Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo aqoon ku saabsan diiwangelinta xisbiyada siyaasadda kororsatay

12 Jul 2017

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo aqoon ku saabsan diiwangelinta xisbiyada siyaasadda kororsatay

Nairobi – Xoojinta awoodda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu u leeyahay diiwaangelinta iyo maareynta xisbiyada siyaasadda ee Soomaaliya ayaa ah mowduuca diiradda lagu saarayo shir seddax maalmood socon doono ee shalay ka furmay Nairobi, dalka Kenya.

Khabiirro takhasuus dheeraad ah u leh arrimaha doorashooyinka ee ka kala yimid Afrika iyo Bariga Dhexe iyo kuwa ka socdo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa soo bandhigay aqoontooda ku aaddan waxyaabaha loo baahan yahay si loo diiwaangeliyo xisbiyada siyaasadda, u kuurgelidda heerka caalamiga ee is reebreebka musharraxiinta, iyo la socodka halka ay ka soo xaroodaan dhaqaalaha loo adeegsado ololaha doorashada.

“Kulankan waa mid aad muhiim noo ah markii la eego waajibaadkeenna dhanka diiwaangelinta iyo nidaaminta xisbiyada siyaasaddda oo qayb ka ah geeddi-socodka doorashada. Waxaan dooneynaa in aan wax ka baranno oo aan aqoon ka kororsanno qaybo kala duwan ee adduunka,” ayay Xalima Ismaaciil Ibraahim oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashada, ka tiri shirkan ay qabanqaabiyeen UNDP, UNSOM qaybteeda Guddiga Farsamada ee Doorashada  iyo Ururka Guddiyada Maareynta Doorashooyinka Carabta.

“Kulankan dhammaadkii, waxaan dooneynaa in aan ka jawaabno dhammaan su’aaaha la xiriira geeddi-socodka doorashada – lacagaha ay bixinayaan xisbiyada siyaasadda, xubin ka mid ahaanshaha, iyo waxyaabaha kale ee loo baahan yahay.”

Xalima ayaa ka faallootay guulaha uu guddiga ay guddoomiyaha ka tahay gaaray tani iyo markii la aasaasay bisha Luulyo ee 2015. “Waxaan dhammeystirnay qorshaheenna istaraatijiyadeed ee shanta sano kaas oo ka kooban ajeendooyinka guddiga ku hagi doono howlihiisa, waxaanna qorsheynay howlaheenna oo ay ka mid yihiin howlgelinta iyo in aan xiriir la sameyno maamul goboleedyada,” ayay tiri.

Waxaa ay intaasi ku dartay in guddiga uu sameeyay howlwadeennada guddiga oo ka kooban 28 shaqaale, iyo sidoo kale in uu sameeyay xafiiska diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda. Waxaa sidoo kale la sameeyay guddi isku xidhka ah ee ka kooban shan xubnood ee u qaabilsan isku xidhka Guddiga iyo xisbiyada siyaasadda ee cusub.

Gerald Mitchel, oo ah Agaasimaha Guddiga Taageerada Caalamiga ee Doorashada ayaa hadal uu ka jeediyay shirka waxaa uu sheegay in xisbiyada siyaasadda ay muhiim u yihiin geeddi-socodka dimuqraaddiyadda – waana sababta uu guddiga uu ka socdo uu Guddiga Doorashada Soomaaliya ka caawinayo in uu ka guul gaaro waajibaadkiisa. “Kani waa shir taariikhi ah ee hal meel la isugu keenay waayo aragnimada waddamada Carabta iyo waddamada kale ee caalamka ee ku aaddan sida ay xisbiyada siyaasadda muhiim ugu yihiin dimuqraaddiyadda,” ayuu yiri.

“Sidaa darteed waa fursad aad muhiim u ah Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya in uu kororsado aqoonta iyo waayo aragnimada loo baahan yahay si uu u qabto doorasho heer caalami ah,” ayuu ku daray.

