Galmudug iyo Puntland ayaa gabagabeeyay doorashoyinkii aqalka hoose

Haweeney Ka mida ergada ayaa cod Ka dhiibanaysa doorashada Soomaaliland si ay ugu codayso xubin Ka mid noqonaysa Golaha Shacabka gudaha magaalda Muqdisho, Soomaaliya, 12ka Disembar 2016. QM Sawir

12 Dec 2016

Galmudug iyo Puntland ayaa gabagabeeyay doorashoyinkii aqalka hoose

Galmudug iyo Puntland ayaa soo gabagabeeyay doorashayinka aqalka hoose iyagoo tirada maamulada dhameeyay doorashada ka dhigaya shan dowlad goboleed.

Doorashada ayaa lagu soo gabagabeeyay maalmihii axadii iyo isniintii magaaloyinka Cadaado iyo Garowe caasimadaha Galmudug iyo Puntland. Maamulada Jubbland, Koonfur galbeed iyo Hirshabelle ayaa iyagu horey u dhameeyay doorashoyinka aqalka hoose.

Puntland ayaa doorashada soo idleysay 12-kii December iyagoo doortay shan xubnood saddex ka mid ahna ay ahayeen haween. Khaliif Aw Cali oo ah gudoomiyaha gudiga hirgalinta doorashada dadban ee Puntland ayaa aad ugu faraxsan in howshii doorashada kusoo idlaato si nabad-galyo ah.

“Wax dhib ah lama kulmin. Waxan Muqdishu u gudbin doonaa magacyada xubnaha la doortay si aan uga gaarno xilliga kama danbeysta ah ee doorashoyinka dhiman”, Ayuu yiri Khaliif.

Maalintii isniintii murashaxiinta la doortay waxa ku jirtay haweeneyda ku xigeenka ka ah Ururka Haweenka Qaranka marwo Canab Xassan Cumar, Deeqo Saciid Xassan iyo waliba Ikraan Yuusuf Xersi.

Xafso Cabdirashiid Diriye oo ka tirsan ergada qeybta ka aheyd doorashadii isniinta ayaa soo dhaweysay doorashada saddex haween ee la doortay kuwasoo ka mid noqonaya xubnaha aqalka hoose.

“Waa arin dhiiragalin ah. Waan ku faraxsanahay inaan qeyb ka ahay doorashada anigoo gabadh da,yar ah,” ayay tiri Xafso.

Dowlada Galmudug ayaa doorashada soo gabagabeysay axadii waxana nasiib u yeeshay in lagu soo gabagabeeyo Sahra Cumar Maalin, Sahra ayaa ku tartameysay kursigii 36aad ee ugu danbeeyay kuraasta Galmudug.

Sahro ayaa ku guuleysatay kursi haween kaliya ku tartamayeen waxayna noqotay haweeneydii sagaalad ee lagu doorto Galmudug tasoo la micno ah in Galmudug ay u soo dhawatay qoondadii haweenka ee boqolkiiba 30 aheyd. Xildhibanada cusub ayaa amaantay hey,adaha amniga ee Soomaliyeed iyo ciidanka AMISOM doorkoodii xaqiijinta amniga ahaa.

“Haddii la gaari waayay qof iyo cod waa go,aan wanaagsan in madasha hogaanka qaran isku raaceen doorashadan dadban. Waxan u mahadcelinaya gudiga heer federal ee hirgalinta doorashoyinka dadban iyo waliba gudiga heer dowlad gobolled, sidoo kale ciidamada amniga, ciidamada AMISOM sida wacan ay ugu qeyb qateen amniga”.

Magaalada Muqdishu, ergo ka socday qabaa,ilka Somaliland ayaa doortay afar xildhibaan ee aqalka hoose maalintii isniinta, tirade xildhibanada Somaliland ayaa noqoneysa guud ahaan 19 xubin 46 kursi oo ku soo aaday.

Xildhibanka dooran ee Cabdullahi Cusmaan Ducaale ayaa amaanay sida wacan ee howshu loo qabtay wuxuna ka hadlay go,aanka xildhibanada Soomaliyeed ee ah iney u adeegan shacabka iyadoo ay jirto dhibaatoyin fara badan oo heysata baarlamanka sida amniga.

“Baalamanka Soomaliyeed wuxu ilaa hadda ku shaqeeyaa daruufo adag,” ayuu yiri Ducaale. “Tusale ahaan xildhibano ayaa dhintay Al-Shabaab markii ay soo weerareen xarunta baarlamanka sidaa oo ay tahay xildhibanada waxa weli ka go,an iney sii wadaan howshooda si dhibka dalka ka jira looga hortago.”
Murashaxiinta haweenka ah ee kusoo baxay doorashada kuraasta Soomaliland ee aqalka hoose waxa ka mid ah Sahro Cabdulqadir Cabdiraxman iyo Faadumo Xassan Cali.