Warbixinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud James Swan u jeediyay Golaha Ammaanka ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya

7 Sep 2022

Warbixinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud James Swan u jeediyay Golaha Ammaanka ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya

Mudane Madaxwayne, Xubnaha sharafta leh ee Golaha,

Waad ku mahadsan tihiin fursadda aad ii siiseen inaan soo jeediyo warbixin ku saabsan  xaaladda Soomaaliya.

Ka dib markii la soo gabagabeeyay geeddi-socodkii doorashada ee lagu muransanaa bishii Maajo, jawiga siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda ah mid ku habboon in wax laga qabto arrimaha hor-tebinta qaranka. Si fursaddan looga faa’ideysto, mas’uuliyiinta federaalka iyo dowlad goboleedyada waa in ay si dhow isula shaqeeyaan si horumar looga gaaro himilooyinka dowladda cusub, oo ay ku jiraan hagaajinta garsoorka iyo dowladnimada, in si wax-ku-oolnimo leh looga hortago Al Shabaab, iyo in si degdeg ah wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadannimo ee sii xumaanaya. Qaramada Midoobay waxaa ka go'an taageeridda in dadka Soomaaliyeed gaaraan hor-tebinnadooda qaran.

Markii iigu dambaysay ee aan Golahan warbixin siiyey, Mudane Madaxweyne, waxay ahayd wax yar uun ka dib doorashadii 15 Maajo ee Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Wixii markaas ka dambeeyay, Baarlamaanka ayaa bishii Juun si wadajir ah u ansixiyay ra'iisul wasaarahiisa uu u magacaabay, Xamza Cabdi Barre, waxaana bishii Ogoosto uu ansaxiyay golihiisa wasiirrada.

Xukuumadda cusub waxay si degdeg ah ugu dhaqaaqday inay soo gudbiso barnaamij shaqo oo afar sano ah, iyadoo dejisay yoolalka iyo waxqabadyo ka kooban lix tiir. Kuwani waxaa ku jira: amniga, garsoorka, dib-u-heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo xiriirka dibadda. Waxaa taa barbar-socotay, in Barlamaanku wuxuu soo gabagabeeyay howsha dhismaha guddiyadiisa, si loogu daro Guddiga wadajirka ah ee La Socodka ee loo xilsaaray inay hoggaamiyaan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyadoo loo marayo baarlamaanka. Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta kale ee caalamiga ah waxay taageerayaan Baarlamaanka si loo horumariyo hortebinnada sharci-ejinta.

Nasiib darro, haweenka ayey weli haysta metelaad yari xagga jagooyinka golaha wasiirrada iyo guddiyada baarlamaanka ah. Kaliya 13 boqolkiiba ayaa haween ka ah xubnaha golaha wasiirrada, iyo 21 boqolkiiba oo ah xubnaha guddiyada baarlamaanka. Waxaan mar kale ugu baaqayaa madaxda Soomaaliyeed inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo xaqiijiyo ka-qaybgalka macnaha leh ee haweenka ee dhammaan hay'adaha dowladda, iyo sidoo kale ka-qaybgelinta dhalinyarada iyo kooxaha taariikh ahaan la takooro.

Mudane Madaxweyne,

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dhowr jeer ka hadlay muhiimadda ay leedahay wanaajinta xiriirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka si loo hormariyo hor-tebinnada qaranka. Tallaabooyinkiisii ugu horreeyay, ee lagu ammaani karo, intii uu xafiiska yimid, waxaa ka mid ahaa in uu la kulmo madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee  Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ka dibna booqday qaar ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada. Waxaan ku baaqayaa in xiriirkan lala yeeshay dowlad goboleedyada uu sii socdo iyo in Golaha Wadatashiga Qaran ay mar kale si dhaqso ah kulmaan. Qaramada Midoobay waxay Dowladda kala shaqaynaysaa taageeridda shirkan muhiimka ah.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqashooyin badan oo dibadda ah ku tagay dalalka deriska ah iyo kuwa bah-wadaagga kale oo muhiim ah oo dano laba geesood ah kala dhexeeyaan. Waxaan soo dhaweynayaa hindisihiisa si loo xaqiijiyo xiriir dhow oo lala yeesho dhammaan -- xitaa dalalka uu xiriirka lala lahaa uu hore u xumaa. Waxaan ku boorrinayaa inay tani sii socoto -- gaar ahaan kuwa deriska ah ee gobolka.

Mudane Madaxweyne,

Maamulka cusub ee Soomaaliya ayaa ahmiyadda koowaad ee uu leeyahay u aqoonsaday amniga. Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili Al Shabaab ay muujiyeen dhiirranaan dheeraad ah. Dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee Al Shabaab ayaa waxaa ka mid ah dilal qorsheysan, weerarro culus sida kii Hotel Xayaad ee bishii Ogoosto, iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran oo ay ka sameeyeen xuduudka Itoobiya.

Waxaan cambaareynayaa weeraradan argagixiso ee soo noqnoqday, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadkii ay dileen Al-Shabaab, waxaanan bogsasho degdeg ah u rajeynayaa kuwii ku dhaawacmay. Waxaan bogaadinayaa geesinnimada iyo adkaysiga ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaalia oo iyagoo soo gaaray khasaare nafeed oo weyn haddana sii wada dagaalka ay shacabka kaga difaacayaan Al Shabaab.

Dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto dhismaha ciidanka, isku-dhafka iyo isku-duwidda ayaa lagama maarmaan u ah si loo gaaro guulo ciidan iyo in wax laga qabto welwelka ilaalinta muwaadiniinta. Ciidamo Soomaaliyeed oo waxtar leh ayaa muhiim u ah qorshaha looga guurayo ATMIS. Waxaan markale adkeynayaa baahida loo qabo in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay si dhow isaga kaashadaan ka hortagga Al Shabaab, iyadoo ay hagayaan ballanqaadyada xuquuqul insaanka ee heer gobol iyo heer caalami ee Soomaaliya.

Dhaqangelinta hawlaha kala-guurka ee amniga ee uu farayo qaraarka Golaha 2628 ayaa dardar ku socda, oo ay ka midyihiin codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay ee in ay isla gartaan hal-beegyada dhabta ah, qeexan, una dhigma ee horumarka. UNSOS waxa ay sii waddaa bixinta taageerada saadka ee loo idmaday ee ATMIS iyo, iyada oo adeegsanaysa caawimaadda Trust Fund, ee loo ogolaaday inay siiso Ciidamada Ammaanka Soomaaliya. Waxaan weli aad uga walaacsanahay gaabiska ku yimid maalgelinta loo heli karo gunnooyinka mushaharka ee ATMIS iyo Trust Fund ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, waxaanan ku boorrinayaa deeq-bixin dheeraad ah maadaama uu deg deg jiro.

Mudane Madaxweyne,

Soomaaliya waxa ay wajaheysaa musiibo beni’aadanimo iyada oo ay 7.8 milyan oo Soomaali ah — ku dhawaad kala bar qiyaasta shacabka dalka — saameeyeen abaarihii ugu xummaa ee dalka soo mara muddo ugu yaraan afartan sano ah, kuwaas oo ay uga sii dareen dhibaatooyin cimilada la xiriira. Iyada oo ay afar xilli roobaad oo is xig-xiga baaqdeen, ayey meelo dalka ka mida wajahayaan khatarta macluul.

Taageerada deegsinimo ee deeq-bixiyeyaasha awgeed, hay’adaha gargaarku waxay tan iyo bishii Janaayo afar laabeen tirada dadka kaalmada la gaarsiiyey oo gaartay 5.3 milyan. Hase ahaatee, baahidii oo marba ka sii dareysa iyo xilli roobaadkii shanaad oo la saadaalinayo in uu baaqdo, waxaa lagama maarmaan noqonaysa in sare loo qaado kaalmada beni’aadanimaha. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya in ay fududeeyaan gaarsiinta kaalmada beni’aadanimo. Waxaana ugu baaqayaa dhammaan saaxiibbada Soomaaliya in ay si degdeg ah u kordhiyaan deeqda loo baahan yahay.

Dhibaatada beni’aadanimo ee hadda jirta ayaa si gaar ah u kordhisay nugeylka haweenka iyo carruurta barakaca ah, oo weligoodba wajihi jiray takoor iyo xaqiraad xagga adeegyada ah. Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta/hay’adaha Soomaalida in ay kordhiyaan tallaabooyinka ka hortagga khatarta tacaddiyada jinsiga ee sida gaarka ah loogu geysto haweenka iyo gabdhaha, taasoo ay ka midtahay in la adkeeyo amniga goobaha biyaha laga dhaansado iyo xarumaha cunto qeybinta.

Haddii aan u weecdo ajendaha horumarka muddada dheer, Soomaaliya waxay qaadhay tallaabo wax-ku-ool ah xagga geeddi-socodka deyn cafinta. Bishii Juun, Guddiga Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa ansixiyey dib-u-eegisyadi taagnaa, taas oo horseedday siideynta $350 milyan oo ah deeq horumarineed oo aad loogu baahnaa. Si taas la mid ah, deeq-bixiyeyaal kale ayaa dib u billaabay kabiddii miisaaniyadda ee hakadka galay si loo dabciyo cadaadiska maaliyadeed loona sii wado dadaallada dib-u-habeynta ee loo baahan yahay si loo dhameystiro geeddi-socodka deynt cafinta.

Inta aanan gunaanadin, Mudane Madaxweyne, ii ogolow inaan markale ku celiyo ballanqaadka Qaramada Midoobay inay sii waddo taagerada Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee gaarista yoolashooda qaran. Iyadoo arrintan la eegayo, Dib-u-eegista Istaraatiijiga ah ee UNSOM ayaa gaartay meel heer sare ah. Kooxda Dib-u-eegistu waxa ay Soomaaliya booqdeen bishii Ogoosto waxay wadatashiyo ballaaran la yeesheen saraakiisha dowladda iyo daneeyeyaasha kale, iyaga oo xaqiijinaya in aragtida Soomaalida ay wax ku dari doonto waxbixinta soo socota iyo talo jeedinta loo gudbin doono Golaha.

Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin