Hadalladii uu Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, warbaahinta ugu jeediyay magaalada Dhuusamareeb

30 Jul 2022

Hadalladii uu Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, warbaahinta ugu jeediyay magaalada Dhuusamareeb

[sidii loo jeediyey]

Galab wanaagsan.

Waxa aan jeclaan lahaa inaan ku bilaabo mahad aan u jeedinayo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo kooxdiisa soo dhaweyntii diirraneyd ee ay maanta noo sameeyeen.

Waxa aan fursad u helnay inaan ka hadalno geeddi-socodkii doorashada Soomaaliya ee sida guusha leh u soo gababoobay- kaas oo isugu jiray doorashooyinka Golaha Shacabka iyo tan Madaxweynaha- iyo sidoo kale howlaha muhiimka ah ee hadda hor yaalla Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, howlahaas oo isugu jira dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo geeddi-socodyada nabad-dhisidda, sugidda amniga, iyo, dabcan, ka hortagista macluul.

Waxa uu madaxweynuhu xaqiijiyey balanqaadkiisa ku aaddan in uu la shaqeeynayo maamulka cusub ee federaalka ah, iyada oo mustaqbalka la eegayo, iyo in uu hubinayo in hortebinnada muhiimka ah ee qaranka la hiigsado. 

Waxa uu madaxweynuhu warbixin naga siiyey xaaladda amniga ee Galmudug, gaar ahaan weerarradi Al-Shabaab ay dhawaan ku soo qaadeen gobolka Mudug. Waxa aan si mug leh u qireynaa geesinimadi iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee ku howllanaa in ay Al-Shabaab is hortaagaan. Waxaa kale oo aan xuseynaa sida ay madaxweyne Kaariye uga go’neyd xallinta khillaafyada kale ee maxaliga ah.

Galmudug kama ayan baxsan saameynta abaaraha ba’an ee faraha kulul ku haya Soomaaliya. Aniga iyo madaxweyne Kaariye waxa aan ka sidoo kale ka hadalnay baaxadda dhibaatada abaarta iyo saameynta ba’an ee ay halkan ku reebtay dhinacyo kala geddisan.

Sida meelo kale oo Soomaaliya ah oo ay abaartu gaartay, waxa ay Qaramada Midoobay isku dubba rideysaa dadaallada iyada oo kaashaneysa bahwadaagta gargaarka si loo bixiyo kaalmada loo baahan yahay si wax looga qabto dhibaatooyinka la xiriira biyaha, cunno yarida, iyo baahiyaha caafimaad. Waxa aan u xaqiijinay madaxweyne Kaariye kaalmadeena joogtada ah iyo u qareemiddeenna kaalmo badan oo caalami ah si gacan looga geysto wax ka qabashada xaaladda jirta loogana hortago macluul halkan iyo meelaha kale ee Soomaaliya ahba ka dhacda.

Marka laga soo tago arrimaha wax ka qabashada abaarta, waxa aan sidoo kale u xaqiijinay madaxweyne Kaariye wadashaqeynteenna joogtada ah Galmudug, iyada oo ay na garab socdaan saaxiibbada kale ee caalamiga ah. Waxa aan ku tashaneynaa in madaxweynaha door wax dhisa ka cayaari doono in la dhiso wadashaqeyn adag oo dhex marta Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

Markale, Md. Madaxweyne, waxa aan si kal iyo laab ah kaaga mahad celineynaa wadahalkii mira dhalka ahaa ee aan adiga iyo kooxdaada kula yeelanay. Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka waxa ay ku rajo weyn yihiin xiriir iyo wadashaqeyn wanaagsan oo waara oo aan adiga iyo shacabka Galmudugba la yeelano.

Mahadsanidiin.