Hadaljeedinta uu Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan siiyay warbaahinta Garowe

9 Jun 2021

Hadaljeedinta uu Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan siiyay warbaahinta Garowe

Galab wanaagsan, Mudane Madaxweyne, wakiillada warbaahinta. 

Waad ku mahadsantahay Madaxweyne  Saciid Cabdullaahi Deni, adiga iyo kooxdaada, soo dhowaynta diirran ee aad noo sameyseen maanta. 

Waxa halkan igu wehliya Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ahna madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira, Ku-xigeenka Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicole Miller, iyo Madaxa Ergada IGAD ee Soomaaliya Jamal Axmed.

Aad iyo aad ayaan ugu faraxsannahay in aan maanta joogno magaalada Garoowe. 

Waxaan u imaanay in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu soo gebagaboobay oo ay madaxda Soomaalida heshiis gaareen  27kii Maajo, iyagoo qeexaya hababka lagu dhaqangelin karo Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020.

Heshiiskii 27-kii Maajo wuxuu ahaa natiijada kaqaybgal waxtar leh ee u dhexeeya hoggaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada iyo Dawladda Federaalka, kaasoo sidoo kale, ay ku jirtay la-tashiyo lala yeeshay jilayaal siyaasadeed oo muhiim ah. Waa muhiim in iskaashiga ka dhexeeya madaxda Soomaalida uu hore u socdo. Waxa aan dhiirigelinaynaa wadahadalka socda iyo iskaashiga u dhexeeya labada heer ee dawladda, waxaana ku dhiirrigelinaynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay sii wadaan kulammada joogtada ah, iyaga oo u maraya Golaha Wadatashiga Qaranka.

Waxaan ka wada hadalnay Madaxweyne Saciid Deni talaabooyinka xiga ee lagu dhaqangelinayo war-murtiyeedkii 27-kii May. waxaana kamid ahaa doodaha ku saabsan dastuurka hay'adaha maamulka doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dawlad goboleed, aasaasidda guddiga ka shaqeynaya dib u heshiisiinta reer Gedo, u diyaargarowga qabsoomida doorashooyinka, oo ay ku jiraan amniga doorashooyinka, iyo talaabooyinka la qaadayo ee lagu hirgelinayo qoondada haweenka ee 30 % ah. Waxaan sidoo kale, ku boorrinay in dardar lagu sii wado dhammaan arrimaha muhiimka ah.

Waxaan mar kale ku celineynaa muhiimada ay leedahay in haweenka iyo dhallinyarada lagu daro hawlaha siyaasadeed ee heer federaal iyo heer gobol. Gaar ahaan, waa lagama maarmaan ah in ugu yaraan boqolkiiba 30 qoondada matalaadda haweenka laga hirgeliyo doorashooyinka labada Aqal. Waxaan ku kalsoonahay in rabitaan siyaasadeed oo ka yimaada dhammaan daneeyeyaasha in geedi-socod doorasho oo loo wada dhan yahay, laguna kalsoonaan karo lagu qaban karo Soomaaliya.

Waxaa ku dhiirrigelinay Madaxweyne Deni, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey Puntland ee ku aaddan qabashada doorashooyinka maxalliga ah ee hal qof iyo hal cod ah. Waxaa naga go'an in aan la shaqaynno Dawlada iyo shacabka Puntland si loo hormariyo dimuqraadiyada kaqaybqaadashada gobolka.

Mudane Madaxweyne, maaddaama aan soo gebagabeynayno booqashadeenna, markale waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadnaqaynaa soo dhaweynta diirran. Waxa aan rejeynaynaa in aan sii wadno wadashaqaynta naga dhexeysa adiga iyo kooxdaada si hore loogu sii socdo, maaddaama Soomaaliya ay ku sii siqeyso qabashada doorashooyinka. 

Mahadsanidiin.