Galmudug, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa guudmaray dowlad-dhiska, dib u heshiisiinta, amniga iyo kahortagga macluusha

30 Jul 2022

Galmudug, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa guudmaray dowlad-dhiska, dib u heshiisiinta, amniga iyo kahortagga macluusha

Dhuusamareeb – Mar uu maanta booqasho ku tegey caasimadda Galmudug, mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayuu la kulmay madaxa Dowlad-goboleedka oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya Dowlad-goboleedka iyo guud ahaan dalka.

“Waxa aan fursad u helnay inaan ka hadalno geeddi-socodkii doorashada Soomaaliya ee sida guusha leh u soo gababoobay- kaas oo isugu jiray doorashooyinka Golaha Shacabka iyo tan Madaxweynaha- iyo sidoo kale howlaha muhiimka ah ee hadda hor yaalla Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, howlahaas oo isugu jira dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo geeddi-socodyada nabad-dhisidda, sugidda amniga, iyo, dabcan, ka hortagista macluul.,”  ayuu yiri Wakiilka Gaarka ee QM u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan.

“Waxa uu madaxweynuhu xaqiijiyey balanqaadkiisa ku aaddan in uu la shaqeeynayo maamulka cusub ee federaalka ah, iyada oo mustaqbalka la eegayo, iyo in uu hubinayo in hortebinnada muhiimka ah ee qaranka la hiigsado,” ayuu raaciyey.

Mas’uulkan ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay si wada jir ah warbaahinta ugu qabteen, kaddib wadahadal uu la yeeshay Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada kaasoo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Hadaljeedintiisi, ayuu Md Swan guudmaray in sidoo kale ay ka wada hadleen xaalada amni ee degaanada Galmudug, gaar ahaan weerarradii ugu dambeeyey ee Al-Shabaab ay ka fuliyeen gobolka Mudug. Waxa uu sidoo kale qiray dadaalka ay ciidamada amnigu ka dhanka ah kooxda argagixisada ah, waxa uuna xusay Madaxwayne Kaariye sida ay uga go’an tahay xallinta colaadaha kale ee ka jira degaanada maamul-goboleedkan ka tirsan Dowladda Federaalka.

Gurmadka abaaraha

Labada nin ayaa sidoo kale ka wada hadlay abaarta ba’an ee saameeysay Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelatay degaanada Galmudug, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay dadaallada Qaramada Midoobey ay ku taageerayso gurmadka beni’aadanimo.

Soomaaliya ayaa wajahaysa xilli-roobaadkii afraad oo xiriir ah oo baaqda iyo halis sare oo macaluul ah – waxaa hadda la rumaysan yahay in siddeed goobood ay macluuli ka dhici doonto bisha Sebtembar.

“Sida meelo kale oo Soomaaliya ah oo ay abaartu gaartay, waxa ay Qaramada Midoobay isku dubba rideysaa dadaallada iyada oo kaashaneysa bahwadaagta gargaarka si loo bixiyo kaalmada loo baahan yahay si wax looga qabto dhibaatooyinka la xiriira biyaha, cunno yarida, iyo baahiyaha caafimaad,” Ayuu Md. Swan yiri.

“Waxa aan u xaqiijinay madaxweyne Kaariye kaalmadeena joogtada ah iyo u qareemiddeenna kaalmo badan oo caalami ah si gacan looga geysto wax ka qabashada xaaladda jirta loogana hortago macluul halkan iyo meelaha kale ee Soomaaliya ahba ka dhacda,” ayuu sii raaciyey.

Sida laga soo xigtey xafiiska isku xirka arrimaha bini'aadminnimada ee OCHA, abaarta hadda jirta ayaa ah mid aan horay loo arag, waxaana ay saamaysay toddobo milyan oo qof, halka in ka badan 800,000 oo qofna ay ku barakaceen iyagoo raadinaya cunto, biyo iyo baad.

Ilaa 7.1 milyan oo qof - 45 boqolkiiba dadwaynaha - ayay cunto yari ba'ani haysaa, halka 1.5 milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay shan sano ay soo food saartay nafaqo-xumo ba'ani. Ugu yaraan 200 oo carruur ah ayaa u dhintay nafaqo darro iyo cudurro tan iyo bishii Jannaayo.

Qorshaha Gurmadka bini'aadminnimo ee Soomaaliya sanadkan waxa uu raadinayaa ku dhowaad 1.5 bilyan oo Doollar si loo daboolo baahiyaha bini'aadminnimo ee ugu daran ee dalka ka jira. Ilaa hadda, waxa la helay kaliya 42.6 boqolkiiba lacagtaas.

Marka laga soo tago arrinta gurmadka abaaraha, Mr. Swan waxa uu sheegay in uu sidoo kale u xaqiijiyay Madaxweyne Kaariye la shaqayn joogta ah oo hay’adda adduunka, oo ay wehliyaan saaxiibada kale ee caalamiga ah oo lala shaqeeyo Galmudug.

“Waxa aan ku tashaneynaa in madaxweynaha door wax dhisa ka cayaari doono in la dhiso wadashaqeyn adag oo dhex marta Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka,” ayuu Mr. Swan intaa ku daray. “Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka waxa ay ku rajo weyn yihiin xiriir iyo wadashaqeyn wanaagsan oo waara oo aan adiga iyo shacabka Galmudugba la yeelano.”

Booqashada Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Dhuusomareeb ayaa qayb ka ahayd la shaqaynta joogtada ah ee madaxda Soomaalida. Horraantii bishii Luulyo ayuu sidoo kale booqasho ku tegey magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-goboleedka Puntland, halkaas oo uu kula kulmay Madaxwaynaha maamulkaasi ee Siciid Cabdullaahi Deni iyo madax kale oo uu kala hadlay arrimo fara badan.