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay ka jirto shaqo la’aanta haysata dhallinyarada adduunka, fursada ah ay uga qaybgeli karaan siyaasad, dhaqaale iyo bulsho ahaan ayaa weli daciif ah ama aanba jirin, gaar ahaan haweenka da’da yar.
Farxiya Maxamuud Xasan waa gabar Soomaaliyeed oo la hardamaysa caqabado badan oo ay la kulmaan haweenka da’da yari marka ay doonayaan in ay horumar xirfad ahaaneed sameeyaan, iyadoo sidoo kale ka qaybqaadanaysa dib u dhiska iyo horumarka dalkeeda.
Waxay ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya 1996-kii, xilli ay dagaallo sokeeye ka socdeen. Cunfigii socdey ayaa qoyskeeda ku khasbay inay u qaxaan magaalada Beledwayne, oo ah magaalo ku taal gobolka bartamaha woqooyi ee Hirshabeelle.
“Aad baan u yaraa markii aan magaalada ka tagnay 1996-kii, bilo kaddib markii aan dhashay. Dagaalku wuxuu wada saameeyey Muqdisho, waana ka qaxnay," ayay tiri Farxiya.
Toban sanadood kaddib, waxa ay bilowday waxbarashadeeda, iyada oo ka bilowday fasalka afraad ee dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee magaalada Beledwayne ee Sheekh Maxamed Macallin sannadkii 2006-dii halkaas oo ay waxbarashadeeda kasii wadatay illaa 2015-kii.
Guuritaan kale ayaa dhacay wax yar kaddib markii ay dhammaysay waxbarashadeeda.
“Kaddib markii aan dhameeyey dugsiga sare, qoyskayga ayaa dib ugu soo noqday Muqdisho. Waxaana aan jaamacadda bilaabay Sebtembar 2015.kii,” ayay tiri.
Farxiya oo iska diiwaangelisey Jaamacadda SIMAD, waxay qaadatay shahaadada koowaad ee cilmiga dhaqaalaha, waxayna ka qalin jebisay 2019-kii. Wax yar kaddib waxay ku biirtay shirkad Soomaali ah oo hormuud u ah iibinta iyo suuqgaynta.
Waxay u riyaaqday waayo-aragnimada tooska ah ee ay wax ku biirinayso istaraatiijiyadaha suuqgaynta iyo xayaysiinta ee shirkadda. Hase ahaatee, waxaa jirtey dhinac kale oo uu xaalku ka xumaa - waxay la kulantay cago-juglayn badan marka ay la xaalaysay macaamiisheeda, iyadoo marar badan laga faallooday muuqaalkeeda oo loo sheegay inaysan shaqadan ku fiicnayn gabar sideedan u qurux badan, waxaa dheerayd inay macaamiisha ka helaysey hindise guur.
"Waa la i guulguuley, welise, waxaan sii waday dadaalkii. Waxaan yeeshay adkaysi badan waxaana bartay inaan dulqaato markaan la kulmo caqabado iyo dhibaatooyin kale,” ayay tiri Farxiya.
Ma fududayn, si kastaba ha ahaatee. Gabadhan oo 26 jir ah ayaa is casishay wax ka yar hal sano gudaheed, balse markiiba waxa ay heshay shaqo kale wax yar kaddib, gaar ahaan Howlgalka Awood-dhisidda Midowga Yurub (EUCAP) ee Soomaaliya iyada oo noqotay Kaaliyaha Maaliyadda, bishii Maajo 2020-kii. Laakiin, marna ma aysan kushaqayn xilkaa cusub maadaama howshii loo hakiyey saamaynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay howlaha EUCAP.
"Waan ka niyad jabay inaan lumiyey fursad aan uga shaqeeyo EUCAP," ayay tiri Marwo Farxiya. "Laakiin isma dhigan muddo dheer. Waqtiga aan guriga joogey waxaan uga faa'iidaystey aniga oo qaatay tababarro horumarineed oo gaar ahaaneed oo dhowr ah oo ku saabsan xirfadaha fudud sida isgaarsiinta iyo la hadalka dadwaynaha, iyo sidoo kale daraasado diimeed, waxaan xitaa qaatay xiisado luuqadda Isbaanishka ah.''
