Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo doortay labo Guddoomiye Ku-xigeenno

Cabdiwali Sheekh Ibraahin Muudeey oo u qudbaynaya Golaha Shacabka iyo saxaafadda kadib markii la shaaciyey inuu ku guuleystay tartanka loo galay kuxigeenka koowaad Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee Muqdisho, Soomaaliya, 12-ka Jannaayo 2017-ka. Sawirka QM

12 Jan 2017

Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo doortay labo Guddoomiye Ku-xigeenno

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka ayaa loo doortay Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ka dib doorasho maanta lagu qabtay caasimadda Soomaaliya.

Mudane Muudey ayaa helay 164 cod wareeggii saddexaad ee codaynta, isagoo ka guulaystay mudanaha ay sida adag u tartameen ee Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo helay 93 cod.

Mudane Muudey ma aha qof ku cusub baarlamaanka federaalka, wuxuuna horey u soo noqday Guddoomiye Ku Xigeenkii Koowaad ee baarlamaankii siddeedaad ee dalka.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku guulaystay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad isagoo helay 171 cod halka musharraxii la tartamayay uu helay 88 cod.

Doorashada maanta ayaa soo afjartay waji muhiim ah oo ka mid ah geeddisocodka doorashooyinka Soomaaliya, oo billowday bishii Oktoobar 2016.

Xubnaha u tartamayay kuraasta waxaa ka mid ah Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golha Shacabka ee xilkiisa sii dhammaanayo Jeylaani Nuur Iikar.

“Waxaan rabaa inaan idin xaqiijiyo inaan sida ugu dhaqsaha badan u hawlgali doonno,” ayuu Mudane Muudey u sheegay xildhibaannada, mar uu jeedinayay khudbaddiiisii guusha.

259 ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ayaa codadkooda dhiibtay codaynta lagu dooranayay labada Guddoomiye Ku Xigeen, hal maalin ka dib markiii Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari dib loogu doortay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.