Saaxiibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya oo taageersan dib-u-habeynta laamaha amniga

26 Mar 2019

Saaxiibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya oo taageersan dib-u-habeynta laamaha amniga

Muqdisho - Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska iyo dowladda Mareykanka waxay soo dhaweynayaan dadaallada uu sameynayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee ah inuu saaxiibbada caalamiga ah warbixin ka siiyo dib-u-habeynta lagu sameynayo laamaha amniga iyo qorshayaasha Dowladda ee ku aaddan horumarinta amniga.

Waxaa na dhiiri galiyay ka go'naanshiyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hirgalinta dib u habeynta lagama maarmaanka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa taageeridda shaqadan. Waxaan rajeyneynaa in arrintan wadahadallo dheeri ah looga yeelan doono Miiska Soomaaliya ee shir sannadeedka Bangiga Adduunka iyo Hay'adda Lacagta Adduunka oo bisha Abriil ee sannadkan ka dhici doona magaalada Washington. Waxaan sidoo kale ku han weynnahay inay kasoo baxaan go'aanno muhiim ah oo ku saabsan taageerada joogtada ah ee la siiyo hawlgalka AMISOM maadaama lagu wado inay mas'uuliyadda amniga ku wareeejiyaan laamaha amniga Soomaaliya.

Waxaan aaminsanahay haddii si buuxda loo dhaqan geliyo dib-u-habeyntaan inay gacan ka geysaneyso xasilloonida iyo nabadda dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka. Waxaan ku boorineynaa daneeyayaasha kala duwan inay gacan ka geystaan islamarkaana ay taageeraan dadaallada wadajirka ah ee lagu caawinayo Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed si ay ugu xaqiijiyaan dib-u-habeyntaan geeddi-socod wadahadal loo dhan yahay.