Xuskii Maalinta QM, ayaa saraakiisha u sarreeya ay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay gacansiinta dadaallada qaran-dhisidda iyo nabad-dhisidda ee Soomaaliya

25 Oct 2023

Xuskii Maalinta QM, ayaa saraakiisha u sarreeya ay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay gacansiinta dadaallada qaran-dhisidda iyo nabad-dhisidda ee Soomaaliya

Muqdisho – Iyaga oo ka hadlaya xuskii Maalinta Qaramada Midoobey ee u dambeeyey, ayaa saraakiisha ugu sarreysa ururkan caalamiga ah u jooga Soomaaliya ay maanta mar kale xaqiijiyeen taageerada ay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin inta uu dalku wado dadaallada ku aaddan qaran-dhisida iyo nabad-dhisidda.

“Sida aad dhammaantiinna wada ogsoon tihiin, waqtigan waxaa dunida ka jira culeysyo aad iyo aad u badan… [oo ay ka mid yihiin] culeysyo ka jira qaaradda Afrika iyo culeysyo kale oo innagu haysta Soomaaliya – laakiin Qaramada Midoobey waxaa ay garab-taagan tahay oo ay diyaar u tahay in ay taageero ka geysato dhammaan culeysyadaas jira,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

“Waxaan Soomaaliya joogney xoriyadii ka hor. Waxaan halkaaan joogney waqtiyo aad u cuslaa oo Soomaaliya soo marey,” ayay raacisey Ms. Laing, oo sidoo kale madax u ah Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya / the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM).

Ergeyga QM ayaa ka hadleysey shir jaraa’id oo lagu qabtey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa weheliyey Ku-xigeennada Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho iyo George Conway, iyada oo kan dambe uu sidoo kale yahay Isuduwaha QM ee Dalka iyo Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada, iyo madaxa Xafiiska QM ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOS), Aisa Kacyira.

Maalinta QM oo sanad kasta loo dabaal-dego 24ka Oktoobar waxaa lagu xusaa sanad-guurada markii uu dhaqangaley Axdiga Qaramada Midoobey sanadkii 1945kii. Ka dib markii ay dokumentigaa ansaxiyeen aqlabiyadda saxiixayaashiisa, ayaa waxaa si rasmi ah u sameysmey Qaramada Midoobey.

“Waa sanad-guuro muhiim ah, waana waqti ay tahay in dib loo cusbooneysiiyo rajo iyo ballanqaad dib loogu dhisayo duni tii hore uga wanaagsan dhammaan waxyaabaha aan ku hamineyno,” ayaa ay tiri Ms. Laing, oo dhowaan ka soo noqotey Xarunta Dhexe ee QM ee Magaalada New York, halkaas oo ay Golaha Amaanka ku siisey waxbixin kooban intii ay u fadhiyeen kulankoodii ugu dambeeyey ee ay kaga arrinsanayeen xaaladda Soomaaliya.

Hadalkii ay warbaahinta ugu jeedisey Muqdisho, ayaa waxaa ay ku soo qaaddey horumar kala duwan oo hadda qayb ka ah waxyaabaha ugu sarreeya ee ay Qaramada Midoobey diiradda ku saareyso Soomaaliya gudaheeda. 

Siyaasadda

Dhinaca siyaasadda, Ergeyga Qaramada Midoobey waxaa ay ku soo qaadey arrimo ku hareerysan Golaha Wadatashiga Qaranka, oo kulmiya hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah.

Bishii Maajo ee sanadkan, ayaa Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa uu soo bandhigey soo-jeedimo gaar ah oo afar ah oo la xiriira hanaan doorasho oo mustaqbalka la adeegsado oo kala ahaa: hanaan madaxtooyo, hannaan laba xisbi, qaab doorasho oo ‘hal-qof iyo hal-cod ah’ oo ka dhaca guud ahaan dalka, iyo waqtiyada la qabanayo doorashooyinka golayaasha degaanka iyo is-waafajinta muddo-xileedka Dowlad-goboleedyada. Soo-jeedimahaa ayaa weli ugu weyn doodaha la xiriira siyaasadda. 

