QM: Iyadoo saameynta abaarta ay sii xumaaneyso, ayey halista macluusha sii kordheysa Soomaaliya

previous next
28 Mar 2022

QM: Iyadoo saameynta abaarta ay sii xumaaneyso, ayey halista macluusha sii kordheysa Soomaaliya

Luuq/Muqdisho  – Isagoo hortaagan gurigiisa cooshadda ah ee ku yaala kaam dadka soo barakacay oo ku yaala degmada Luuq ee Koonfurta Soomaaliya, ayuu Axmed Xasan Yarow eegayaa haraadiga webiga Jubba isagoo madaxa u ruxaya si quus ah.

"Dhammaan abaarihii aan soo arakay 70-ka sano ee aan noolahay, weli ma arag wax sidan ka daran," ayuu yiri isagoo ku dul fekeraya muuqaalka horyaala.

Mudane Yarrow waxa uu ka mid yahay boqollaal kun oo Soomaali ah oo ay soo barakaciyeen abaarihii ugu dambeeyey ee sii xumaanaya ee dalka ku dhuftey, ee deegaanadooda ka soo qaxay ayagoo raadinaya cunno, biyo iyo hooy. 

Degmada Luuq, oo dhacda gobolka Gedo ee maamul goboleedka Jubbaland, waxaa mara wabiga Jubba. In ka badan saddex bilood, biyihii webigu si joogto ah ayay u sii yaraanayeen, isaga oo ay ku hareen balliyo yaryar oo maroon ah keliya.

Markii ay biyuhu uumi-baxeen, waxaa sidaas oo kale noqotay rajadii dadka deegaanka - oo u badan beeraley iyo xoolo-dhaqato - kuwaas oo noloshooda ku tiirsan tahay wabiga. Qorax aad u kulul hoosteed, iyaga oo ay dalagyadoodii baaba’een, oo ay xoolihiina ka bakhtiyeen, sida Soomaali badan oo dalka daafihiisa ku nool ku dhacdey oo kale, ayey bulshooyinkani waxay ku dhawaadeen heer ay macluul u dhintaan.

“Wax kasta ayaa nooga baaba’ay abaarta,” ayey tiri Salado Madeer Mursaal,  hooyada 28 jirka ah ee hal cunug wadatay, oo iyana sidoo kale kaalmo kasoo raadsadey kaamkan. “Waxaan u baahanahay cunno, hooy, biyo iyo baahiyaha aasaasiga kale ee bini’aadamka.”

'Khatarta Macaluul'

Iyadoo tobanaan sano oo colaado ah dalku ku jiro, jahawareerka cimilada ee soo noqnoqday iyo cudurro dillaacay, oo ay ku jiraan saamaynta cudurka safmarka ah ee COVID-19, xaaladda bini'aadantinimo ee Soomaaliya ayaa marki horeba ahayd mid aad u xun. Qiyaastii 7.7 milyan qof oo Soomaali ah ayaa horey ugu baahnaa gargaar bini'aadannimo iyo ilaalin sanadkan - taas oo ka dhigan koror boqolkiiba 30 ah laga soo bilaabo sanad ka hor.

Xaaladda ayaa ka sii dartay, iyada oo abaarta sanadkan baabi’isay dalaggi soo go’i lahaa oo xoolihi u dhinteen biyo iyo baad la’aan, iyada oo ay tani bulshooyinkii xoolo dhaqatada ahaa tirtay hashii il-dhaqaale ee ay haysteen.

“Dalka waxaa soo maray saddex xilli roobaad oo xiriir ah oo aanu roob da’in. Kan afraad, oo la filayo inuu bilaabo bisha Abriil oo uu sii socdo illaa Juun, ayaa sidoo kale la saadaalinayaa inuu ka hooseeyo sidii la rabey. Haddii ay taasi dhacdo, markaas waxaan saadaalineynaa khatar macluul,” ayuu yiri Isku-duwaha Arrimaha Bani'aadamnimada ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula.

Iyadoo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha mashaariic wadaagga la ah ay si weyn ugu hawlanaayeen bixinta taageerada bini'aadantinimo. Bishii Feberaayo, waxay iyaga si wada jir ah kaalmo u gaarsiiyeen 1.6 milyan oo qof, waxa aysa iyaga iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ku baaqayaan kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah si loo bixiyo gargaar bini'aadannimo oo degdeg ah.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Isu-duwidda Arrimaha Bani'aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA), Soomaaliya ayaa xilligan ah dalka ugu daran ee ay abaaruhu saameeyeen ee Geeska Afrika. Ilaa 4.5 milyan oo Soomaali ah ayay abaartu si toos ah u saamaysay, waxaana ku barakacay ugu yaraan 700,000 oo qof.

Carruurtu waxay ku sugan yihiin xaalad gaar ah oo aad u nugul.

"Waqti xaadirkan, 1.4 milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay shan sano ayey nafaqo-darro ba'an haysaa, haddii aanan xoojin dadaaladayna, waxaa la saadaalinayaa in 33,000 ka mid ah carruurtaas ay qarka u saarnaa doonaan iney u dhintaan nafaqo darro daran. Xaaladdu ma noqon karto mid intaas ka sii daran,” ayuu yidhi Mr. Abdelmoula, oo sidoo kale ah Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha guud ee bahda Qaramada Midoobay.

"Sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa dhammaan inta awood u leh inay wax bixiyaan, oo ay ku jiraan qurba-joogta Soomaaliyeed, ganacsatada, deeq-bixiyeyaasha joogtada ah iyo kuwa kalaba, qof walba, inuu hadda wax ka qabto xaaladda jirta," ayuu raaciyay. 

Qorshaha Ka-jawaabista Xaaladda Bini'aadannimo ee Soomaaliya ee 2022, Qaramada Midoobay waxay u raadinaysaa ku dhawaad ​​1.5 bilyan oo doollar si gargaar bini'aadannimo loo gaarsiiyo 5.5 milyan oo ka mid ah dadka ugu nugul, oo ay ku jiraan 1.6 milyan oo barakacayaal ah, 3.9 milyan oo aan barakacayaal ahayn, iyo dadka naafada ah.

Si kastaba ha ahaatee, qiyaasti boqolkiiba afar kaliya - $56.1  milyan – ayaa ilaa iyo hadda nasoo gaartey.

Raadinta badbaado iyo hoy

Xeryaha Luuq, waxaa ka jira gargaar iyo huriweyto isku dhaf ah oo ay la kulmayaan barakacayaasha.

 Ka dib maalmood oo ay soo lugeeyeen, Faaduma iyo qoyskeeda, waxa ay soo gaarey kaamka barakacayaasha Boyle ee degmada Luuq. Halkaas, waxay ku biirtay in ka badan 4,000 oo qof oo raadinaya kaalmo.

“Waxa aan nahay beeraley waxaana laheyn xoolo laakiin dhamaantood waxa aan ku weynay abaarta. Wax noo haray ma jiraan waxaana halkan ka soo raadsanay biyo, cunno, hooy iyo caawimaad, ” ayay tiri Faaduma Madeer Mursal, oo ah 39 jir ah hooyada lix carruura

Kaamka Barakacayaasha Boyle ayaa ka mid ah dhowr xero oo ka soo ifbaxday dalka oo dhan iyadoo dadka rajo beelka ah ay u guuraan goobo ay rajeynayaan inay gargaar ka heli karaan.

“Waa arrin halis ah waana mid ka mida musiibooyinka ugu weyn ee ay Soomaaliya maanta wajaheyso. Bulshooyinka soo barakacay ma heystaan wax hooy, biyo, dawo iyo xitaa cunno ah, waxa ayna ku tiirsan yihiin mucaawino. Abaartu waxa ay baabi’isay wax walba, xitaa haddii ayan ku ka badbaaday helin kaalmo beni’aadanimo oo deg deg ah, waxaa suura gal ah in ey sidoo kale dhintaan” waxaa sidaas yiri guddoomiyaha degmada Luuq, Mudane Cali Kadiye Maxamed.

Hay’adaha gargaarka QM waxa ay si dhaw ula shaqeynayaan hay’adaha mashaariicda fuliya ee dagaanka si looga gudbo xaaladda

Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa biyo dhaamin ka waday kaamamka ay ka mid yihiin kaamka barakacayaasha Boyle, iyadoo sidoo kale dhistay taangiyo biyood iyo musqullo yar yar si ay gacan uga geystaan ​​hagaajinta xaaladaha nadaafadda. 

Isbitaalka degmada Luuq, oo ay qayb ahaan maalgeliso Hay’adda Carruurta QM ee UNICEF, hay’adda Qaramada Midoobay waxay la shaqaynaysaa hay’ad samafal oo laga leeyahay dalka Ireland, Trocaire, si loogu daweeyo, quudiyo loona dejiyo carruurta loo keeno nafaqo-darro ba’an. Shaqaalaha Soomaalida ayaa sheegay inay arkeen xaaladda inay ka sii darayso.

