Haweenka Soomaaliyeed oo difaacaya qaanuunka jinsiga

5 Oct 2016

Haweenka Soomaaliyeed oo difaacaya qaanuunka jinsiga

Haweenka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la joojiyo siyaasadaynta qaanuunka jinsiga ee 30 boqolkiiba.

Haweenka ayaa ku eedeeyay kuwa ka soo hor jeeda qoondada haweenka in ay siyaasadeynayaan arrinta si ay uga hor istaagaan haweenka saamigooda xaqa ah ee ay ku leeyihiin kuraasta baarlamaanka, walow taageero laga helay dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Danjireyaal Sharafeedka Haweenka, oo ah guddi u ololeeya arrimaha haweenka, Marwo Batuula Axmed Gabale, ayaa sheegtay in qoondada 30 boqolkiiba ee loo qorsheeyay haweenka ay tahay mid waaqici ah maadaama ay haweenku yihiin aqlibiyadda dadweynaha Soomaaliyeed.

“Waxay ka soo hor jeeddaa horumarka Soomaaliya, waxaana aaminsan ahay in ay ka soo hor jeeddo Dowladda Soomaaliya. Haweenka Soomaaliyeed waxay qayb ka yihiin bulshada waxayna u qalmaan in ay helaan shaqooyin, ka qaybgalaan siyaasadda iyo in ay qaadaan mas’uuliyado dastuureed si ay ugu adeegaan dalka,” ayay raacisay guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed.

Haweenka ayaa sidoo kale taageero ka helay ragga Soomaaliyeed, kuwaas oo ugu baaqay ergada kooxaha doorashooyoinka, ee u xil saaran soo xulista xubnaha baarlamaanka ee doorashooyinka soo socda, in ay tixgeliyaan haweenka musharraxiinta ah.

Xubin ka tirsan Guddiga Danjireyaal Sharafeedka, Xasan Axmed Saadiq, ayaa sheegay in haweenku ay qalqaalo ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen qoondada 30 boqolkiiba maadaama Soomaaliya ay tahay bulsho hab-maamulkeeda bulsho uu raggu awoodda iyo maamulku leeyahay, kaas oo ka hor istaagaya haweenka in ay saamigooda xaqa ah ka helaan baarlamaanka.

Saadiq ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in shisheeye ay dabada ka riixayaan ololaha la doonayo in 30 boqolkiiba kuraasta baarlamaanka loo qoondeeyo haweenka.

“Waa halgan ay wadaan haweenka Soomaaliyeed. Waa haweenka cidda waydiisatay ragga (qoondada), ragguna waa ay aqbaleen. Beesha caalamka sinnaba uguma lug laha arrinta,” ayuu xusay Saadiq.

Wuxuu sheegay in qoraal dhowaan ka soo baxay Hay’adda Culumada Soomaaliyeed, oo ka soo hor jeeday qaanuunka jinsiga ee 30 boqolkiiba, uu xaqiijiyay in loo baahan yahay sameynta dadaal dheeraad ah si loo ilaaliyo xuquuqaha ay haweenku leeyihin.

Marwo Caasho Siyaad oo ka socotay Hindisaha Hoggaanka Haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in uusan ololahan ahayn mid hadda billowday balse uu soo socday tan iyo sanadkii 2000 xilligaas oo shir lagu qabtay Jabuuti lagu go’aamiyay in loo halgamo xuquuqda haweenka. Waxaa xigay kulamo lagu qabtay Garoowe oo iyagana lagu go’aamiyay in loo ololeeyo sidii haweenku u heli lahaayeen matalaad 20 boqolkiiba ah, ka hor inta aan laga dhigin 30 boqolkiiba sanadkii 2012.

Caasho waxay sheegtay in markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya 25 sano ka hor, in dadka ay saamaynta ugu badani soo gaartay ay ahaayeen haweenka iyo carruurta. Waxay sheegtay in haweenku ay ku khasbanaadeen in ay deberaan qoysaskooda oo ay nimankooda ku jiraan.

“Haddii carruurta iyo haweenka ay ahaayeen dadka ay saamaynta ugu badani ka soo gaartay colaadda, haatan oo dib loo dhisayo dalka, waa in dadka ay dhibaatada ugu badani soo gaartay (haweenka) ay door ka ciyaaraan arrimaha dalka,” ayay raacisay mas’uulkan ka socotay Hindisaha Hoggaanka Haweenka Soomaaliyeed.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa qalqaalo ugu jira sidii ay u heli lahaayeen qoondada 30 boqolkiiba ee ay ku leeyihiin labada aqal ee baarlamaanka marka la gaaro doorashooyinka qorshaysan in ay dhacaan ka hor dabayaaqada sanadka.