Kaddib sanado badan oo colaado ah, Soomaaliya waxaa ay ku han weyn tahay in ay mar kale noqoto goob loo dalxiis tago

8 Jan 2018

Kaddib sanado badan oo colaado ah, Soomaaliya waxaa ay ku han weyn tahay in ay mar kale noqoto goob loo dalxiis tago

Muqdisho – Hadda ka hor, sanadihii 60-meeyaddii iyo 70-meeyadii, waxaa loo yaqaannay “Jowharta Bad-weynta Hiindiya.” Taasi waxaa ay ahayd ka hor inta aysan dhicin in ka badan labaatan sano oo dagaallo hubka la isu adeegsado iyo xasillooni darro ah kuwaas oo dalxiisayaasha ka eryay Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya, taasina waxaa ay horseeedday in dalxiiska oo kobcayay uu noqdo mid ku kooban xusuus kaliya.

Hase ahaatee, waxaa haatan la wadaa tallaabooyin mar kale iyada iyo dalka intiisa kale looga dhigayo goob ay dalxiis u tagaan dalxiisayaasha xiiseynaya xeebaha, dhaqanka iyo taariikhdaba – tallaabooyinkaas oo aad u sarreeya oo horseedday, in qaybta dalxiiska ee la dayacay oo hadda uun hana qaadaya, loo arko mid keeni karta koboc dhaqaale iyo shaqo.

Rajadaasi ayaa sare loo qaaday bishii Sebteembar kaddib markii Soomaaliya laga dhigay waddankii 157-aad oo xubin ka noqda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalxiiska Adduunka (UNWTO), kaddib kulan guud ee ay hay’adda ku yeelatay magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha.

Sida ay sheegtay hay’adda UNWTO oo ah hay’ad ka caawiso goobaha loo dalxiis tago in ay isku diyaariyaan suuqa dalxiiska adduunka. Koboca dalxiiska waddamada horumaray ayaa waxaauu horseeday faa'iidooyin isugu jira mid dhaqaale iyo mid shaqo ee waaxyo badan oo la xiriira – dhismaha iyo beeraha ilaa iyo isgaarsiinta. Waxaa ay intaasi raacisay in dalalka hadda horumaryaa ay gaar ahaan ka faa'iidi doonaan dalxiiska waara iyo tallaabooyinta aritani looga dhabeeyo.

Dagalkii sokeeye ee qarxay 1991-dii ayaa sababay burburka qaybta dalxiiska Soomaaliya ee mar rajo weyn laga muujinayay, 25 sano kaddibna ajaaniibta kale ee booqaasho ku tagay dalku waxaa ay ahaayeen diblumaasiyiin, shaqaalaha gargaarka, ciidamada nabad-ilaalinta ee ka socda Afrika iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah.

In kasta oo ay weli hooseyso, tirada dalxiisayaasha dhabta ah ee ka socda Yurub, Aasiya iyo Mareykanka ayaa dalxiisku sare u kacayay bilihii ugu dambeeyay.

“Hadda waxaa jiraa dad badan oo ku dhiirranaya in ay yimaadaan Soomaaliya. Sanadkii la soo dhaafay kaliya waxaa aan qaabilnay ku dhowaad 40 qof oo aan Soomaali ahayn, oo intooda badan ka socda Yurub,” ayuu yiri Nuur Xasan oo ah howlwadeen dalxiis oo la shaqeeyo shirkadda Socdaalka ee Sahan Hotspot ee ka howlgasha Muqdisho.

Mudane Xasan ayaa sheegay in qaar ka mid ah martidii ugu dambeeysay ay ka socdeen meelo aan la filaneyn, waxaana ka mid ah koox dalxiisayaal ah oo ka socda dalka Shiinaha kuwaas oo dalka yimid bishii Sebteembar 2017-kii.

“Toddobaadkan waxaa na soo gaaray qofkii ugu horreeyay ee u dhashay Singapore ee dalka yimaada, taasina waa arrin ina farxad gelineyso,” ayuu yiri ninkaan ka shaqeeya arrimaha dalxiiska, kaas oo bilaabay in uu ka shaqeeyo qaybta dalxiiska sanadkii 2013. “Waxaa aan qaabilnay dad badan oo ka socda Midowga Yurub, Mareykanka iyo Aasiya.”

 In ka badan 150 shirkado socdaal ah ayaa ka howgalaa guud ahaan dalka, iyada oo shirkado ajaaniib ah oo ka socda Istanbul iyo Nairobi ay duulimaadyo joogta ku yimaadaan caasimadda Muqdisho.

La taliyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda federaalka ah, Yaasir Baafo, ayaa kaalin lixaaad leh ka ciyaaray in dalka lagu daro hay’adda UNWTO, waxaana uu soo bandhigay liiska waxyaabaha soo jiidan kara dalxiisayaasha oo ay Soomaaliya u diyaarisay dalxiisayaasha ajaaniibta ah.

“Markaan eegno meelaha dabiiciga ah, meelaha ay dalxiisayaashu tagi karaan waxaa ka mid ah xeebaha; isla markaasina, waxaa aan leennahay goob ay webiga iyo badda isaga darmaan oo ku talla Goobweyn oo ku dhow Kismaayo. Baydhabo waxaa aan ku leennahay biyo-dhacyo, waxaa aan Bosasso ku leennahay ilo ay ka burqaan biyo kulul. Waxaa aan leennahay godad iyo carro cad,” ayuu xusay.

Dadka Soomaaliyeed ee da’da weyn, waxaa ay xusuusan karaan xilli Muqdisho loo aqoonsanaa mid ka mid ah magaalooyinka ku yaallo qaaradda Afrika ee ugu bilicda quruxsanaa, sawirradii la qaaday 60-meeyadiina ay ahaayeen kuwo xusuutooda ku celinaya xilli ay caasimaddu caan ku ahay waddooyin ballaaran, beero waaweyn iyo dhismayaashii ay taageen guumeystayaashii.

Sanado badan ayay Soomaaliya ku qaadaneysaa in ay noqoto goob dalxiis ku habboon oo la tartami karto dalalka sida Uganda, Tanzania iyo Kenya ee deriska la ah. Balse, wasaaradda federaalka ah ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa, ayaa wadaa qorshaha lagu horumarinayo dalka dibna loogu soo celinayo Soomaaliya khariiddada meelaha loo dalxiis tago ee caalamka.

“Waaxda daxiiska ayaa hadda ah mid si firfircoon u shaqeyneysa, waxaan ka shaqeyneynaa in dadka dalka ku dhaqan ay fahmaan qiimaha ay leedahay waaxdan,” ayuu yiri Mudane Baafo. “Soomaaliya waxaa ay diyaar u tahay in ay caalamka soo dhaweeyso, Soomaaliya waxaa ay diyaar u tahay in ay martigeliso xafladaha iyo shirarka qaaradda ka dhaca.”