Shaqo cusub, muuqaal cusub
Bishii Janaayo 2021-kii, Marwo Farxiya waxa ay ku laabatay shaqada, markan waxay la shaqaysay Somali Public Agenda (SPA), oo ah hay’ad siyaasadda dadwaynaha iyo dowladnimada geed fadhi u ah oo uu fadhigeedu yahay Muqdisho, halkaas oo ay shaqooyinkeedu ahaayeen kuwo ballaaran.
"SPA, waxaan ka sameeyaa cilmi baaris ku saabsan siyaasadda iyo arrimaha bulshada.''
Yeelkeede, waqti badan, diiradaydu waxay ku wajahan tahay raasumaalka aadanaha," ayay tiri. "Waxaan ka qaybqaataa cilmi-baarista iyo qoraallada siyaasadda sidoo kale, inkastoo aanan weli daabacin waraaqo cilmi-baaris oo gaar ii ah, dhowr ayaa soo socda."
Shaqadeeda SPA, 26-sano jirku waxay gacan ka gaysatey doorashooyinkii Baarlamanka iyo madaxtinnimada Soomaaliya ee 2021-2022, korjoogto ahaan iyadoo SPA ay ka mid ahayd dallad ay ku midaysan yihiin toddoba ururrada bulshada rayidka ah oo la isku yiraahdo NALA OGAADA.
"Korjooge ahaan, waxaan soo saari jirney bayaan dadwayne si aan saamileeyda ugu wargelinno doorashada si ay ugu dhacdo si cadaalad ah oo xor ah," ayay tiri Marwo Farxiya. "Waxaan u bogey kormeerida doorashooyinka. Waa hab aan wax ugu biirin karo taariikhda dalkayga.”
Marwo Farxiya ayaa sheegtay in mas’uuliyadeeda ku aaddanayd raasumaalka dadka ee HBS ay sidoo kale siisay farxad iyo korriimo shakhsi ah iyo mid xirfadeedba.
"Qaybta aan ugu jeclahay [raasumaalka aadanaha] waa la falgalka dadka maalin kasta, tani waxay sidoo kale i siisay xoog dhanka dabeecadda ah iyo hami aan dadka ku caawinayo in ka badan intii hore," ayay tiri.
Beddelka sheekooyinka
Waqtigeeda firaaqada ah, Marwo Farxiya ayaa baloog wax ku qorta. Mowduucyada ay door biddo waa arrimaha dhaqan-dhaqaale, qormooyin ku saabsan socdaalkeeda iyo dib u milicsiga shakhsiyadeed ee ku aaddan sida ay tahay gabar Soomaaliyeed oo maanta isku dayaysa in ay dhisato xirfad ay kaga shaqeysato Soomaaliya, iyo sidoo kale horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatay wixii ka dambeeyey dagaalladii sokeeye ee ba'naa.
In kasta oo laga yaabo in baloog wax ku qoristu ay ku badan tahay qaybaha kale ee adduunka, way ku yar tahay Soomaaliya oo hadal ayaa muddo dheer warka isku gaarsiinayey. Soomaalidu waxay samaysatay dhaqan afka ah oo ah gabayga iyo sheeko-xariireedka ayaa ugu yaraan ilaa qarnigii 12-aad wax la isku gaarsiinayey fac ka fac.
"Fursad ayaa ku jira wax ku qoridda baloogga, waxaana rajaynayaa in dhallinyarada kale lagu dhiirrigeliyo inay iyaguna ka qaybqaataan. Aniga ahaan, waxaan wax ka qoraa arrimo shakhsi iyo kuwo bulsho labadaba, laakiin mid ka mid ah waxyaabaha aan isku dayo inaan ku sameeyo blog-gayga ayaa ah beddelka sheekooyinka xun ee ku xeeran Soomaaliya. Waxaa la joogaa waqtigii aan muujin lahayn dhinacyada wanaagsan ee dalkeenna iyo nafteenna," ayay tiri.