Badrieh Al-Bilbisi oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Guddiyada Maareynta Doorashooyinka ee Carabta, ayaa sheegtay in ururka ay madaxa ka tahay uu la shaqeyn doono Guddiga Doorashada Soomaaliya si loo xaqiijiyo in uu hirgelay waxyaabaha ka soo baxay siminaarka.

Siminaarka waxaa uu waafaqsan yahay hadafka uu leeyahay Ururka Guddiyada Maareynta Doorashada Carabta, oo uu ujeedkiisu yahay in uu wanaajiyo wada-shaqeynta waddamada xubnaha ka ah, iyo in uu noqdo meel la isla wadaago macluumaadka iyo hababka ugu habboon; waa labo shey oo muhiimad gaar ah u leh kulanka Guddiga Doorashooyinka Qaran. Waxaa uu kan qayb ka yahay dadaalka loogu jiro in Soomaaliya 2020/2021 ay gaarto doorasho qof iyo cod, waxaana lagu kobcinaya awoodda farsamo ee dhanka maamulidda doorashada uu Guddiga Doorashada Qaran u baahan yahay, si uu awood ugu yeesho in uu si hufan u qabto doorashooyinka si waafaqsan xeerarka Soomaaliyeed iyo heer caalami.

“Waa laga maarmaan in Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu xoojiyo awooddiisa uu ku fulinayo mas’uuliyaddiisa iyo waajibaadkiisa,” ayay tiri Marwo Al-Bilbisi.

Dadka ka hadlay kulanka waxaa ka mid ah Lucy Ndung’u oo ah Madaxa Diinwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Kenya; Aminu Idris oo ah ku xigeenka Agaasimaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Nigeria; Saad Ali Abdali, Madaxa Waaxda Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda ee Ciraaq; Mouldi Ayari, La Taliyaha Baarlamanka Tunisia horeyna u ahaa madaxa Waaxda Ololaha Doorashada ee Tunisia, iyo Anis abu AlSebaa, Madaxa Waaxda Xisbiyada Siyaasadda, Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Filistiin.

Mudane Idris ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu aqoontiisa ku aaddan maareynta doorashooyinka uu la wadaago Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya. “Soomaaliya iyo Nigeria hal shay ayay wadaagaan – labada dal waxaa ay ka soo kabsanayaan dagaallo, waxaa ayna hiigsanayaan dimuqraaddi. Waa muhiim in mar waliba la wadaago waayo aragnimada. Runtii, Guddiga Doorashooyinka ee Soomaaliya faa’ido weyn ayaa ugu jirtaa in ay naga bartaan sida loo dhiso hay’ad doorasho oo xooggan,” ayuu yiri.

Joanne Cheah oo madax ka socda Guddiga Farsamada ee Doorashada ee joogto Muqdisho, Soomaaliya, ayaa tiri in guddiga ay ka socota uu la shaqeeyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran si ay uga caawiso guddiga in uu si qoto dheer u fahmo waajibaadkiisa iyo masuuliyaddiisa. “Guddiga Farsamo ee Doorashada waxaa uu eegaya qaababka loo diiwangelin karo xisbiyada siyaasadda iyo sida looga dhaqangelin karo Soomaaliya. Waxaa ay ku saabsan tahay sida loo sameyn karo habraac doorasho oo habboon iyo xeerar, iyo sida loo xallin karo caqabadaha”.

Kulankan oo la soo gabagabeyn doono maalinta Arbacada waxaa ka mid ah in koox koox loo wada shaqeeyo, bandhigyo, iyo wadahadallo kuwaas oo loogu talagalay in lagu dhaqangeliyo waayo aragnimada guddiyada doorashooyinka waddamada sida Ciraaq, Sudaan iyo Falastiin. Arrinta ku aaddan sida loo hirgelinayo xeerarka si loo xaqiijiyo in ay waafaqsan yihiin xeerka xisbiyada siyaasadeed waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu soo qaadi doono kulanka maadaama ay tahay arrin muhiim u ah hannaanka diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda.