Golaha Ammaanka, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay iskaashi si loo gaaro yoolasha maamulka cusub

8 Sep 2022

Golaha Ammaanka, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay iskaashi si loo gaaro yoolasha maamulka cusub

New York – Isagoo Arbacaddii khudbad ka jeedinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayuu mas’uulka ugu sarreeya hay’adda caalamiga ah ee Soomaaliya waxa uu ku boorriyay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay si dhow isula shaqeeyaan si horumarro looga gaaro yoolasha xukuumadda cusub, oo ay ka mid yihiin hagaajinta garsoorka iyo dowladnimada, iyadoo si wax-ku-oolnimo leh looga hortagayo Al-shabaab iyo in si degdeg ah looga jawaabo dhibaatada bini'aadannimo ee sii xumaanaysa.

Hada-jeedintiisii shirka golaha ee ku saabsan wadanka Geeska Afrika, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay in ay taageerto Soomaalida si ay u gaaraan hor-tebinnadooda qaran.  

Metelaadda Haweenka

Md. Swan ayaa sheegay in xukuumadda cusub ay si degdeg ah ugu sii dhaqaaqday inay dulmar ahaan usoo gudbiso barnaamij shaqo oo afar sano ah oo ka hadlaya yoolalka iyo waxqabadyo ka kooban lix tiir, oo kala ah, amniga, garsoorka, dib-u-heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo xiriirrada dibadda. Laakin, waxa uu tilmaamay meelaha weli u baahan in wax laga qabto.

“Nasiib darro, haweenka waxaa weli haysta metelaad yari xagga jagooyinka golaha wasiirrada iyo guddiyada baarlamaanka ah. Kaliya 13 boqolkiiba ayaa haween ka ah xubnaha golaha wasiirrada, iyo 21 boqolkiiba oo ah xubnaha guddiyada baarlamaanka,”  ayuu yiri, Md. Swan, oo sidoo kale ah madaxa Hawlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM). 

“Waxaan mar kale ugu baaqayaa madaxda Soomaaliyeed inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo xaqiijiyo ka-qaybgalka macnaha leh ee haweenka ee dhammaan hay'adaha dowladda, iyo sidoo kale ka-qaybgelinta dhalinyarada iyo kooxaha taariikh ahaan la takooro,” ayuu sii raaciyay.

Mudnaan siinta amni-darrada

Md. Swan ayaa sheegay in maamulka cusub uu u aqoonsaday amniga inuu yahay mudnaantiisa koowaad ee qaranka, taasoo ku soo beegantay xilli Al-Shabaab ay muujisay dhiiranaan dheeraad ah.

Mintidiinta ayaa dhowaanahan dilal bartilmaameed qorshaysan leh, weeraro culus iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo baaxad leh ka fuliyay xuduudka Itoobiya, kuwaas oo uu cambaareeyay.

Marka laga hadlayo dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah, Ergayga Gaarka ah ee QM waxa uu ammaanay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo dhiggooda ka socda Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) “Kuwaas oo khasaare nafeed oo weyn soo gaaray hadana sii wada dagaalka ay shacabka uga difaacayaan Al-Shabaab.”

Khatarta Macluul

Soomaaliya waxa ay haatan wajaheysaa dhibaatooyin bani’aadannimo oo ka dhashay abaarihii ugu xummaa ee muddo ugu yaraan afartan sano ah.  Qiyaastii 7.8 milyan oo Soomaali ah — ku dhawaad kala bar qiyaasta shacabka dalka — ayey saameeyeen, deegaannada qaarkodna horraanba waxa ay halis ugu jireen macluul.

Inkastoo tirada dadka ay wax gaarsiiyeen hay'adaha gargaarka ay afar jibaarmeen tan iyo bishii Jannaayo ilaa 5.3 milyan, haddana waxaa loo baahan yahay in sare loo qaado gargaarka, sida uu sheegay xafiiska isku duwidda gargaarka bini'aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA).

Hadal-jeedintiisa golaha, Md. Swan wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay fududeeyaan gargaarka bani'aadannimo, iyo in deeq-bixiyayaashu ay kordhiyaan maalgelinta.

“Iyadoo baahida marba mar ka sii dareysa iyo xilli roobaadkii shanaad oo la saadaalinayo in uu baaqdo, waxaa lagama maarmaan noqonaysa in sare loo qaado kaalmada bani’aadanimada. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya in ay fududeeyaan gaarsiinta kaalmada beni’aadanimo. Waxaana ugu baaqayaa dhammaan saaxiibbada Soomaaliya in ay si degdeg ah u kordhiyaan deeqda loo baahan yahay,” ayuu yiri mas’uulka QM.

 Waxa uu sidoo kale si gaar ah dareenka ugu jeediyay xaaladda haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed.

“Dhibaatada bani’aadannimo ee hadda jirta ayaa si gaar ah u kordhisay nugeylka haweenka iyo carruurta barakacayaasha ah, oo weligoodba wajihi jiray takoor iyo xaqiraad xagga adeegyada ah,” ayuu yiri

“Waxaan ku boorrinayaa mas’uuliyiinta/hay’adaha Soomaalida in ay kordhiyaan tallaabooyinka ka hortagga khatarta tacaddiyada jinsiga ee sida gaarka ah loogu geysto haweenka iyo gabdhaha, taasoo ay ka midtahay in la adkeeyo amniga goobaha biyaha laga dhaansado iyo xarumaha cunto qeybinta.”

Hore u socoshada

Isagoo ka hadlaya horumarka muddada dheer, Md. Swan wuxuu guudmaray horumarka laga gaaray deyn cafinta.

Bishii Juun, Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sii daayay $350 milyan oo ah deeq horumarineed oo loogu talagalay Soomaaliya.Deeq-bixiyeyaal kale ayaa dib u billaabay kabiddii miisaaniyadda ee dalka si loo joogteeyo dadaallada dib-u-habeynta ee loo baahan yahay si loo dhameystiro geeddi-socodka deyn cafinta.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa hadal-jeedintiisa ku soo gabagabeeyay isagoo ku carrabka ku adkeynaya ballanqaadka QM ee inay sii waddo taageeridda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si ay u gaaraan yoolashooda qaran.

 

Isha: UN News, 7 Septembar 2022

Warbixinta oo dhamaystiran halkan ka Akhri.