Waa aan haynaa waddadii, waxaa yiri guddiga doorashada Soomaaliya ka siminaar loo qabtay kaddib

previous next
14 Jul 2017

Waa aan haynaa waddadii, waxaa yiri guddiga doorashada Soomaaliya ka siminaar loo qabtay kaddib

Nairobi – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay “mid waxgal ah, oo faa’iido badan” siminaar seddax maalmood ka socday caasimadda dalka Kenya oo shalay la soo xiray, kaas oo looga wada hadlay arrimo la xiriira diiwaangelinta, nidaaminta, maalgelinta iyo la socodka xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Toddoba iyo labaatanka qof ee ka qayb galay tababarka ayaa rajo ka muujiyay in casharrada, waayo aragnimada iyo aqoonta ay kororsadeen ay guddiga doorashada ee dalka ka caawin doonaan in uu sanadka 2020/2021 uu qabto doorasho “qof iyo cod” ah.

“Haa, waxaa aan saarannahay waddada aan uga soo bixi lahayn waajibaadkeenna. Waa bilow wanaagsan,” ayuu yiri Saciid Cali Sheekh oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka, asaga oo jawaab ka bixinayo su’aasha ah in siminaarka uu xoojiyay awoodda guddiga uu Soomaaliya uga qabanayo doorasho dimuqraaddi ah.

Maxamed Cumar oo ah madaxa diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda ee guddiga doorashada ayaa asna sheegay in siminaarka laga faa’iday waayo aragnimada iyo casharrada waddamada Africa iyo dalalka Carabta. “Si tartiib ah, waxaanu gaari doonnaa halka aan hiigsaneyno ee ah doorasho dadweyne.”

Kulanka waxaa isugu yimaaday khabiirro ka kala socda dalalka Kenya, Nigeria, Ciraaq, Falastiin, Tunisia, Sudan iyo kuwo ka socda Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay – Kooxda Isku-dhafka ah ee Taageerada Doorashooyinka ee qayb ka ah Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Soomaaliya. Iyada oo loo marayo habka wada-shaqeynta koox koox ah, bandhigyo iyo wadahadal, waxaa ka qaybgalayaasha tababar laga siiyay arrimaha la xiriira diiwaangelinta xisbiyada, la socodka halka iyo cidda maalgeliso ololaha, iyo u kuurgelidda heerarka caalamiga ah ee is reeb reebka musharraxiinta.

Daadihiyeyaasha siminaarka waxaa ka mid ahaa; Aminu Idris oo ah ku xigeenka Agaasimaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Nigeria; Sacad Al Abdali, madaxa waaxda diiwaangelinta xisbiyada Siyaasadda ee Ciraaq; Mouldi Ayari, La taliyaha Baarlamanka Tunisia horeyna u ahaa madaxa Waaxda Ololaha Doorashada ee isla dalkaasi; iyo Anis Al-Sbaa, madaxa waaxda xibsiyada siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Falastiin.

“Aniga ahaanteyda haddii aan iska hadlo, kulankan waa lagu guuleystay waxaana laga gaaray hadafka la lahaa ee ah in la is dhaafsado lana wadaago aqoonta, khibradda iyo casharrada ku saabsan maareynta geeddi-socodka doorashooyinka,” ayay tiri Badrieh M.A Al-Balbisi, Xoghayaha Guud ee Ururka Guddiyada Doorashooyinka ee dalalka Carabta, (oo ah urur ay ku bahooween guddiyada doorashooyinka toban waddan oo Carbeed ay ku jirto Soomaaliya) oo soo qabanqaabiyay tababarka.

“Waxaan wadaagnay waayo aragnimo kala duwan ee ku aaddan habraaca iyo dib u habeynta, waxaan sidoo kale bidhaaminnay waayo aragnimada dalalkan iyo guddiyada doorashooyinka. Sidoo kale, waxaan eegnay caqabadaha iyo waxyaabaha xal u noqon kara,” ayay ku dartay Marwo Al-Balbisi. Waxaa ay sheegtay in ururka ay madaxa ka tahay uu diyaar u yahay in uu sii saacido Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka si uu uga soo baxo waajibaadkiisa ee looga fadhiyo Soomaaliya.

Xalima Ismaaciil Ibraahim oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo hadal jeedisay gabagabada siminaarka ayaa ugu mahadcalisay Ururka ay ku baahooween Guddiyada Doorashooyinka waddamada Carabta iyo Kooxda isku-dhafka ah ee Taageerrada Doorashooyinka qabanqaabinta iyo maalgelinta tababarka.

Gerald Mitchell, Agaasimaha Kooxda isku-dhafka ah ee Taageerada Dooraashooyinka, ayaa ku tilmaamay tababarkani “kulan taariikhi ah”, oo si toos ah la isku dhaafsanayay lana wadaagayey fikradaha, waayo aragnimada iyo casharrada. “Waayo aragnimo aad qaali u ah ayaa laga faa’iday dalalka Carabta iyo kuwa Afrika. Diiwaangelinta xisbiyada siyaasadeed waa tallaabo aad muhiim ugu ah in la gaaro doorasho qof iyo cod,” ayuu xusay, asagoo sheegay in uu rajeynayo tababarro kan la mid ah mustaqbalka.

Sacad Al-Abdali, madaxa waaxda diiwaangelinta xisbiyada Siyaasadda ee Ciraaq waxaa uu sheegay in siminaarkan laga gaaray hadafka laga lahaa ee ahaa in laga caawiyo guddiga doorashada ee Soomaaliya in uu xoojiyo awooddiisa dhinaca maareynta diiwaangelinta iyo la socodka xisbiyada siyaasadeed ee dalka, iyo maalgelintooda. “Xeerarka doorashooyinka iyo siyaasadda u yaallo dalka Soomaaliya waxaa ay la mid yihiin kuwa u yaalla dalka Ciraaq. Waxaa aan waayo aragnimo weyn ka haysannaa Ciraaq, waana taas waxaa aan u nimaadnay in aan la wadaagno dadka Soomaalida.”

Siminaarka waxaa uu bixiyay fursad muhiim ah oo la isku dhaafsado, lana wadaago fikradaha, khibradda iyo casharrada. 

“Waxaa aan ku heshiinnay siminaarka inta uu socday in aan si joogta ah u caawinno Guddiga Doorashada Madaxa Bannaan xilli kasto oo ay noo baahdaan,” ayuu ku daray Mudan Al-Abdali. Ka qaybgalayaasha ayaa ku boogaadiyay daadiyeyaasha aqoonta ay la wadaageen inta uu socday siminaarka, iyaga oo sheegay in tababarkani uu in badan ka caawin doono xoojinta hay’adaha dimuqraaddiyadda ee Soomaaliya.