Tabaalaha barakacayaasha Soomaaliyeed oo lugu baaqay in xal waara loo helo

11 Feb 2016

Tabaalaha barakacayaasha Soomaaliyeed oo lugu baaqay in xal waara loo helo

Muqdisho – Lataliyaha arrimaha barakacayaasha ee Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Walter Käelin, ayaa ku baaqay in la helo hab cusub oo loo wajaho kaalmada bini’aadamnimada, si wax looga qabto dhibaatooyinka haysta dadka barakacay ee ku nool Soomaaliya.

Mr. Käelin oo soo gunaanudey socdaal labo todobaad qaatay oo uu ku kala bixiyey Soomaaliya, ayna ku jireen booqasho uu ku tagey xeryo ay ku jiraan dad barakacayaal ah, si uu ugu kuurgalo xaaladahooda nololeed, ayaa sheegay in la gaarey xilligii la isku xiri lahaa hawlaha bini’aadamnimada iyo barnaamijyada horumarineed, taas oo xal waara u noqon karta dhibaatooyinka la degey barakacayaasha Soomaaliyeed.

“Hadda ka hor hawlaheennu waxay ku ekaayeen gargaarka bini’aadamnimo, laakiin wax kama tarin xallinta dhibaatooyinka barakaca. Si haddaba xal waara loo helo, waxaan u baahannahay in maalgelin wax ku ool ah lugu sameeyo adeegga aas-aasiga ah, sida guryeynta iyo shaqo abuurka. Markaas ka dib ayaan barakacayaasha ku caawin karnaa in ay bulsho weynta Soomaaliyeed dhexgalaan, ayuu yiri Mr. Käelin oo ka hadlayey xero ku taal magaalada Baydhaba oo uu booqday.

Lataliyaha gaarka ee Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, wuxuu ku boorriyey dhinacyada ku lugta leh barnaakijyada bini’aadamnimada, in ay ka baaraandegaan xal gacan ka geysan kara in barakacayaashu ku milmaan bulshada martigelisey ama ay u guryo noqdaan deegaannada ay ka soo jeedaan.

Sida uu sheegay Xafiiska Q.M. u qaabilsan Isku-dubbaridka Arrimaha Bini’aadamnimada ee UNOCHA, Soomaaliya waxaa ku nool in ka badan 4 milyan oo barakacayaal ah, ku waas oo ku tiirsan kaalmo bini’aadamnimo. Magaalada Muqdisho ayaa martigelisa qiyaastii 400,000 oo barakace, taas oo ka badan culeyska ay xamili karto magaalo dagaal ka daashey.

Faaduma Macallin, oo ah barakace mudo 10 sano ah ku nooleyd xero ku taal Baydhaba, ayaa ayadoo sharraxeysa xaaladaha qallafsan ee dhanka nolosha ka haysta waxay tiri. “Waxaan ku nool nahay wixii aan dadka ka helno. Waxaan u baahannahay nolol sidaan dhaanta”. Khadiija Shariif Muuse iyo Muktaar Cismaan Yarow, oo labaduba ah barakacayaal ku nool Kismaayo, ayaa dowladda iyo beesha caalamka ugu baaqay in loo soo gurmado.

Wasiirka Guryeynta iyo Hawlaha Guud ee Dowladda Federaalka, Saalax Sheekh Cismaan, ayaa sheegay in dowladdu diyaar u tahay wax ka qabashada dhibaatadan, islamarkaana ay saaxiibbada caalamka la kaashanayaan sidii loo hagaajin lahaa xaaladaha nololeed ee barakacayaasha. “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay wax ka qabato arrinta barakacayaasha. Waxaan ku talo jirnaa in shaqooyin loo abuuro dadka xeryaha ku nool si noloshooda loo hagaajiyo”, ayuu wasiirku yir.

Sida ay sheegtay UNOCHA, in ka badan 68% dadka cunto yaridu hayso ayaa ah barakacayaal, dadkaas badankoodna nolosha qallafsan waxaa u dheer, barakicin qasab ah, faquuq iyo xadgudubyo la gula kaco carruurta iyo haweenka.

Booqashooyinka lataliye Käelin uu dalka ku maray ayaa looga gollahaa in la isku baraarujiyo xaaladdaha barakacayaasha Soomaaliteed, islamarkaana daruufaha haysta xal waara loogu helo.