"Waxaan si gaar ah ugula talinayaa hablaha yaryar inay wax qoraan," ayay raacisay. "Mar kasta oo aad wax qorto, in badan oo ka mid ah ayaa soo jiita dareenka dadka waxayna gacan ka gaysan kartaa beddelka sheekooyinka ee dhanka wanaagsan. Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan, waa in ay qaataan dhaqanka blogging-ka iyo qoraalka.”
Marwo Farxiya ayaa bilowday boggeeda baloogga ah bishii Juun 2021-kii, waxayna rajaynaysaa in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ay ka qaybqaataan baloogga si ay gacan uga gaystaan soo saarista xogta saxda ah iyo kuwa dhabta ah ee dalkooda, iyo kahortagga faafitaanka wararka been abuurka ah, war-xumada, ama macluumaadka khaldan.
"Xogta ayaan ururiyaa, waan sameeyaa, qoraa oo la wadaagaa dadka. Aniga ahaan, geeddi-socodku waxa uu xoojiyey xirfadahayga cilmi-baarista, qoraalka iyo xirfadaha fikirka,” ayay tiri.
Howlo isgaar-gaaraya
Xiisaha ay Marwo Farxiya u qabto wax ku qorista baloogga waa mid la jaanqaadday shaqadeeda hay’adda SPA, oo soo abaabusha tababarro ku saabsan baloog wax ku qoridda dhallinyarada. Casharrada tababarku waxa ay bilowdeen 2021-kii, ilaa hadda, 44 dhalinyaro Soomaaliyeed ah – kala bar dumar yihiin – ayaa ka qaybqaatay barnaamijka tababarka siddeedda maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo xirfadaha qorshaynta, qorista iyo tifaftirka.
"Waxaan gacan ka gaystaa abaabulka tababarradan aqoon is waydaarsiga ah, sidoo kale waxaan tifaftiraa oo bixiyaa jawaab celin wax dhisaysa oo ku saabsan qoraallada ka qaybgalayaasha," ayay tiri.
Ka qaybgalayaasha ilaa hadda waxay ka kooban yihiin arday iyo xirfadlayaal. Tabobarku waxa uu ka kooban yahay waxyaabaha ku jira baloogga iyo sidoo kale sida loo sameeyo loogana shaqeeyo baloogga. Xiisado badan ayaa qorshaysan.
Mid ka mid ah 44-ta dhallinyaro ee Soomaalida ah ee ka qaybqaatay waa Aasiya Maxamed oo hadda sarkaal sare oo dhanka cilmi-baarista ah ka ah Machadka Horumarinta Cilmi-baarista Soomaaliyeed ee SORDI, iyadoo kaddib markii ay ka qaybqaadatay tababarka samaysatay bog baloog ah oo ay iyadu leedahay.
"Si wayn ayaan uga faa'iidey tababbarka SPA. Hadda waxaan wax ka qoraa arrimaha bulshada ee saameeya Soomaalida, waxaana bartay inaan codkayga soo gudbiyo anigoo adeegsanaya baloogayga,” ayay tiri.
Xirfadaha baloogga ee Marwo Farxiya ayaa dhowaan horseeday inay ku guulaysato aqoon is waydaarsi 10-maalmood ah oo hal-abuur xirfadeed iyo sheeko-sheekaynta ku saabsan oo lagu qabtay Roma, Italy. Waxaa soo agaasimey ArtXchange oo ah mashruuc uu hormuud ka yahay Guddiga Caalamiga ah ee Horumarinta Dadka (CISP), kaas oo ay jaalkiisa ka mid yihiin Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO).
Siminaarkan aqoon is waydaarsiga ah oo la qabtay bishii Maajo ee sanadkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad ka kala yimid Afrika iyo Yurub.
"Wuxuu ahaa aqoon is waydaarsi diiradda lagu saaray sheeko-sheekeysiga iyo gabayada nabadda. Waxay ahayd waayo aragnimo cajiib ah oo aan waddankayga ku meteley aniga iyadoo ay i wehlinayeen laba kale oo Soomaali ah," ayay tiri.