UNSOM ayaa martigalineysa aqoon isweydaarsi ku saaban qaabka cusub ee booliska

Taliyaha Booliska UNSOM Baydhabo, Maria Axfeldt  oo siinaya warbixin ku saabsan hab cusub oo policing ah inta lagu guda jiray tababar lagu qabtay Baydhabo, Soomaaliya, 6 Desembar 2016. QM Sawir

6 Dec 2016

UNSOM ayaa martigalineysa aqoon isweydaarsi ku saaban qaabka cusub ee booliska

Siminaar socday muddo saddex maalin ah, loogana doodayay qaabkii lagu hirgalin lahaa isbadalka cusub ee lagu sameynayo booliska ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo, xarunta maamulka Koonfur galbeed.

Seminaarkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo laga fuliyo dowlad goboleedyada kadib markii ay meel mariyeen qaabka cusub ee booliska madasha wadatashiga qaranka bilowgii sanadkan.

Kulan wada tashi ah oo lagu qabtay magaalada Nairobi bishii Maarso ayaa qaabka cusub ee booliska lagu daray qorshaha Heegan, Heegan ayaa ah qoraal siyaasadeed aragti fog ah kasoo diirada lagu saarayo hirgalinta booliis Soomaliyeed oo federal ah inta u dhaxeysa 2017 ilaa 2015.

Seminaarka ayaa waxa kasoo qeyb galay xubno ka socday wasaaradaha amniga, qorsheynta, saraakil ka socotay booliska Soomaliyeed iyo waliba sidoo kale wakiilo ka socday hey,ada sirdoonka qaranka.

“Waa siminaar loogu talo galay gudiga farsamo ee ka shaqeynaya qaabka cusub ee booliska, waxan ka leenahay saddex ujeedo oo waaweyn. Mida ugu horeysa waa in si fiican loo fahmo doorka gudiga farsamo ee hirgalinta qaabka cusub ee booliska maamulka Koonfur galbeed,” sidaa waxa yiri Hans Wanderstein oo ah Lataliye sare ee UNSOM.

“Marka labaad, waxan rabnaa in si fiican loo fahmo macnaha waxa uu yahay qaabkan cusub ee booliska. Sidoo kale waa inaan bilownaa hab qorsheeneyd lagu hirgalinayo qaabkan cusub,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Isaaq Sheekh Cabdiraxman oo ah agaasimaha wasaarada amniga ee maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in ujeedka gudiga farsamo yahay horseedka hirgalinta qaabkan cusub si maamulka Koonfur galbeed u helaan booliska awood leh.

Qaabka wuxuu ka koobanyahay qeybo khuseeya sida ay u wada shaqeyn dooranan federaalka iyo maamulka goboleedyada dalka ka jira. Qeyb kasta waxay mas,uul ka tahay tababarka iyo qorista boolis cusub.

“Siyaasad ahaan ayaa dowlada federal iyo dowladaha xubnaha ka ah isagu waafaqeen in booliska loo kala qaado boolis heer federal ah iyo mid ku siman dowlad dowlad goboleedyada. Tanina waa bilowgii geedi socodka hirgalinta qorshahaas,” ayuu sii raaciyay Cabdiraxaan.

Hadii la fuliyo qorshaha waxa kala cadaanaya farqiga u dhaxeya booliska heer federal iyo midka heer dowlad goboleed.

“Xilligii hore booliska wuxuu ahaa hey,ad hal meel laga maamulo, hadda waxa jiri doona boolis federal ah oo leh door guud iyo boolis heer maamul gobol ah kasoo qabanaya howlaha caadiga ah,” ayuu yiri

Xabiibo Axmed Cali oo ka qeyb qaadatay tababarka, kana tirsan booliska Soomaliyeed ayaa tiri tababarkan waxan ka fileynaa in gudiga farsamo keenan qaabab iskula shaqeyn karaan booliska federaalka iyo kuwa heer maamul goboleed nidaamka federaalka ah ee Soomaliya qaadatay.