Xog-hayaha Hoose ee Guud ee QM oo sheegay in ay taageerayaan horumarka Soomaaliya

25 Aug 2017

Xog-hayaha Hoose ee Guud ee QM oo sheegay in ay taageerayaan horumarka Soomaaliya

Muqdisho, 24 Agoosto 2017 - Xog-hayaha Hoose ee Guud ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Jeffrey Feltman, ayaa booqasho ku yimaaday Soomaaliya, waxaana uu kulamo la qaatay madaxda dalka si ay u muujiyaan taageerrada dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale in uu u bandhigo dowladda cusub taageerrada Qaramada Midoobay, iyo in laga wada hadlo siyaabaha wax looga qabanayo caqabadaha sida abaaraha xilligan taagan iyo arrimaha ammaanka.

Xog-hayaha Hoose ee Guud waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo; Ra'iisul Wasaaraha, Xasan Kheyre; Guddoomada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka; Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Guddoomiyaha Guddiga  Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Intii booqashadiisu socotay waxaa la socday Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ee Soomaaliya, Michael Keating.

Isagoo ka hadlaya Villa Soomaaliya kaddib markii uu la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dooroshooyinka Qaranka, Xaliima Ibraahim, Xog-hayaha Hoose ee Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ujeeddada booqashadiisu ay tahay sidii loo xoojin lahaa taageerrada horumarka siyaasadeed ee dalka uu sameynayo iyo sidoo kale in la sahamiyo sida ugu wanaagsan ee looga caawin karo Soomaaliya in ay ka gudubto caqabadaha qaarkood.

"Waxaan halkan u joogaa inaan sii xoojiyo oo aan muujiyo taageerada ay Qaramada Midoobay u hayso dadka iyo dowladda Soomaaliya xilli uu dalka la tacaalayo caqabado badan oo ay ka mid yihiin abaarta, amniga iyo qorshaha siyaasadeed," ayuu yiri Mudane Feltman.

Mudane Feltman waxaa uu xusay in iyada oo dalka ay ka jiraan dhibaatooyin badan iyo abaartii dhoweyd ee saameeysay in ka badan 6.2 milyan oo qof, haddana ifafaalo wanaagsan ayaa ka muuqda dalkan ku yaalla Geeska Afrika.

“Waxaan dareemaya horusocod dhab ah ee horumarka dhinaca siyaasadda, dib u habeynta iyo daah-furnaanta iyo waxyaabaha loo baahan yahay si loo gaaro doorasho barlamaan ee qof iyo cod ah sanadka 2021,” ayuu ku daray.

Madaxan Qaramada Midoobay ka socda ayaa amaanay shaqada Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee ku aaddan diyaarinta hab-dhismeedka loo baahan yahay si loo qabto doorashooyinka xildhibaannada baarlamanka iyo madaxweynaha ee 2021, wuxuuna sidoo kale ku boorriyay madaxda in ay horusocod ka sameeyaan dib u eegista dastuurka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay dhisaan hay’ad dowladeed oo ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ku kalsoon yihiin ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka xiga. “Waxaan ku dadaaleynay sida aan u dhisi lahayn tayada hay’addan iyo sida aan u heli lahayn kalsoonida siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed, haddii ay ahaan lahayd siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka iyo dowladaha [dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada],” ayay tiri Marwo Xaliima.

Mudane Feltman ayaa asna sheegay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay in ay la shaqeyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya si wax looga qabto caqabadahani si dalka loo taageero in uu gaaro halka uu hiigsigiisa yahay.

Shir xilli subaxnimo lala galay Ra’iisal Wasaaraha dalka, Mudane Feltman ayaa waxaa loo sheegay rajadaa wanaagsan ee dalka kaddib doorashada Madaxweyne Farmaajo ee bisha Febraayo.

“Dalka waxaa ka jiraa dareen midnimo oo ka duwan sidii hore, iyada oo bulshada rayidka, culimada, haweenka iyo dhallinyarta iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay diyaar u yihiin in ay ku biiraan, ka qayb qaataan, ayna kaalin ka geystaan, dadka waxaa u muuqda rajo”, ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Xoghaye Hoose ee Guud ayaa ugu dambeyntii la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira, waxaana uu boogaadiyay kaalinta Midowga Afrika iyo AMISOM.

Tani waxaa ay ahayd booqashada koowaad oo uu Mudane Feltman uu ku booqday Soomaaliya tani iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo iyo dhaarinta baarlamanka tobanaad. Tani waa booqashadiisa shanaad ee uu ku yimaado caasimadda Muqdisho tani iyo markii xilka loo magacaabay ee sanadka 2013.