QM waxaa ka go'an in ay Soomaaliya ka caawiso wax-u-qabashada '‘dadkeeda’

20 Feb 2024

QM waxaa ka go'an in ay Soomaaliya ka caawiso wax-u-qabashada '‘dadkeeda’

New York – Soomaaliya waxaa ay weli tahay mid adkeysi leh, waxaana sii xoogeysanaya sida ay Dowladda Federaalka uga go'an tahay dowlad-dhiska laakiinse dadaal badan ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in la joogteeyo guulaha ay ka gaartay la dagaalanka falaagada argagaxisada ah, Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan dalka ayaa sidaa u sheegthay Golaha Amaanka maalintii Isniinta. 

Catriona Laing, oo sidoo kale ah madaxa Hawlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa danjirayaasha u jeedisay warbixin kooban oo taabanaysa waxyaabihii ku soo kordhey sideed arrimood, oo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga, ka-qaybgalka siyaasadda ee haweenka, iyo arrimaha bani’aadamnimada.

Waxay muujisay “taageerada hagar la'aanta ah ee ay QM la daba taagan tahay ajandaha dowlad-dhisidda” Soomaaliya, iyadoo hoosta ka xariiqday in taageerada Golaha ay udub-dhexaad u tahay guusha waddanka.

Horumar la taaban karo

UNSOM ayaa la shaqeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada si ay u taageerto dib-u-heshiisiinta qaranka oo ay u bixiso talo istiraatiiji ah iyo mid siyaasadeed oo ku saabsan arrimaha sida nabad-dhiska iyo dowlad-dhiska, iyo hawlaha kale ee loo xilsaarey. 

Ciidamada Midowga Afrika (AU) ee dalka ku sugan, ATMIS, ayaa ku guda jira in ay ciidamadooda dhimaan. Soomaaliya waxaa ay codsatey hawlgal cusub oo Midowga Afrika leeyahay, oo diirradda saarayo ilaalinta, iyo sidoo kale in taageerada saadka QM la kobciyo si loogu xoojiyo awoodda iyo nidaamyada qaranka.

Ms. Laing waxay sheegtay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay horumar la taaban karo bilihii ugu dambeeyay ka sameysay hirgelinta waxyaabaha hortebinta leh ee ay mudnaanta siineyso. Qaar ka mid ah “guulahan aadka u waaweyn” waxaa ka mid ahaa dhammeystirka qorshe-hawleedka (roadmap) amniga ee muhiimka ah, ku biirista urur goboleedka Bulshada Bariga Afrika (East African Community), iyo xaqiijinta in laga qaado cunuqabeyntii hubka ee uu ku soo rogay Golaha Amaanka

‘Dhacdooyin naxdin leh’ 

Si kastaba ha ahaatee, 2024 ayaa ugu bilowday xaalad adag “bahda QM” ee Soomaaliya ku sugan, oo wada in ay ka shaqeyso xaqiijinta in ay si nabad ah ku soo noqdaan hawlwadeennadii saarnaa diyaaradda qumaatiga u kacda ee sida la sheegay ay qabsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab 10-kii Jannaayo.   

Maalintii ku xigtay, xubin ka tirsan Ciidanka Ilaallada Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay weerar aan toos ahayn oo ay Al-Shabaab ku soo qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho. 

“Inkastoo dhacdooyin naxdin leh ay jiraan, haddana waxaannu diiradda saarnaa in aan Soomaaliya ku taageernoajandaheeda saxda ah ee sannadka soo socda,” ayay Golaha u xaqiijisay. 

Joogteynta xiisaha, heshiis la gaaro 

Dhinaca siyaasadda, Ms. Laing waxay sheegtay qaabka doorashada cusub ee la soo-jeediyay in si xooggan looga sii doodayo. Taageero ballaaran oo ay shacabku u hayaan u gudbidda doorashooyinka hal-qof iyo hal-cod ayaa sidoo kale la yimid in laga dheregsan yahay in waqtiyada la soo jeediyay ay yihiin kuwo xaqiijintoodu fududeyn.   

QM waxay maamullada kala shaqeynaysaa diyaarinta qorshe caqligal ah oo xaqiijinaya in la joogteeyo xiisaha loo qabo in loo gudbo doorashooyin hal-qof iyo hal-cod ah.  Hay'adda caalamiga ah waxay sidoo kale soo dhaweysay ansaxinta uu Baarlamaanku ansaxiyay xeerarka habraaca wax-ka-beddelka dastuurka. 

“Waxaa hadda degdeg loogu baahan yahay in heshiis wada-oggol ah laga gaaro guud ahaan qaabka (shuruucda). Marka la eego dastuurka, waxaan dhinacyada oo dhan ku dhiirrigelinaynaa in ay isu-tanaasul sameeyaan si hannaanka loo dhammeystiro,” ayay tiri. 

“Haddii aan la helin dastuur heshiis lagu yahay, Soomaaliya waxay weli u sii nuglaanaysaa xasarad ma-dhammaato ah haddaan la helin xeerar la isku raacsan yahay oo lagu wada dhaqmayo si xal loo gaaro.”

Heshiis muran badan dhaliyay 

Iyadoo ka hadlaysa waxyaabihii ku soo kordhey gobolka, ayay Ms. Laing waxay golaha u sheegtay Heshiis Is-Afgarad ah/morandum of Understanding (MoU) oo bishii la soo dhaafay ay ku dhawaaqeen Itoobiya iyo “Soomaalilaan”, oo ah gobol ku yaalla waqooyiga oo gooni u goosadka ku dhawaaqay. Heshiiska ayaa sida la sheegay waxaa Itoobiya 50-sano laga kiraynayaa 20-kilimitir oo marin-badeed ah oo looga beddelanayo faa'iidooyin siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale. 

In kastoo faahfaahinta heshiiska is-afgaradka oo dhammeystiran aan la haynin, hadallo fagaareyaal laga sheegey ayaa wuxuu Soomaaliya ka dhex dhaliyay falcelinno dhiillo ka muuqato, ayay tiri.  Waxaa intaa dheer, kooxda Al-Shabaab ee argagaxisada ah in ay xaaladdan ugaga faa'iideysanayso in ay askar ku qoroto – oo ah wax abuuraya welwel.  

“Waxaan aqoonsanahay in dareenka xooggan ee Soomaaliya ka jira uu cadaadis Dowladda ku saarayo in ay jawaab ka bixiso falka, waxaanna Madaxweynaha ku dhiirrigelinaynaa in uu jawaabta uu bixinayo ay ahaato mid laga fekerey oo aan lagu degdegin,” ayay tiri Ms. Laing.

“Waxaan ku celinayaa hadaladii Xoghayaha-Guud oo xusay in Golaha Amaanka uu si isdaba-joog ah marar badan u caddeeyey inuu qadarinayo gobannimada, midnimada dhuleed, iyo mid-ahaanshaha Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay in dhammaan dhinacyadu ay yeeshaan wadahadal nabadeed oo waxtar leh kana fogaadaan fal ama hadallo kasta oo xiisadda sii kiciin kara.”

La-dagaalanka Al-Shabaab

Dhanka kale, la-dagaalanka Al-Shabaab ayaa weli ah mid ka mid ah mudnaanaha ugu sarreeya ee Dowladda, maamulladana waxay hadda isu-diyaarinayaan in ay dib u bilaabaan hawlgallo baaxad-weyn ka-dib markii roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ay dabayaaqadii sannadkii 2023 carqaladeeyeen hawlgalladii socday.

Waxaa jiray horumar wanaagsan oo laga gaarey xasilinta goobaha dhowaan dib loo xoreeyey, gaar ahaan talinta sharciga, maamulka, dib-u-heshiisiinta, iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah waxayna bah-wadaagta ku dhiirrigelisay in ay taageeraan barnaamijyada QM ee laga hawlgaliyay goobahan. 

Mas'uuliyadaha amniga ee lagu wareejiyay maamulladan bishii Disembar ayaa waxay sidoo kale Soomaaliya u ahayd guul muhiim ah oo astaan u ah, wajiga labaad ee dhimista ciidamada ATMIS ayaa lagu guulaystay in si buuxda loo dhammeystiro dhammaadkii bishii Jannaayo, inkastoo uu dib-u-dhac jiray. 

Maaddaama uu hadda socdo qorshaha hawlgal uu Midowga Afrika hormuud ka yahay oo cusub, Ms. Laing waxay sheegtay in qorshayaasha dhimista ciidamada loo baahan karo in dib loo eego si loo saamaxo in si habsami leh loogu gudbo ciidamo cusub iyo si looga hortaggo in amniga uu gacanta ka baxo.

Qaddarinta kootada haweenka 

Metelaadda iyo ka-qaybgalka siyaasadda ee haweenka  ayaa weli caqabad weyn ah, qaramada midoobay waxay wadaa in ay taageerto dadaallada lagu gaarayo kootada boqolkiiba 30 oo ay haweenku ku yeelanayaan xildhibaannada.

Ms. Laing waxay la kulantay hoggaamiyayaasha haweenka ah kuwaas oo carrabka ku adkeeyay in ugu yaraan boqolkiiba 30 ay tahay in lagu qoro dastuurka hadda dib-u-eegistiisu socoto. Waxay sidoo kale ku nuux-nuusadeen taageerada xooggan ee ay u hayaan doorashooyin hal-qof, hal-cod ah, waxayna si xooggan uga soo horjeedaan Heshiiska Is-afgaradka (MOU), iyagoo ka digay in ay suuragal tahay in uu u horseedo colaad saameyn dheeri ah ku yeellan karto haweenka iyo gabdhaha.

Waxay Goluhu u sheegtay in dhibaatada bani'aadamnimada ee Soomaaliya ay tahay mid ba’an.  Sannadkii la soo dhaafay waxaa dhacay abaartii ugu xumeyd ee soo marta muddo tobannaan sano ah, waxaanna ku xigay roobab mahiigaan ah iyo fatahaado waaweyn oo saameeyay in ka badan 2.4 milyan oo qof. 

Qorshaha bani'aadamnimada ku kacaya 1.6 bilyan ee sannadkan ayaa loogu talagalay in lagu taageero 5.2 milyan qof oo ah dadka ugu nugul. Inkastoo ay tani u dhiganto ku dhowaad hoos-u-dhac boqolkiiba 40 ah marka loo eego tii sanadkii 2023, waxay waafaqsan tahay hab cusub oo bani'aadamnimada looga dhigayo mid mudnaan la siinayo oo si aad ah loo beegsanayo dadka baahida qaba, iyadoo la eegayo maaliyadaha la helayo ee sii yaraanaya guud ahaan caalamka. 

Source: UN News