“Bishii Janaayo, 62 carruur oo nafaqo-darro hayso ayaa isbitaalkan la keeney. Bishii Febraayo, tirada ayaa gaartay 100, illaa 21-kii Maarso, tiradu waxay gaartey 114,” ayuu yiri madaxa kalkaaliyayaasha isbitaalka, Cabdiraxmaan Maxamed Qaasim. 

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, "Isla marka ay carruurtani soo gaaraan isbitaalka, waxaan siinnaa caano loogu talagalay heerarka 1aad iyo 2aad ee nafaqo-darrada, ka dib marka ay soo kabtaan, waxaan u wareejinaa xarumaha kale ee quudinta halkaas oo ay ka helaan buskud tamar sare leh iyo daawooyinka jirrooyin kasta ee kale."

Dhinaca kale, Luuq, waxa ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) fulinaysa barnaamijyo loogu talagalay dadka nugul, iyada oo taageero nafaqo oo ka hortag iyo dawooyin ah siineysa haweenka iyo carruurta. Hay’adda gargaarka cunnada waxa ay kor u qaadaysaa waxqabadkeeda bini'aadannimo, iyada oo ku taameysa in ay ku taageerto 2.5 milyan oo qof cunto gargaar ah qaybta hore ee 2022. Hase ahaatee – si la mida hay’adaha kale ee QM – waxa ay sidaa sameyn karta oo kaliya haddii ay hesho maalgelin dheeri ah; waxa ay marka u baahan tahay, ilaa $203 milyan oo doollar si loo daboolo gaabiska deeqda dhaqaale.

Mundane Yarow oo kale, ka warqabidda gurigiisa kaamka barakacayaasha ee luuq, arimaha la xiriira deeqda ka-jawaabista xaaladaha beni’aadanimo ee dalka waa kuwo aan dhaweyn, oo arimo waxbarasho ah, kana fog waxa isaga quseeya. Baahiyahiisu, isaga iyo in badan oo ka mida Soomaalida barakacayaasha ah ee wajahaya macluusha waa kuwo aad aasaasi u ah.

“Abaartani waxa aan ku weynay wax walbo oo aan laheyn”, ayuu yiri, “waan ku nafisnay inaan halkan joogno oo ah kaam aan ka heleyno kaalmo laakiin waan isku badanay, waana ku dhibtooneynaa. Cuntada, biyaha iyo hoygaba naguma filna. Waxaa jooga haween badan, duqow iyo carruur nafaqo-darreysan oo jiran, hase yeeshee aan daawo heysan. Wax kasto oo aan ku badbaadi karno ayaan sameyneynaa, waxa aanse u baahan nahay in nala kaalmeeyo.”

* * * * *

Taageerada Qaramada Midoobay ee wax ka qabashada abaaraha ee 25 ka Maarso 2022

 

Sugnaanta Cuntada

• Hay’adda Qaramada Midoobay ee Cuntada Adduunka (WFP) waxa ay kor u qaadaysaa waxqabadkeeda bini'aadannimo, iyada oo ku taameysa in ay 2.5 milyan oo qof ku taageerto cunto gargaar ah qaybta hore ee 2022. Joogteynta iyo kor u qaadista gargaarkan waxa ay suurtagal noqonaysaa oo kaliya haddii gaabiska maalgelinta la xiri karo. WFP waxay ugu baahan tahay $203 milyan oo doollar gargaarka cunto kaliya, lixda bilood ee soo socota.

• Hay'adda Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeraha (FAO) waxa ay dooneysaa inay ku caawiso 635,000 oo qof taageero naf-badbaadin iyo ilaalin hab-nololeed ah - oo ay ku jiraan xawilaad lacageed oo degdeg ah si qoysaska looga caawiyo inay helaan cunto, taageero hab-nololeedka ah si loo ilaaliyo hantida, iyo ololaha daaweynta xoolaha ee dalka oo dhan. FAO waxay u baahan tahay $80.4 milyan si ay u taageerto shaqadan.

 

Nafaqada

• Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) waxa uu hiigsanayaa in 103,000 oo carruur ah uu ka daweeyo nafaqo-xumo ba'an, isla markaana uu gaaro 325,000 haween uur leh iyo kuwo nuujinaya oo ay nafaqo darro heyso. UNICEF waxa ay u baahan tahay in ay soo iibiso 330,000 oo kartoon oo cunto daweyn ah oo diyaar u ah in la isticmaalo bisha June si ay uga fogaato in dhuumaha nafaqeynta ay jabaan, waxa ayna u baahan tahay $12.5 milyan oo ah wax-qabadkeeda nafaqeynta.

• WFP waxa ay sidoo kale bixisaa taageero nafaqo oo ka hortag iyo dawooyin ah oo ay siinayso haweenka iyo carruurta si ay gacan uga geysato ka hortagga iyo daawaynta saamaynta abaarta, laakiin waxa ay si la mid ah u wajahday gaabiska maalgelinta.

 

 

 

 Biyaha iyo nadaafadda

• Si tallaabada degdegga ah loo qaado, UNICEF waxa ay dooneysaa in ay biyo ku siiso lix milyan oo qof biyo-dhaamis muddo 45 maalmood ah.

• UNICEF waxa ay sidoo kale ka taageertaa in bulshooyinka maamulaan oo ay hawlgeliyaan 200 oo nidaam biyo-gelin ah oo ay dayactirto 150 ilo biyood oo istaraatiiji ah; waxa ay 150 dugsi iyo 100 xarumo caafimaad iyo xarumo nafaqayn ka caawinaysaa biyaha, fayadhowrka iyo horumarinta nadaafadda; iyo qodista 20 ceel oo cusub oo laga qodayo degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen. UNICEF waxa ay u baahan tahay US$18 milyan ee wax ka qabashada biyaha iyo fayadhowrka, oo ay ku jiraan tallaabooyinka ka hortagga daacuunka.

• Barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa 21,000 qoys oo haween ay madax u yihiin siiyay ilo biyood lagu kalsoonaan karo.

• Hay'adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay (IOM) ayaa kor u qaadaysa waxqabadkeeda si ay u gaarto in ka badan 255,000 oo qof dhammaadka Maarso, iyada oo biyo dhaamin, qaybinta agabka nadaafadda, iyo dhismaha iyo dayactirka waraha  iyo ceelal gacmeedyada ay ka socdaan 103 goobood oo kala ah Gedo, Galmudug, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose. 

 

 

 

Kahortagga iyo daawaynta cudurrada

• UNICEF waxa ay daryeel caafimaad oo degdeg ah oo naf-badbaadin ah siinaysaa 365,600 qof oo ay ku jiraan 12,000 carruur ah oo ay da'doodu ka yar tahay shan sano jir. Waxaa la dardargelinayaa dadaallada 500,000 oo carruur ah looga tallaalayo cudurrada carruurnimada oo ay ku jirto jadeecada. Qiyaastii  $5.4 milyan ayaa loogu baahan yahay wax-ka-qabadka caafimaadka.

• Si wax looga qabto cudurka daacuunka ee dillaacay, UNICEF waxa ay u soo iibin doontaa 300,000 qoys qalab nadaafadeed waxayna xoojisaa xarumaha daacuunka, waxay qaadi doontaa olole nadaafadeed iyo wacyigelin heer bulsho ah oo lagu beegsanayo lix milyan oo qof, waxayna 30,000 oo qoys u dhisi doontaa musqulo ay wadaagaan qoysaska iyo musqulaha kala gaarka ah ee ragga iyo dumarka.

 

Hoyga iyo agabyada gargaarka aasaasiga ah

• Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa ku kaalmeeyay hawlo naf-badbaadinta ah ee dhinacyada hoyga iyo agabyada gargaarka aasaasiga ah, iyadoo la gaarsiyay 45,000 qofood agabyada aasaasiga ah ama lacag caddaan ah oo loogu talagalay agabyada gargaarka aasaasiga ah; 8,100 qof oo helaya hoy degdeg ah; 12,600 oo qof ayaa lagu taageeray deeqo lacageed.

 

Arrimaha caafimaadka galmada iyo taranka, rabshadaha ku salaysan jinsiga

• Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay (UNFPA) ayaa kor u qaadaya caafimaadka aasaasiga iyo naf badbaadinta ah ee rabshadaha jinsiga ku saleysan (GBV) oo lagu beegsanayo haweenka iyo gabdhaha nugul, barakacayaasha iyo dadka naafada ah ee ay saameeyeen abaaraha. Bishii Febraayo, UNFPA waxa ay 56,000 qof gaarsiisay adeegyada caafimaadka galmada iyo taranka, 23,000 qofna waxa ay heleen ka hortagga iyo wax ka qabashada rabashadaha ku saleysan jinsiga, oo ay ku jiraan Caafimaadka Dhimirka iyo Taageerada Cilmi-nafsiga ee haweenka iyo gabdhaha.