“Waxaan mareynaa waqti xasaasi ah oo aan u baahannahay in aan wada-heshiinno, iyada oo ay Dowladdu hoggaan inoo tahay, [oo aan ka heshiinno] waxa laga yeelayo doorashooyinka, nooca qaab-doorasho ee ay Soomaaliya qaadaneyso, waqtiga la qabanyo, sida ay isugu xigayaan doorashooyinka, iyo dabcan, waa mid aad muhiim u ah ee, in la isku dayo oo Puntland dib loogu soo celiyo geeddi-socodka sababta oo ah aad bey u adkaaneysaa in la dhammeystiro iska daa doorashooyinka ee, guud ahaan shuruucda iyo geeddi-socodka la halmaala dastuur-u-dejinta Soomaaliya,” ayaa ay tiri Ms. Laing.

Waxaa ay carrabka ku adkeysey muhiimadda ay leedahay in la sii wado Geeddi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Soomaaliya.  

“Dastuur la’aan, waxaa dal kasta ku adkaaneysa in uu horey u socdo. Aasaasiyanba Dastuur [waa] ‘xeerarka lagu wada dhaqmayo’ oo lagu maamulayo sida dal loogu dejinayo sharci, loona maamulayo. Dhab ahaanna Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay in dastuurka la dhammeystiro; sida aad og-tihiinba, waxaa weli lagu shaqeynayaa dastuur qabyo ah,” ayaa ay tiri Ergeyga Gaarka ah ee QM.

Colaadda Laascaanood ayaa sidoo kale ku jirtey faalladii ay jeedisey sarkaaladda QM. Waxaa ay xustey in xaaladdu ay weli culus tahay ayna kacsan tahay, inkasta oo xaaladda degaanka ilaa xad ay deggan tahay oo dadkii barakacayna ay bilaabeen in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda.

“Waxaa loo baahan yahay in la xaliyo waxyaabaha gunta u ah ee kicinaya colaaddan, oo sababtey dhimashada tiro dad ah iyo kala qabsashada tiro maxaabiis ah.” ayaa ay tiri Ms. Laing, iyada oo islamarkaa xustey in Qaramada Midoobey ay la xiriireysey dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda.

“Saddexda farriimood waa, midda koowaad, fadlan horumar ka sameeya is-dhaafsashada dadka la kala haysto taas oo lagu dhisayo kalsoonida. Midda labaad, waxaa muhiim ah in uu qof kasta ballanqaado in aanu gacan-ka-hadal kale dhicin, iyo tan saddexaad oo ah, in xal nabadgelyo ku dhisan loo helo dhulka la isku haysto,” ayaa ay hadalkeeda raacisey.

Amniga

Iyada oo ka hadleysa waxyaabaha ku soo kordhey amniga Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee QM waxaa ay xustey in DFS ay dhowaan codsatey in saddex bilood si farsamo ahaan loo hakiyo marxaladdii ugu dambesey ee bixidida ciidamada Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), inta uu socdo dagaal mileteri oo xoogan ay kula jirto kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab. 

“Tani ayaa ka dhalatey markii la aqoonsadey in Dowladdu ay culaysyo kala kulantey sii wadidda dagaalka iyada oo islamarkaana diyaarineysa ciidamo cusub oo ku filan in ay la wareegaan Saldhigyada Furimaha Hore ee ay gacanta ku hayso ATMIS. Waqtigaa ayaa si xikmad ay ku dheehan tahay looga faa’iideysanayaa in sameeyo xoogaa dib-u-habeyn ah, xoogaa dib-ugu-noqosho ah, iyo dib-u-qorsheynta istiraatiijiyadaha mileteri,” ayaa ay tiri Ms. Laing.

Sida ay dhigayaan qorsheyaasha amniga ee Soomaliya, ATMIS waxaa ay bixineysaa ciidamdeeda 14ka bilood ee soo socda ka hor inta aaney gebi-ahaanba bixin dhammaadka 2024ka, iyada oo markaa Ciidamada Amniga ee Soomaaliya ay la wareegayaan mas’uuliyadda amniga. Shir heer sare ah oo ku saabsan qaab-dhismeedka amni ee Soomaaliya wixii ka dambeeya 2024ka iyo waxyaabaha uu u baahan yahay ayaa la qorsheeyey in uu ka dhaco Xarunta Dhexe ee QM bisha Disembar ee sanadkan.

Intii ay ku dhex jirtey arrimaha amniga ayaa Ergeyga Gaarka ah ee QM waxaa ay ka hadashey muhiimadda ay leedahay waxa ka dhaca degaannada Ciidamada Amniga Soomaaliya ay ka saaraan argagaxisada Al-Shabaab. 

“Waxaa muhiim ah in la xuso in degaanno laga qabsado Al-Shabaab ay, dabcan, tahay hal tallaabo oo keliya, inkasta oo ay tahay tallaabo aad muhiim u ah. Degaannadaas ayaa loo baahan yahay in la xasiliyo, oo dadkuna ay arkaan faa’iidooyinka laga helayo dib-u-soo-noqoshada dowladda si ay dadka u siiso adeegyo awood u siiya in ay kobocdo maciishaddooda, in la hirgeliyo caddaalad – hawsha noocaas ahna waxaa loo yaqaannaa xasilin. Qaramada Midoobey ayaa bixineysa madashii la isugu duwi lahaa xasilinta. Aad bey muhiim u tahay in la adkeeyo guulahaa dhinaca amniga ah. ayaa ay tiri. 

Hadalkii ay u jeedisey warbaahinta, ayaa Kaaliyaha Xoghaya Guud Kacyira waxaa ay sheegtey in UNSOS ay rajeyneyso in ay sii waddo taageero kala duwan oo xooggan oo ay siiso ATMIS iyo Ciidanka Amniga Soomaaliya guud ahaan inta ka dhiman waqtiga ay ATMIS ku sugan tahay Soomaaliya, iyada oo diiraddana la saarayo in Ciidanka Amniga ee Soomaaliya laga tago iyaga oo si wanaagsan ugu diyaar-garoobey mas’uuliyadahooda.

“Muhiimad weyn ayaa ay leedahay in la tababaro si habboonna loo qalabeeyo – annaga oo u mareyna Sanduuqa Amaanada ah ee UNSOS ay maamusho ee lagu taageerayo Ciidamada Amniga Soomaaliya, waxaan aad ugu dadaali doonnaa in aan hirgeliyo waxyaabaha ay mudnaanta siisey Dowladda Federaalka ee la halmaala arrintan. Tusaale ahaan, annaga waxaan Ciidamda Amniga Soomaaliyeed ku tababareynaa hawlgelinta waaxda duulista, amniga duulista iyo caafimaadka, soo-saarista iyo maareynta culuunta kale ee la xiriira adeegga/saadka. Ayaa ay tiri.  

Taageerada adeegga/saadka ee UNSOS ay waddo guud ahaan inta lagu jiro kalaguurka amniga waxaa ka mid ah in Saldhigyada Furimaha Hore ee ATMIS lagu wareejiyo Ciidanka Amniga ee Soomaaliya, iyada oo sidoo kale lagu wareejinayo qalabka yaalla goobahaas. Qalabkaa la soo sheegey waxaa ka mid ah dar-biyoodyo, dab-dhaliyeyeyaal iyo qalabka lagu nadiifiyo biyaha.

“Waxaas oo dhan waxaa loo sameynayaa si loo dhiso kartida loona joogteeyo hawlgallada iyo taageerada amniga,” ayaa ay intaa raacisey Kaaliyaha Xoghayaha Guud. “Inta aan ku dhex jirno kala-guurkan, waxaan jeclaan lahaa in aan fursaddan uga faa’iideysto in aan sheego in UNSOS ay weli ka go’an tahay in ay ka soo baxdo kaalinteeda iyada oo hawl-fududeeye istiraatiiji ah u ah macaamiisheeda, ugu dambeyna ay ugu faa’iideeyso Soomaaliya.”

Haweenka

Markii ay ka hadleysey taageerada QM ay siineyso kordhinta sida ay haweenka Soomaaliyaa uga-qaybqaataan amniga, oo ay ku jiraan geeddi-socodyada nabad-dhisidda iyo go’aan-qaadashada, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee QM waxaa ay carrabka ku adkeysey in haweenku ay door muhiim ah ka ciyaaraan amniga, iyo in aaney jiri karin nabad waarta haddii aan haweenka ku lug lahaan xallinta xiisadaha salka u ah iyo waxyaabaha sababa colaadda.

“Waxaa si toos ah ra’yigooda uga dhegeystey hoggaamiyeyaal haween ah oo badan oo ku sugan Soomaaliya – haween dhiirran oo u istaaga xuquuqda haweenka, oo wada hawl aan looga horreyn – waxaana ay si adag anniga iyo kooxdeyda noogu dhiirrigeliyeen in aan sii wadno in aan Dowladda, Baarlamaanka iyo ciddii kaleba aan kala hadalno muhiimadda ay leedahay in haweenka ay kaalinta ay xaqa u leeyihiin ay ku lahaadaan dhammaan miisaska ugu sarreeya, marka lagu daro kan siyaasadda oo aad muhiim u ah, sababta oo ah haweenku waxaa ay u baahan yihiin in ay arkaan haween kale oo haya doorar xooggan oo hoggaamin siyaasaded,” ayaa ay tiri Ms. Laing. “Dhammaanteenna aan ballanqaadno in aan ka wada-shaqeyno si aan u sii wadno hubinta in haweenku ay kursigoodii ay xaqa u lahaayeen ay kaga fariistaan miiska.”

Sarkaalka sare ee QM waxaa ay sidoo kale sharaxdey muhiimadda ay leedahay xaqiijinta yoolka la beegsanayo ee ah in haweenku ay ugu yaraan 30 boqolkiiba ka helaan kuraasta baarlamaanka “si loo kala gooyo meertada, si tiro haween dad ku filan ay u soo fariistaan miiska, si haweenku ay u matalaan fikradaha iyo xuquuqda haweenka kale.”

Geeddi-socodkii ugu dambeeyey ee doorashada ee Soomaaliya, kootada haweenka ee 30 boqolkiiba ah lama xaqiijin. Boqolleyda kama-dambeysta ah ee tirada ay haweenku ka heleen kuraasta baarlamaanku waxaa ay ahayd keliya 21 boqolkiiba, taas oo ka hooseysa 24 boqolkiiba oo ay ka heleen meertadii doorasho ee la qabtey 2016kii. 

Xuquuqda Aadamaha

Marka ay timaaddo arrinta xuquuqda aamaha ee Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee QM waxaa ay soo dhoweysey guulihii dhinaca sharci-dejinta ee dhowaan la xaqiijiyey, sida ansaxintii Dowladda Federaalku ansaxisey Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Naafada, Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta iyo Hindise-sharciyeed Garsoorka Carruurta. 

“Arrin muhiim ah oo ka jirta Soomaaliya waa da’da carruurnimada. Markii ugu horrey abid hadda waxaan jira siyaasad lagu xaqiijinayo da’da, taas oo ah habraacii rasmiga ahaa ee ugu horreeyey ee lagu daraaseynayo da’da ee dalku lahaado si loo xaqiijiyo in  ilmaha carruurta ah uu dhab ahaan yahay qof ka yar 18 sano. QM ayaa taageero farsamo siisey dhammaan hindise-sharciyeedyadan,” ayaa ay tiri Ms. Laing.

“Laakiin weli wax badan ayaa harsan,” ayaa ay hadalkeeda raacisey. “Haddaba, tusaale ahaan dhinaca da’da ilmaha carruurta ah, tallaabada xigta waa in la is-waafajiyo dhammaan shuruucda iyo siyaasadaha jira si qaab rasmi ah loogu dhexgeliyo in ilmo carruur ah uu yahay qof ay da’diisu ka yar tahay 18 sano, taasina waxaa ay saameyn ku leedahay waxyaabo kale sida guurinta carruurta, da’da uu ilmo si sharci ah ugu biiri karo mileteriga, iyo wixii la mid ah. Sidaa daraaddeed taasi dhab ahaantii waa tallaabo muhiim ah oo tan ku xigta.” 

Sharaxaaddii ay warbaahinta siisey, ee la xiriirtey Hindise-sharciyeedka Naafada, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah Gbeho ayaa xustey taageerada ay Qaramada Midoobey siineysey Hay’adda Naafada Qaranka labadii sano ee la soo dhaafey – oo ay ka mid tahay taageero ay ka siisey sahankii ugu horreeyey abid ee la halmaala baahiyaha iyo fikirka laga qabo naafada. 

“Waxaan ka taageerney sameynta sahan la xiriira fikirka ay dadku ka qabaan naafada, si ay u fahmaan arrimaha haysta dadka naafada ah ee ku nool Soomaaliya,” ayaa ay tiri. “Markii aan ku jirey iskuulka, waxaan lahayn barafasoor waxaana uu inoo sheegi jirey hadalkan: ‘Haddii aadan cabbiri karin, ma maareyn kartid.’ Haddii aanan fahmin culeysyada haysta dadka naafada ah, ma jiri karto si aan Dowladda uga caawin karno in ay xalliyo arrimahaan.”

Bishii Agoosto 2019kii, ka dib wada-tashiyo iyo u-qareemeyn ballaaran oo la sameeyey, ayaa DFS waxaa ay ansaxisey Heshiiska QM ee Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Naafada ah. Dardartaan cusub ayaa keentey in la dedejiyo habka qaran, iyada oo la dhisey Hay’adda Naafada Qaranka sanadkii 2021kii. Ka dibna Hay’adda Naafada Qaranka ayaa hoggaamisey oo wada-tashi dad kala yeelatey qorista Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Naafada oo la faafiyey bishii Luuliyo 2023.

Inkasta oo mar dhow la aasaasey, haddana Hay’adda Naafada Qaranka waa hay’ad si buuxda u shaqeyneysa oo UNSOM ayaa ahayd cidda ugu weyn ee bahwadaagta la ah ee gacan ka siisey karti-dhiskeeda, fududeynta maaliyad-ka-helidda deeq-bixiyeyaasha iyo taageero farsamo.

Mowduuca xoriyatul-qowlka ee qaybta ka ah xuquuqda aadanaha, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey – Laing – waxaa ay muhiimaddiisu ku soo qaaddey ururkan caalamka ku mideysan yahay hortiisa.

“Mowduucan waa mid aan si dhow ula soconno. Waxaan diyaarinney saddex warbixinood oo ku saabsan hubinta in Dowladdu ay ka soo baxdo waajibyaadyada ka saaran hubinta in dhammaantiin suxufiyiin ahaan aad si xor ah u qabsan kartaan shaqadiina una soo warrami kartaan si dadku ay u fahmaan waxa socda adinka oo aan la kulmin wax cabsigelin ah,” ayaa ay tiri Ms. Laing.

Xuquuqda xoriyatul-qowlku waa xuquuq aadami ah oo aasaasi ah, oo uu dhigayo Qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, waxaana si weyn loo aaminsan yahay in uu aasaasi u yahay dimuqraadiyad kasta oo shaqeyneysa. 

Koboca dhaqaalaha

Dhinaca koboca dhaqaalaha, Ergeyga Gaarka ah ee QM waxaa ay soo dhoweysey horumarka ay Soomaaliya ka dhex gaartey Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta / the International Monetary Fund (IMF) iyo Mashruuca Bankiga Adduunka ee Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus Qaba / Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan halkaan ka sheego in dhowaan la heley halkii xabbo ee ugu dambeeyey ee furi lahaa hal-xiraalaha, waxaana Soomaaliya ay tahay in bisha Disembar ay gaarto bar-dhammaadkii hawshaa. Tani waxaa ay Soomaaliya awood u siineysaa in ay hesho deymo fudud iyo deeqo aad uga badan kuwa hadda, taasina waxaa ay muhiim u noqon doontaa koboca dhaqaale ee Soomaaliya,” ayaa ay tiri Ms. Laing. 

“Sidaa daraaddeed, tusaale ahaan maalgashiga xeebtiina, xeebtiina aadka muhiimka u ah, oo awood idiin siin doonta in aad horey u sii socotaan marka laga eego dhinaca dhaqaalaha,” ayaa ay sii raacisey.

IMF-ta iyo Bankiga Adduunka ayaa mashruuca HIPCS initiative daahrogey sanadkii 1996kii si loo hubiyo in dal sabool ah aysan soo wajahin deyn uusan xamili karin. 

Sanadkii 2005tii, si loo dedejiyo hiigsiga lagu xaqiijinayo Yoolalka Joogtada ah ee Horumarka ee QM, ayaa mashruuca HIPC Initiative waxaa lagu kaabey mashruuca Cafinta Deymaha Dhinacyada Badan / Multilateral Debt Relief Initiative. Tani waxaa ay keeneysaa in dalalka dhammeystira geeddi-socodka mashruuca HIPC Initiative in 100 boqol laga dhaafo deynta uu sharciga u oggolaanayo ee ay ku leeyihiin IMF, Bankiga Adduunka iyo Sanduuqa Horumarinta Afrika / the African Development Fund.

Talinta Sharciga

Faalladii ay siineysey warbaahinta, ayaa Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah – Gbeho – waxaa ay sidoo kale ku faahfaahisey taageerada QM ay siiso talinta sharciga, cadaaladda iyo asluubta ee Soomaaliya, taas oo ay soo hoosgelayaan xoojinta booliska iyo doorka bulshada ee hawlaha booliska (community policing) ee guud ahaan dalka. 

“Waxaan sidoo kale si dhow ula shaqeyney Dowladda, bulshada rayidka ah, hay’adaha kale ee QM ee Barnaamijka Laga Wadaqaybqaato ee Caddaaladda iyo Asluubta / the Joint Justice and Corrections Programme. Tani waxaa ay ilaa hadda taageero siisey in adeegyo sharci la siiyo ku dhowaad 18,000 ka-faa’iideyste oo jooga Soomaaliya – waxaana ka-faa’iideystayaashaasi ay aqlabiyaddoodu ahaayeen haween,” ayaa ay tiri Ms. Gbeho. 

“Waxaan sidoo kale taageernay in dalka guud ahaan laga dhiso 16 xarumood oo khilaafaadka lagu xallinayo waxaanna xarumahaasi lagu xalliyay 13,000 oo kiis,” ayay hadalkeeda sii raacisay. 

Welwelka la xiriira Xaaladda Bani’aadamnimada

Xaaladda bani’aadamnimada ee ba’an ee hadda ka jirta Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo qaadey shirka jaraa’id. 

Dalkan ku yaalla Geeska Afrika ayaa waxaa ka dhacay abaar daba-dheer oo ba’an – taas oo ahayd tii ugu xumeyd muddo 40 sano ah – taas oo la halmaashey halis mug leh oo loo galey in ay dhacdo macluul. Markii uu ugu sarreeyey waxqabadka bani’aadamnimada ee labadii sano ee la soo dhaafey, in ka badan 6.3 milyan oo Soomaali ah ayaa wax un taageero ah ka helayey QM. Taageeradan waxaa ka mid ahaa gargaar la xiriirey cunto, nadaafad, biyo, fayadhowr iyo kuwo kale. 

“Waxay qayb muhiim ah ka ahayd ka-hortagga in dalku uu inta hoos uga dhaco xaalad abaar daba-dheer ah oo uu galo xaalado macluuleed,” ayaa uu yiri Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey – Mudane Conway.

Sanadkii 2022kii iyo horraanta sanadka 2023ka, QM iyo bahwadaagteeda ayaa ka shaqeeyey waxqabad bani’aadamnimo oo xooggan, kaas oo waxtar lahaa. Haseyeeshee, inkasta oo roobabkii dhowaan da’ay ay sii wanaajiyeen xaaladda oo ayna soo wanaagsanaatey haqab-beel la’aantii cunto ee ka jirtey guud ahaan dalka, haddana weli culeysyo ayaa jira.

Waqtigan, waxaa jira dad malaayiin ah oo aan weli haysan cunto ku filan oo gargaar u baahan. Xaaladda ayaa la saadaalinayaa in ay ka sii darto ilaa laga gaarayo Disembar, taas oo badanaa ay sabab u yihiin roobabka intii hore ka badan ee Deyrta oo uu ku sii darsamay ifafaalaha El Niño.

El Niño ayaa la filayaa in uu sababo daadad-roobeed iyo fatahaado-webiyeed oo ka dhaca qayb ballaaran oo dalka ka mid ah. 

“Waxaan waqtigan aan joogno qiyaaseynaa in afar milyan oo Soomaali ah ay ku nool yihiin dhibaatooyin haqab-beel cunto la xiriira oo heerar kala duwan ah. Tani waa mid aad u badan. Tani waa tiro aad u sarreeysa. Waxaana 3.8 milyan oo Soomaali ah ay yihiin dad gudaha ku barokacay oo jooga guud ahaan dalka. Tirada ayaa ay ku korodhey hal milyan intii ay socotey abaarta daba-dheer.” Ayaa uu yiri Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah – mudane Conway. 

“Sidaa daraaddeed waqtigan aan joogno, maanta marka laga soo tago baahida bani’aadamnimo ee hadda ka jirta dalka, waxaan aad uga welwelsannahay raadka El Niño ee xilli-roobaadka Deyrta,” ayaa uu sii raaciyey. “Waxaan durba labadii toddobaad ee la soo dhaafey aragney daadad roobeed oo ka dhacaya tiro magaalooyin ku kala yaalla guud ahaan dalka. Waxaan aragney heerarka biyaha webiyada oo kor u kacaya… Qiyaasaha aan hadda hayno ayaa ah in ay u badan tahay in roobabku ay ka sii xumaan doonaan kuwii aan arkeyney 20kii sano ee la soo dhaafey, iyada oo roobabkii ugu xumaa ee dhowaan dhacay ay ahaayeen kuwii 1997dii.”

Sida ay tilmaamayaan qiyaasaha laga heley Hay’adda QM ee Cuntada iyo Beeraha (FAO), ilaa 1.2 milyan Soomaali ah ayaa ay fatahaado saameyn doonaan saddexda bilood ee soo socda gudahooda, iyada oo ayna sababi doonaan in1.6 milyan oo hektar oo dhul ah ay sidoo kale ay biyo fariistaan. Soomaalida ku jira xerooyinka dadka gudaha ku barakacay, iyo bulshooyinka martigeliyey xerooyinkaas, ayaa la filayaa in dhibaatadu ay si weyn u taaban doonto.

Mudane Conway ayaa xusey in hay’adaha QM ee bani’aadamnimada ay la shaqeynayeen DFS, gaar ahaanna Hay’addeeda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliya, iyo sidoo kale heer-Dowlad-goboleedna wasaradaha arrimaha bani’aadamnimada ay kala shaqeynayeen tallaabooyin diyaar-garow ah si la isugu dayo in la yareeyo raadka ay dhibaatadu ku yeelanayso dadka Soomaaliyeed. 

“Waxaan qabanney shaqo aad u badan si aan dowladda, dowladaha hoose iyo dowlad-goboleedyada gacan uga siinno in ay soo cayimaan meelo dadka loo saari karo, oo ku yaalla meelo taag ah, waxaan siinney khariidado iyo xog. Waxaan la soconnaa heerarka biyaha webiyada si aan u taageerno Dowladda si ay u soo saarto ogeysiis digniin hore siinaya bulshooyinka si loo ogeysiiyo haddii ay tahay in ay ka tagaan meelaha ay joogaan,” ayaa uu yiri Mudane Conway.

“Waxaan xirmooyin taageero waxqabad hordhac ah siineynaa bulshooyinka sida tooska ah ay dhibaatadu u saameysey annaga oo ka caawineyna dhinacyada cuntada ama lacag kaash ah ama nadaafadda ama biyaha ama fayadhowrka ama dhinacyada kale ee aan shaqadeyadu diiradda saareyso,” ayaa uu sii raaciyey. “Waxaa muhiim ah in la xuso in kheyraad mug leh aan u qoondeyney waxqabadkan. Waqtigan la joogo, waxaan $50 milyan u qoondeyney in islamarkii wax looga qabto gurmadka degdegga ah.”

Haseyeeshee, gargaarka bani’aadamnimada ee QM waxaa soo wajahay caqabado.

Qorshaha Waxqabadka Bani’aadamnimada ee Soomaaliya ee sanadka 2023, waxaa uu u baahan yahay in uu helo wax ka badan $2.6 billion si uu ugu bixiyo baahiyaha mudnaanta leh ee 7.6 milyan oo qof. Waqtigan la joogo, qorshuhu waxaa uu heley wax ka yar kalabar caddadka lacagtii la rabey, waxaana bahwadaagtu mudnaan siinayaan deggaanada nugul ee qaba baahiyaha ugu culus.

“Ilaa maanta waxaa ay heshey ilaa 39 boqolkiiba maaliyaddii ay rabtey. Taasi waxaa ay wax u dhimeysaa awooddii aan ilaa xadka aan jeclaan lahayn ku ballaarin lahayn waxqabadka waxaana aan deeq-bixiyeyaasha ka codsaneynaa in ay la yimaadaan taageero deeqsinimo ay ku dheehan tahay oo awood inoo siisa in aan hubinno in aan  baahiyaha wax uga qabanno maaddaama ay u badan yihiin in ay soo if-baxaan bilaha soo socda,” ayaa uu yiri Mudane Conway.

Horumarinta

Marka laga soo tago arrimaha bani’aadamnimada, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah waxaa uu sidoo kale ka hadley horumarinta guud ee Soomaaliya, oo ay ka mid tahay in xalal muddada fog ah loo helo dhibaatooyinka soo noqnoqda ee ay sababaan xaaladaha cimilada ee kediska ah, sida fatahaadaha iyo abaaraha.

“Kuwani waa kuwo si meerto ah ugu soo noqnoqda Soomaaliya, waxaana meertooyinku ay sii noqonayaan kuwo sii yaraada marba marka ka dambeysa oo raadka ay reebaanna waa uu sii badanayaa marba marka ka dambeysa. Waxaana taas ay lagamamaarmaan uga dhigeysaa maamullada Soomaalida, oo ay taageereyso beesha caalamku, oo ay ka mid tahay Qaramada Midoobey, in ay maalgeliyaan xalal lagu yareynayo halisaha mustaqbalka, si loo yareeyo baahiyaha bani’aadanimada ee mustaqbalka iyada oo loo marayo in la beegsado noocyada horumarinta dad ka dhimman ee culeys sed-bursi la xiriira ku ahaa dalka tobanaankii sano ee la soo dhaafey,” ayaa uu yiri Mudane Conway.

“Lacagta lagu bixiyey gargaarka bani’aadamnimada ayaa aad uga badan tan lagu maalgeliyey horumarinta labaatankii sano ee la soo dhaafey,” ayuu raaciyey hadalkiisa, isaga oo islamarkaana soo dhoweynaya horumarka laga gaarey mashruuca HIPC Initiative.

Mudane Conway ayaa xusey in dhammeystirka geeddi-socodka mashruuca HIPC Initiative uu dad awood u siinayo ballaarinta ajandaha horumairnta ee Soomaaliya – oo ah mid wax ka qabanaya waxyaabaha sababa dhibaatooyinka iyo halisaha meertada ah oo dhisayana adkeysi ballaaran oo ay yeeshaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hay’adaha Soomaaliyeed oo awood u yeesha in si ka wanaagsan sida hadda ay  mustabalka u maareeyaan dhibaatooyinka.

“Waxaan iskudayeynaa in aan dib isugu dheellitirno hawlahaan oo aan mabda’iyan dhaqaalaha ka soo yareyno kuwo bani’aadamnimada ah oo aan inta badan u jihayno hawlo la xiriira horumarinta si mar kale loo yareeyo halista mustaqbalka imaan karta. Waxaa jira iskaashi dhinaca horumarinta ah oo aan dowladda kaga caawinayno dhinacyo badan. In badan oo ka mid ah hawsha aan qabanno waxaa ay si toos ah ugu xiran tahay qaab-dhismeedka Hawlgalka ee lagu taageerayo ajandaha qaran-dhiska, caddaaladda, talinta sharciga iyo kuwo kale,” ayaa uu yiri Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah.

“Waxaan maalgelin sii kordheysa gelineynaa la-qabsashada cimilada, maareynta deegaanka, dhab-ahaantii waa ajandaha xasilinta waxaana aan sii ballaarineynaa hannaannada bixinta adeegyada aasaasiga ah ee la gaarsiinayo degaannada dhowaan un awood loo yeeshey in la gaaro halkaas oo dadku aaney adeegyo joogto ah heli jirin, qaarkoodna aaney helin muddo dheer – oo ka badan toban sano,” ayaa uu raaciiyey. “Waxaana aan bilowney maaliyadsiin cusub oo magaceeda la yiraahdo the Somalia Joint Fund, oo hadda shaqo bilowdey.”

Maalinta QM

Hadafka Maalinta QM waa in lagu weyneeyo ajandaha ka wada dhexeeya guud ahaan aadanaha iyo in dib loo xaqiijiyo ujeeddooyinka iyo mabaa’diida Axdiga QM ee ururka hagayey 78 sano ee la soo dhaafey.

Sanadkii 1945, ayaa ergo ka kala socdey 50 dal ay ku kulmeen magaalada San Francisco, ee Dalka Mareykanka, ee Shirweynaha QM ee Ururkan Caalamiga ah si ay u dejiyaan Axdiga QM, oo ah dokumentigii lagu aasaasey Qaramada Midoobey.

Axdiga QM waxaa la saxiixey 26 Juunyo 1945 waxaana uu dhaqangaley 24kii Oktoobar isla sanadkaas, markii ay saxiixayaasha aqlabiyaddoodu ay ansaxiyeen, taas oo si rasmi ah u abuurtey QM. Tan iyo markii la aasaasey, hawlgalka iyo shaqada QM waxaa hagayey ujeeddooyinka iyo mabaa’diida ku qoran Axdiga.

Farriintiisa uu xuska Maalintaa ugu talogaley, ayaa Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres uu ku sheegey in inkasta oo ururkan dunida ku mideysan tahay ay hagayaan mabaa’diidaas iyo qiyamkaas muddada soo jirey, haddana waa in aaney ku dhegganaan waqtigaa qaddiimka ah. 

“Taas ayaana ah sababta ay waajib innoogu tahay in aan mar walba sii xoojinno qaababka aan u shaqeyno oo aan wax kasta oo aan sameyneyno u eegno si la jaanqaadi karta qarnigan 21aad. Maalintan Qaramada Midoobey, aan ku wajahno ballanqaad wata rajo iyo go’aan aan ku dhiseyno dunida tan ka wanaagsan ee aan ku hamineyo. Aan ballanqaadno mustaqbal ka soo bixi kara magaca ururkeenna lagamamaarmaanka ah. Waxaan nahay duni kala qaybsan oo aan muwaafaqo lahayn. Waan noqon karnaa ee aan noqonno qaramo midoobey,” ayuu yiri.

 

[Qoraalka dhammeystiran ee shirka jaraa’id waxaa laga heli karaa halkan waxaa sawirrada laga heli karaa halkan.]