Hadaljeedintii uu Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya James Swan u jeediyey Saxaafadda Magaalada Baydhaba

13 Sep 2022

Hadaljeedintii uu Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya James Swan u jeediyey Saxaafadda Magaalada Baydhaba

[Sidii loo jeediyey]

Subax wanaagsan, 

Anigoo ku hadlaya magaca asxaabta halkan maanta ku metelaya qaar ka mid ah saaxiibada muhimka ah ee Soomaaliya ee beesha caalamka, waxaan jeclaan lahaa inaan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’ iyo shacabka Koonfur Galbeed ugu mahadceliyo soo dhaweynta diirran ee ay noo sameeyeen intii aan ku guda jirnay booqashadeena.

Waxaa maanta halkan igu weheliya Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Kalaguurka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Fiona Lortan; Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Cabdifataax Xassan; Safiirka Sweden ee Soomaaliya, Per Lindgarde; Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre; Madaxa Kooxda Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Jens Hoegel; Ku-xigeenka Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Sascha Kienzle; iyo Madaxa Ergayga Soomaaliya ee Urur Goboleedka IGAD, Cabdi Ibraahim.

Waxaan u mahadcelineynaa wada shaqeynta joogtada ah ee Madaxweynaha iyo maamulkiisa ay la leeyihiin saaxiibada caalamka. Mudane Madaxweyne, rabitaankaaga inaad halkan nagu soo dhowayso maanta, iyagoo ay ku weheliyaan wasiirradaada iyo la-taliyayaashaada, waxay muujinaysaa xiriirka dhow ee naga dhexeeya. 

Waxaan halkan u nimid in aan Madaxweynaha kala hadalno arrimo kala duwan oo la xiriira siyaasadda, bini’aadantinimada iyo horumarka Koonfur Galbeed, sidoo kale guud ahaan Soomaaliya iyo weliba sida ugu wanaagsan ee aan u taageeri karno Koonfur Galbeed.

Dhinaca siyaasadda, waxaan soo dhoweynay dadaallada joogtada ah ee maamulka Koonfur Galbeed uu ku xoojinayo maamulka deegaanka, waxaa na dhiirigeliyay dhismaha golaha deegaanka degmada Xudur oo dhowaan la soo gabagabeeyey. Waxaan rajeyneynaa in tani ay tusaale u noqoto dadaallada kale ee golayaasha degmooyinka.

Waxaan carrabka ku adkeynay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo in dadka la siiyo saaxad ay si xor ah ugu cabiri karaan waxay doonaan, oo ay ku jirto xorriyadda isu imaatinka, abaabulka, iyo warbaahinta, iyadoo dadka reer Koonfur Galbeed ay ka doodayaan arrimaha muhiimka ah ee ajandaha guud.

Marka la eego xaaladda guud, xiriirka shaqo ee adag oo wax tar leh ee dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada ka jira Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ayaa lagama maarmaan u ah xasilloonida muddada dheer iyo baraarada mustaqbalka dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Arrintan awgeed, waxaan mar kale ku celinay baaqeenii ku aaddanaa xiriir wada shaqayn ee dhexmara Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, waxaana soo dhoweyneynaa ka qeybgalka Madaxweynaha ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. 

Mudane Madaxweyne, xaaladda bini'aadantinimo ayaa aad u sii korortay qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, taas oo ay sabab u tahay abaarta ka sii daraysa. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed midaas kama duwana.

Malaayiin qof oo ku nool dalkan ayaa wajahaya dhibaatooyin iyo heerar cunto yari ah oo degdeg ah. Waxaa loo baahan yahay in gargaarka si degdeg ah sare loogu qaado si wax looga qabto xaaladaha bini'aadantinimo ee sii xumaanaya iyo baahiyaha sii kordhaya.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa si weyn uga walaacsan xaaladda adag ee bini’aadantinimada ee saameysay dadka degan Koonfur Galbeed iyo kuwa meelo kale uga yimid barakac ay abaartu sababtay. Waxaa si kal iyo laab ah naga go'an inaan sii wadno taageerada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo wajahaya caqabaddan baaxadda leh.

Mudane Madaxweyne, amniga ayaa weli mudnaan gaar ah u leh Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kulankeennii maantana, waxaan kugu bogaadinay, Mudane Madaxweyne, sida joogtada ah ee aad ugu heellan tahay in Al-Shabaab laga cirib tiro dhammaan saddexda gobol ee Koonfur Galbeed. Waxaan sidoo kale mar kale xaqiijinay sida ay nooga go'an tahay in aan sii wadno wada shaqeynta dhow ee aan la leenahay hay'adaha amniga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si ay ula tacaalaan caqabadda. Sidoo kale, waxaan ku baaqeynaa wadashaqeyn ka sii dhow oo dhex marta jilayaasha amniga ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Ugu dambeyntiina, marka laga soo tago la kulanka mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, gelinka dambe maanta wefdigayagu wuxuu ku hanweyn yahay in uu la kulmo wakiillo ka socda ururrada bulshada rayidka ah kana dhageysto walaaca iyo tabashooyinka ay qabaan iyo sida ugu habboon ee ay beesha caalamku ugu taageeri karto howlaha muhiimka ah ee ay hayaan sida ay u taageeraan horumarinta deegaanka, xuquuqda aadanaha, iyo baahida haweenka, dhalinyarada iyo kooxaha kale ee taariikh ahaan la gacan bidixeeyo. 

Mar labaad, Mudane Madaxweyne, waad ku mahadsan tahay wakhtiga iyo sida aad diyaarka ugu tahay inaad maanta nala kulanto dhammaanteena. Aad iyo aad ayaa loo bogaadiyay, waxaana ku hanweyn nahay inaan sii wadno wada shaqaynta aan idinla leenahay iyo dadaallada uu maamulkaagu ugu jiro sidii nabad, xasillooni iyo horumar loogu soo dabbaali lahaa dadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbe.