Maamulka Jubbaland oo soo gunaanaday doorashada kuraasta Aqalka Hoose

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya, Mecheal keating ( SRSG), Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ( SRCC) ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Caetano Madeira, Madaxa Ergada Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ms. Veronique Lorenzo iyo saraakiil kale oo  ka socday AMISOM inta lagu gudajiray kulan la la lahaa M/weynaha Dowladda Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe,  Kismaayo, Soomaaliya, 24-ka Nofeembar 2016. QM Sawir

24 Nov 2016

Maamulka Jubbaland oo soo gunaanaday doorashada kuraasta Aqalka Hoose

 

Jubbaland ayaa maanta noqotay dowlad goboleedkii ugu horreeyey ee soo gabagabeeyey dooorashooyinka kuraasta Golaha Shacabka.

Doorashada kursigii ugu dambeeyey ee ka tirsanaa 43-da kursi ee loo qoondeeyey Jubbaland ayaa waxaa ku soo baxay Ibraahim Maxamed Xuseen oo ka soo jeeda beesha Bartire, Daarood. Wuxuu helay 47 cod oo ka mid ah 51-ka cod ee la dhiibtay. Maadaama uu noqonayo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka soo socda, Mudane Ibraahim wuxuu ballanqaaday in uu taageeri doono barnaamijyada lagu awood siinayo haweenka ka soo jeeda maamulka Jubbaland.

Toban haween oo ka soo jeeda Jubbaland ayaa loo doortay Golaha Shacabka muddadii ay socotay codayntii Kismaayo ka billaabatay 8-dii Nofembar.

Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Fransisco Caetano Madeira, Madaxa Ergada Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Veronique Lorenzo iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’ ayaa goobjoog ka ahaa wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada ka dhacday caasimadda maamulka ee Kismaayo.

“Doorashooyinkan ka dhacay Jubbaland waxay ku dhaceen si amni ah, waxaana mahadnaq mudan shaqada ciidanka amniga deegaanka iyo kuwa AMISOM, codayntuna waxay ahayd mid si habsami leh ku dhacday,” ayuu Danjire Keating u sheegay warfidiyeennada ka dib dhammaadkii doorashada.

“Doorashadani xaqiiqdii waa mid meteleysa dadka deegaanka, waana waxaan doonaynay,” ayuu yiri Danjire Madeira. “Dib u heshiisiin ayaan ka rabnaa Soomaaliya. Haddii dhammaan madaxda kale loo doorta sida doorashada aan maanta goobjoogga ka ahayn oo kale, dib u heshiisiintu waa mid suurtagal ah markaas.”

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulan albaabbadu u xiran yihiin madaxtooyada kula yeeshay Danjire Keating, Danjire Madeira iyo Madaxa Ergada Midowga Yuru Lorenzo, waxayna wada-hadallada diiradda saareen gargaarka bini’aadannimo ee loo fidinayo dadka ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga Dadaab ee Kenya iyo hawlgallada milateriga ee looga gol leeyahay xorraynta deegaannada ka tirsan Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee ay Al-Shabaab wali gacanta ku hayso.

“Waxaan ka wada hadalnay wajiga xiga ee geeddi socodka doorashada iyo hawlgallada milateriga ee laga fulin rabo deegaannada ku xeeran webiga Jubba,” ayuu yiri Madaxweyne Madoobe.

“Waxaan la hadalnay Taliyaha Ciidanka AMISOM Jeneraal Cusmaan Nuur Subagle waxaana isku af garannay waqtiga rasmiga ah ee ay billaabanayaan hawlgallada,” ayuu raaciyay. “Ciidanka Jubbaland iyo kuwa AMISOM waxay diyaar u yihiin in ay billaabaan hawlgallada.”

Hadalka madaxweyne Madoobe ee ku aaddan hawlgallada milateri ee qorshaysan ayaa yimid hal maalin ka dib markii saraakiil sar sare oo ka tirsan militeriga AMISOM ay kulan ku qaateen Muqdisho, kaas oo looga hadlayay istiraatiijiyad ka dhan ah argagaxisada.

“Shaqada adag ee amniga wali idinka ayay idin hor taallaa, la dagaallanka Al-Shabaab iyo sidoo kale xoojinta cududda ciidanka amniga qaranka Somaaliya si ay Soomaaliya awood ugu yeelato in ay si buuxdo ula wareegto ammaankeeda,” ayuu yiri Danjire Keating.